Caafimaadka maskaxdu waa mid muhiim u ah qof kasta, wuxuuna si weyn u saameeyaa nolosha qofka, xidhiidhkiisa bulshada, iyo fayo-qabka guud ee jidhkiisa. Islaamku waa diin daryeesha dhammaan dhinacyada nolosha, wuxuuna si qoto dheer uga hadlay caafimaadka maskaxda, xasilloonida nafta, iyo sidii loo heli lahaa nolol deggan oo farxad leh.
Diinta Islaamku waxay xoogga saartay in nafta la daryeelo, lagana fogaado wax kasta oo keeni kara dhibaato maskaxeed. Qur’aanka iyo sunnada nabiga ﷺ waxay ina farayaan in aan ilaalino caafimaadkeena maskaxeed, jidhkeena, iyo ruuxdeena.
- Xasilloonida iyo dejinta maskaxda
Alle wuxuu qur’aanka kariimka ah ku sheegay:
"kuwa rumeeyey (Alle) qalbigoodu wuxuu ku degaa xuska Ilaahay, hubaal xuska Alle ayey qalbiyadu ku degaan." (surat ar-ra’d: 28)
xuska Alle (dikriga) wuxuu ka caawiyaa qofka in uu helo xasillooni, iskana xakameeyo werwerka iyo walaaca.
- Tawakkulka iyo kalsoonida
Islaamku wuxuu inoo sheegay in aan Alle talo saarano, taasoo qofka ka caawineysa inuu ka xoroobo cabsida iyo werwerka:
"Ruuxii Alle tala saarta, wuu ku filan yahay." (surat at-talaaq: 3)
markaan ogaanno in Allah swt uu dhammaan wax walba maamulo, waxay naga yareyneysaa culayska maskaxeed ee aan la tacaalno.
- Ka hortagga dhibidda nafta
Islaamku wuxuu ka digay in qofku uu isdhibo ama naftiisa cadaadiyo. Nebiga ﷺ wuxuu yidhii:
"ha is-dhibin, hana dhibin dadka kale." (xadiis)
tan micnaheedu waa in aynaan isku abuurin werwer badan, ayna muhiim tahay in la raadiyo nabadgelyo iyo xal.
- Samir iyo adkaysi
Caafimaadka maskaxdu wuxuu si dhow ula xidhiidhaa samirka. Qur’aanka Ilaahay SWT wuxuu innoogu sheegay:
"Alle wuxuu la jira kuwa samra." (surat al-baqara: 153)
Samirku waa furaha xallinta dhibaatooyinka maskaxeed, waxayna qofka ka caawisaa inuu ku kalsoonaado in xaaladuhu ay hagaagi doonaan.
Habka aad uga badbaadi karto xanuunada maanka:
- Dikriga iyo salaadda badso
Salaadda iyo dikrigu waxay ka mid yihiin xalalka ugu wanaagsan ee lagu dejin karo maskaxda. Xusuusashada Ilaahay SWT iyo ku xidhnaanshaha cibaadada waxay keentaa deganaan iyo farxad.
- Caawi oo la jir dadka dhibaateysan
Nebiga ﷺ wuxuu yidhi:"Qofka muslimka ah haddii uu walaalkii garab istaago xilliga uu baahan yahay, Ilaahayba SWT isagana garab istaagayaa."
marka aad qof kale caawiso, adiguna caafimaad maskaxeed ayaad ka heshaa. Tiro maleh inta qiso lasoo weriyo dad caawiyey dadkale oo dhibaataysan.
- Ka fogaaw werwerka xad-dhaafka ah
Waxaa wanaagsan in la barto sida loola tacaalo werwerka, taasoo ay ka mid tahay inaad si wanaagsan u qorsheyso waqtigaaga, aad nasato, oo aad la sheekeysato dad wanaagsan.
- Raadi gargaar haddii aad dareento dhibaato maskaxeed
Ilaahay SWT masoo dejiyo cudur ama xannuun aan dawo lahayn. Waa muhiim qofku inu raadiyo latashi iyo daaweyn haddii uu dareemo xannuunnada maanaka. Haddii aad la kulanto werwer badan, waxaa wanaagsan inaad la hadasho qof aqoon u leh arrimaha caafimaadka maskaxda sida dhaqaatiirta, culimada, ama saaxiibbada fiican.
Caafimaadka maskaxda waa mid muhiim ah oo Islaamku aad u qiimeeyo. Waa in aan xoojinnaa xusuusashada Alle, talo saarashada, samirka, iyo caawinta dadka kale. Isla markaana, waa inaan garowsannaa in raadsashada gargaar ay tahay wax caadi ah oo la ogolyahay diinta islaamka. Wacyigelinta caafimaadka maskaxda waa mas’uuliyad naga wada saaran si aan u dhisno bulsho caafimaad qabta, xasilloon, oo ku xidhan Allah swt.
Guuleyso!
Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.
Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]
Tixgelin.
--------------------------------------------------
Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)
Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs
(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164