Horumarinta Kalsoonida Nafta

Horumarinta Kalsoonida Nafta 

 

Kalsoonidu waa xaalad uu qofku kula soconayo naftiisa, sidoo kalena uu ku ogaanayo, meelaha uu awoodda ku leeyahay, meelaha uu ka tayaysan yahay iyo meelaha uu ku fiican yahay. Waa awood maskaxeed qofka u saamaxaysa in uu aqbalo caqabadaha, qaatana khataraha. Kalsooni in aad lahaataa macnaheedu maaha in aad dhiirato oo aad ka jawaabto su’aal walba; se taa badalkeeda waa in aad ku kalsoonaato naftaada, oo aad aaminsanaato. Qodobadan soo socda ayaa loo hormarin karaa kalsoonida: 

 

  1. Ogaal nafeed 

Qof kasta waxaa waajiba in uu fahmo meelaha uu awoodda ku leeyahay, meelaha uu ku daciifsan yahay iyo meelaha uu ku dhisi karayo qiimihiisa.  

  1. Naf la hadal toosan 

Qof kastaa waa in uu ku celceliyo in uu si toosa ula hadlo naftisia, si uu u dhismo xidhiidhka uu la leeyahay naftiisu. Waxa kale oo habboon in uu qofku naftiisa u sheego xaqiiqooyinka ku hareeraysan, tanina waxay carinaysaa korriinka maskaxeed ee qofka.  

  1. Dejinta hadafyo la gaadhi karayo 

Qofku waa in uu hadafkiisa weyn u jajabiyo qurubyo yaryar, si gaadhitaan kooduna u suurto galo. Tani waxay qayb wayn ka qaadanaysaa in qofku uu helo tamar uu ku sii socon karo. 

  1. Xirfad iyo aqoon 

Waxa waajiba in uu qofku lahaado xirfadda iyo aqoonta looga baahan yahay goobta shaqada. Mar kasta oo uu qofku guto waajibaadkiisa, waxaa kordhaysa kalsoonida uu qabo naftiisa. 

  1. Ficil samayn  

Qof kastaa waa in uu ka baxo goobada uu la qabsaday, qaatana khataro badan. Qodobkanina waxa uu horumarinayaa heerkiisa kalsooniyeed. Qofka mar kasta ficil sameeyaa waxa uu naftiisa ku qasbi doonaa in ay la qabsato isbadalka xaaladaha, tanina waxay kor u qaadi doontaa kalsoonidiisa.  

  1. Naftaada ku hareeree taageerayayaal 

Qof kasta waxaa waajib ku ah in uu raadiyo sidii uu ku heli lahaa cid taageerta, toosisa, sidoo kalena u tilmaanta jidka ugu toosan. Helidda falcelino kaaga imanaya noloshaada iyo shaqadaaduba waxay kugu riixayaan wax ka qabashada wixii qaldan. Tanina waxay dareen ahaan muujinaysaa qofku in uu ahaado mid kalsooni le.  

  1. Wax ka barashada guul-darrada 

Qofka oo u arka fursado goobaha uu soo dhaafay iyo qaladaadka uu galay waxay qayb wayn ka qaadanaysaa in uu koro, aqoonna uu korodhsado. Ku dadaal in aad joogtayso kalsoonida waqtiyada kugu adag. 

 

Ugu dambayn mid ogow: kalsoonidu waa wax la dhisi karayo , sidoo kalena la horumarin karayo; keliya waxaa lagu kala duwan yahay goobaha nolosha iyo safarka uu qof kastaaba khaaska ugu jiro. Dadku waxay ku kala duwan yihiin farsamooyin ka ay u isticmaalayaan sidii ay u heli lahaayeen fursado korriin. Sidaa daraadeed waxaa muhiim ah in aad waqti badan geliso dhisidda kalsoonidaada dadaal badanna aad u hurto in aad ahaato qof isku kalsoon.   

 

--------------------------------------------------------      

Guuleyso      

Xuquuqda Qoraalku waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.      

Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]       

Tixgelin.    

--------------------------------------------------    

Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)    

Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs    

(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164