Gorgortanka Mushaharka (salary Negotiation)
Oct 06, 2024 by

Waa habka lagu heshiiyo ama lagu kordhiyo mushaharka shaqo cusub ama shaqo joogto ah, iyadoo la adeegsanayo xirfaddo iyo xeelado lagu helo gunno wanaagsan oo la xidhiidha mushaharka iyo faa'idooyinka kale ee la socda booska shaqada.
Maxaa la tixgeliyaa markaad gorgortanka mushaharka samaynayso?
1. Baadhitaan samee (Research)
- Qiimaha suuqa baro: Kahor intaadan bilaabin gorgortanka, baro mushaharka celceliska ah ee loo bixiyo booska aad dalbanayso. Waxaad u isticmaali kartaa ilo sida Glassdoor, Payscale, ama shabakaddaha kale ee la xidhiidha shaqooyinka si aad u ogaato qiimaha suuqa, iyadoo la tixgalinayo goobta iyo waayo-aragnimadaada.
- Shirkadda iyo waaxdeeda faham: Ogow qaabka shirkadda ee bixinta mushaharka iyo dhaqanka ay u leedahay gorgortanka mushaharka. Qaar ka mid ah shirkaddaha waxay leeyihiin xeerar adag oo mushaharka ah, halka kuwa kale ay yihiin kuwo dabacsan oo ogol in gorgortan la sameeyo.
2. Go’aanso qiimahaaga (Know your worth)
- Qiimahaaga xirfaddeed iyo waayo-aragnimadaada waa muhiim in la fahmo. Xirfadaha gaarka ah iyo khibradda aad leedahay ee shaqada waxay noqon kartaa saldhigga aad ku hesho mushahar wanaagsan. Haddii aad leedahay karti ama xirfado gaar ah oo sareeya, waxay kordhisaa awoodaada gorgortan.
3. Baro waxaad uga baahan tahay mushaharka
- Waa muhiim inaad garato waxa aad uga baahan tahay mushaharka, ma aha oo kaliya lacagta aad doonayso inaad qaadato laakiin sidoo kale faa'idooyinka kale ee shaqada, sida gunnooyinka, caymiska caafimaadka, fasaxyada, horumarka xirfadeed, iyo shaqada guri ka shaqaynta. Haddii aad gaadhay heerka ugu sareeya ee shirkaddu ugu talo gashay mushaharka, xisaabta ku darso u tartamista shirkaddaha kale ee kasii waaweyn adigoon waxba ka dhimayn dedaalkaaga shaqo ee booska aad hadda ku shaqayso si aanay saameyn taban aan fiicnayn ugu yeelan mustaqbalka tixraacaaga shaqo.
4. Isku kalsoonow (Be confident)
- Waa muhiim inaad isku kalsoonaato markaad gorgortanka sameyneyso. Baro inaad cadayso sababta aad u baahan tahay mushahar sare ama faa'idooyin gaar ah, adigoo ku salaynaya waayo-aragnimadaada iyo faa’idooyinka aad u soo kordhin karto shirkadda.
5. Diyaari sheekadaada (Prepare Your Pitch)
- Samee qorshe aad ku sharaxayso sababta mushahar kordhina aad rabto ay u tahay mid macquul ah. Sheeg waayo-aragnimadaada, guulahaaga, iyo sidii aad u horseedi kartay horumar shaqo. Tusaale ahaan, "Markii aan joognay shirkaddii hore, waxaan kordhiyay iibka 20%, waana sababta aan u malaynayo in mushahar ka sareeya kan hadda la ii soo bandhigay uu yahay mid macquul ah."
6. Ka Bilow Kor (Start high but reasonable)
- Mushaharkaaga bilowga ah ee aad soo jeedinayso waa inuu noqdaa mid sareeya, laakiin uu ahaado mid macquul ah. Tani waxay kuu ogolaanaysaa inaad meel dhexe ku heshiisaan haddii ay ka hooseeyaan inta aad markii hore soo jeedisay, isla markaana aad ku qanacdo natiijada.
7. U diyaar garow inaad kala xaajootid faa’idooyinka kale (Consider other benefits)
- Mushahar keliya maaha waxa laga gorgortami karaa. Waxaad kala xaajoon kartaa faa’idooyinka kale sida fasaxa lacag la’aanta ah, caafimaadka, fursaddaha waxbarasho, ama shaqada guri ka shaqaynta. Mararka qaar, faa’idooyinkani waxay noqon karaan kuwo ka qiimo badan kordhinta mushaharka laftiisa.
8. Dib u fiiri dalabka (Evaluate the Offer)
- Ka fiirso dhamaan waxyaabaha shirkaddu bixiso, ha noqoto mushaharka, faa’idooyinka, iyo fursadaha koritaanka xirfadeed. Waxaa muhiim ah inaad fahanto dhammaan faa’idooyinka iyo culeysyada shaqada ka hor intaadan si toos ah u aqbalin ama u diidin dalabka.
9. Yaanay kaa muuqan baahi weyni (Don’t appear desperate)
- Inaad muujiso inaad aad ugu baahan tahay shaqada ama lacag badan waxay daciifin kartaa kalsoonida lagugu qabo iyo gorgortan. Ku dedaal inaad muujiiso kalsoonidaada iyo qiimahaaga adigoo weliba tixgelinaya inaad si deggan u gorgortantid.
10. Diyaar u noqo natiijada (Be prepared for the outcome)
- Mararka qaar, shirkaddu ma ogolaan karto mushahar kordhin ama faaidooyin kale. Haddii sidaas dhacdo, waa muhiim inaad diyaar u ahaato inaad si cad u sheegto haddii dalabku aanu ku habboonayn ama aad diyaar u tahay inaad aqbasho fursado cusub iyadoo la tixgelinayo faa’idooyinka kale.
Digniino iyo waxyaabaha laga digtoonaado:
- Ha dhayalsan mushaharka hore: Mushaharkaaga hore waa inuu noqdo qodob diiradda la saaro si aad u hesho mushahar ku habboon booska cusub. Ha hilmaamin halkan sidaad kusoo gaadhay iyo hababkii aad ugusoo dhex kortay shaqada hadda aad hayso.
- Haku degdegin inaad aqbasho dalabka hore: Markaad hesho dalabka, ha aqbalin isla markiiba; ka fiirso, iska hubi, oo haddii loo baahdo, codso waqti dheeraad ah si aad u baadho.
Xirfaddaha gorgortanka mushaharka waxay kaaga baahan yihiin inaad diyaar u ahaato, aqoon u leedahay baahidaada, kana fiirsato faahfaahinta dalabka. Gorgortanku waa fursad aad ku xaqiijin karto inaad hesho mushahar iyo faa’idooyin ku habboon xirfaddaada iyo waxyaabaha aad u soo kordhin karto shirkadda.
Inaad hore u socotaa waa doonistaada adigoo ilaalinaya xaqa iyo xuquuqaha lagugu leeyahay. Daqiiqadaha lagaa iibsaday waxay looshaqeeyaha ugu taagan yihiin lacag, haddii aad ku bixiso baraha bulshada waxaad dulminaysaa looshaqeeyaha, daqiiqadaha uu kaa iibsaday ugu qabo shaqada laguu igmaday si sax ah. Taasi waxay hadhow kuu fududeynaysaa inaad hesho dalacsiin iyo mushahar kordhin aad degdeg ku heli karto.
Ilaahay kaalmeyso hana niyadjabin.
Guuleyso!
Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.
Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]
Tixgelin.
--------------------------------------------------
Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)
Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs
(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164