chat account_circle
  • chat
  • Somalijobs Inc
    Somalijobs Inc

    Labadan, Laba Ku Bedel!

    Dhanka wanaagsan inaad wax ka eegtaa ma aha wax iska dhaca, balse waa mid u baahan inaad maskaxdaada ku tababarto.  Haddii aad maalinkasta naftaada ku tababarto dhihidda ereyo wanaagsan sida: '' Hore u soco, talaabo hore u qaad, qof qiimo leh ayaad tahay, dadka adigaa ugu mudan.'' waxay niyadaada ka buuxinaysa tixgelin iyo qiimeynta naftaada. Ma aha inaad dadka iska kibrinayso balse naf lahadalka wanaagsan baad naftaada ku tababaraysaa.

    Arrimaha saameynta weyn innagu leh waxa kamid ah iska eegista, ka fikir qaadashada iyo falcelinta dadka oo aan meel durugsan ku gaadhsiineyn. Dadku waa muraayad aad iska dhex daawan karto si aad u ogaato waxaad ku wanaagsantahay, waxaad ku liidato, tayooyinka qofeed ee aad leedahay iyo mudnaanahaaga aad qiimeyso.

    Intaa marka lagasoo gudbo. Labadan hoose, laba ku bedel:

    1. Dadka:

    Dadku maxay qabanayaan? Ficilka dadku inuu jaangooyo waxaad qabanayso ama aad ka hadlayso ku beddel

    Ku bedel:

    2. Ilaahay:

    Muxuu Ilaahay SWT Iisheegay inaan qabto? Halkeebuu Ilaahay jecelyahay inuu igu arko, oo uu necebyahay inaan kasoo muuqdo ama ku dhex jiro.

    يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ ٱذْكُرُوا۟ نِعْمَتَ ٱللَّهِ عَلَيْكُمْ ۚ هَلْ مِنْ خَـٰلِقٍ غَيْرُ ٱللَّهِ يَرْزُقُكُم مِّنَ ٱلسَّمَآءِ وَٱلْأَرْضِ ۚ لَآ إِلَـٰهَ إِلَّا هُوَ ۖ فَأَنَّىٰ تُؤْفَكُونَ ٣

    Dadow waxaad xasuusataan nimcada ilaahay guudkiina yeelay cidkale idinma siine Ilaahaybaa idin siiyey, cid idinka qaadi kartaana ma jirto. Aan Idin su'aalee, Axad abuuraa miyuu jiraa  oo aan ilaahay aheyn oo idin idinka arsaaqaya dhulka iyo samada. Maya, Majiro Ilaah kale oo xaq lagu caabudaa Ilaahay mooyaane. Haddaba idinkoo qirsan sidee xaqa la idiin seejinayaa.

     

    وَٱبْتَغِ فِيمَآ ءَاتَىٰكَ ٱللَّهُ ٱلدَّارَ ٱلْـَٔاخِرَةَ ۖ وَلَا تَنسَ نَصِيبَكَ مِنَ ٱلدُّنْيَا ۖ وَأَحْسِن كَمَآ أَحْسَنَ ٱللَّهُ إِلَيْكَ ۖ وَلَا تَبْغِ ٱلْفَسَادَ فِى ٱلْأَرْضِ ۖ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُحِبُّ ٱلْمُفْسِدِينَ ٧٧

    Raadso, Xoolahan ilaahay kusiiyey ku raadso daarta aakhiro, Adduunkana ka qaad wixii nasiibkaaga ah. Usama fal sida addigaba ilaahay kuugu samo falay. Shaqo iyo camal haka dhigan fasahaadka. Ilaahay ma jecla kuwa wax fasahaadiyayey.

    قُلْ يَـٰعِبَادِ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ ٱتَّقُوا۟ رَبَّكُمْ ۚ لِلَّذِينَ أَحْسَنُوا۟ فِى هَـٰذِهِ ٱلدُّنْيَا حَسَنَةٌۭ ۗ وَأَرْضُ ٱللَّهِ وَٰسِعَةٌ ۗ إِنَّمَا يُوَفَّى ٱلصَّـٰبِرُونَ أَجْرَهُم بِغَيْرِ حِسَابٍۢ ١٠

     (Nebi Allow dheh) Addoomahaygiiyow, Kuwii ilahay rumeeyey ee Ilahay ka cabsaday.  Duulka wanaaga sameeya adduunyad isna wanaag ayaanu u haynaa iyo janno. Arlada Ilaahayna waa waasac.  Inkale ma aha'e ilaahay wuxuu u dhameystiri doonaa saabiriinta abaalmarintooda aakhiro iyadoon la qiyaasiba karaynin.

    وَلَا تُفْسِدُوا۟ فِى ٱلْأَرْضِ بَعْدَ إِصْلَـٰحِهَا وَٱدْعُوهُ خَوْفًۭا وَطَمَعًا ۚ إِنَّ رَحْمَتَ ٱللَّهِ قَرِيبٌۭ مِّنَ ٱلْمُحْسِنِينَ ٥٦

    Arladan Ilaahay fasahaadka ka Ilaaliya, Intuu Ilaahay islaaxiyey kaddib (Ee uu Nebiyo usoo direy.) Rabbigiina barya iyadood cabsiyi idinka hayso, yididiilo iyo rejo qaba.  Ilaahay naxariistiisu kama dheeradadka samaha Fala.

    فَٱذْكُرُوٓا۟ ءَالَآءَ ٱللَّهِ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ ٦٩

    Xasuusta, Nimcooyinka Ilaahay (Haddii aad taas iga yeeshaan) waad liibaani doontaane.

    ۚ وَكَذَٰلِكَ نَجْزِى ٱلْمُحْسِنِينَ ٨٤

    Sidaa aad arkaysaanbaan u abaalmarinaynaa Samafalayaasha (tafiir wacan inuu Ilaahay ka reebo)

    وَهُوَ ٱلَّذِى يَقْبَلُ ٱلتَّوْبَةَ عَنْ عِبَادِهِۦ وَيَعْفُوا۟ عَنِ ٱلسَّيِّـَٔاتِ وَيَعْلَمُ مَا تَفْعَلُونَ ٢٥

    Ilaahay waa ilaaha ka aqbala tawbada addoomihiisa markay ka garaabaan ee ay kasoo noqdaan (Ilaahay waa ka tawbad aqbalaa) Ilahay waa saamaxayaa wixii khaladaad ay ku dhaceen. Ilaahay waa ogyahay waxa aad falaysaan.

    3. Dadka

    Dadku maxay odhan doonaan?

    Haku xidhin go'aamadaada iyo danahaaga hadalada dadka kugu hareeraysan. Waxay curyaaminayaan dedaalkaaga aad meelsare ku gaadhi karto.  Awooddaada iyo tamartaaduba meel cidlo ah ayey ku lamayaan waagii yimaadaba haddii talaabada aad qaadoba hordhac uga dhigto dadku maxay odhan doonaa. Waa hubaal in aanad hore u soconayn inta aad iska eegayso cidkale.

    Ku bedel

    4. Ilaahay

    Ilaahay muxuu odhan doonaa?

    Ficilada aad qaadayso, hadalada kaa soo baxaya, la dhaqankaaga iyo arrimaha aad ka shaqeynaysaa ma yihiin kuwo raaligelinaya Ilaahay. Caqiidadayda, adduunyo iyo aakhribo wax maka taraysaa mise hoosbay u dhigeysaa.

    ٱلَّذِينَ يُوفُونَ بِعَهْدِ ٱللَّهِ وَلَا يَنقُضُونَ ٱلْمِيثَـٰقَ ٢٠

    Kuwaa caqliga lihi waa kuwa Wacadka ilaahay ay la galaan oofiya. Abidkoona aan ka bixin dadkay isdhaarsadeen.

    وَٱلَّذِينَ يَصِلُونَ مَآ أَمَرَ ٱللَّهُ بِهِۦٓ أَن يُوصَلَ وَيَخْشَوْنَ رَبَّهُمْ وَيَخَافُونَ سُوٓءَ ٱلْحِسَابِ ٢١

    kuwa caqliga lihi waa kuwa xidhiidhinaya shaygii Ilaahay faray in la xidhiidhiyo (Dadka), Iyaga oo kaligood jooga ayey Ilaahay ka cabsadaan. Waxay aad iyo aad uga sii cabsanayaan xisaab aad u adag maalinta ay dhacayso.

    يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ ٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ وَكُونُوا۟ مَعَ ٱلصَّـٰدِقِينَ ١١٩

    Ilaahay iyo Rasuulka kuwa rumeeyeyow dar Ilaahay ka cabsada ahaada. Oo waliba dadka run yaqaanka ah la xidhiidha. (awrkaaga awr baas haku xidhiidhin ficilkasta waalakala qaadaaye.)

    قُل لَّا يَسْتَوِى ٱلْخَبِيثُ وَٱلطَّيِّبُ وَلَوْ أَعْجَبَكَ كَثْرَةُ ٱلْخَبِيثِ ۚ فَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ يَـٰٓأُو۟لِى ٱلْأَلْبَـٰبِ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ ١٠٠

    Waxaad ku tidhaa Nebi Allow: Shay xun iyo shay wanaagsani wax sinnaan kara ma aha walow haba ku yaab geliyaan farabadnaanta ah (Badnidu micno ma sheegayso) dhanka xun. Ilaahay ka cabsada dadka caqliga u saaxiibka ahow, Haddaad caqliga isticmaashaa waydun liibaani doontaan.

     

      Guuleyso!    

    Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.     

    Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]      

    Tixgelin.

    --------------------------------------------------    

    Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)    

    Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs    

    (IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164