Sookoobis: Buugga The Barakah Effect
Feb 27, 2025 by

Dunida casriga ah, guusha waxaa lagu cabbiraa waqtiga la shaqeeyo, faa'idada la kasbado, iyo dedaalka la geliyo shaqo kasta. Dhaqanka "Hustle culture" wuxuu dhiirrigeliyaa in qofku si aan kala go’ lahayn u shaqeeyo, isagoo ku hamminaya guul dhaqaale iyo horumar shaqo. Laakiin maxaa dhacaya haddii guushu aysan ku xidhnayn tirada saacadaha la shaqeeyo ee ay ku xidhnaato helidda wakhti barako leh.
Buugga The Barakah Effect, ee uu qoray Mohammed Faris, wuxuu soo bandhigayaa fikrad beddeli karta hab-fikirka shaqada iyo guusha. Qoraa Faris wuxuu si qoto dheer u sharxayaa sida barakadu ay u tahay sirta nolosha barwaaqada leh, taasoo qofka u suurtagelinaysa inuu "wax badan ku helo waxoogaa yar" (More with Less).
Barakadu waa badasho iyo korodh laga helo Ilaahay SWT, taasoo saameyn ku yeelata dhinacyada kala duwan ee nolosha, sida waqti, maal, caafimaad, cilmi, iyo dEdaal. Waa natiijo sareysa oo aan la sharaxi karin, balse qof kasta dareemi karo. Tusaale ahaan, qof uu waqtigiisu barako yeesho wuxuu wax badan qabtaa muddo gaaban, halka qof kale uu saacado badan shaqeynayo, balse aan natiijo muuqata ka helin. Haddii aynu waydiin dhexgelinno: Waayo ay innooga saameyn badan yihiin dadyowga qaar iyaga oo haysta isla wakhtiga aynu haysanno oo ah 24 saacadood? Ama iyagoo nool isla inta sanno ee cumrigeennu yahay sida culimada ku dhintay iyagoo ka yar 40 jir haddana raadkoodii wali dunida laga intifaacsado.
Faris wuxuu sharxayaa in barakadu ay la timaaddo nabadgelyo, qanaaco, iyo guul aan caadi ahayn. Waa nimco aan la cabbiri karin balse la dareemi karo, taasoo qofka u sahlaysa inuu shaqadiisa si fiican u qabto, lacagtiisa barako yeelato, oo uu noloshiisa dareemo in ay deggan tahay.
Hustle Culture (Dhaqanka isku hallaynta naftaada iyo dedaalkaaga oo kaliya) vs. Barakah Culture (Dhaqanka tala saarashada Ilaahay iyo dedaal kaaga shakhsiga ah)
Buuggu wuxuu iftiiminayaa farqiga u dhexeeya:
- Hustle Culture – Dhaqan casri ah oo dhiirrigeliya in qofku si aan kala joogsi lahayn u shaqeeyo, isagoo raadinaaya guul degdeg ah. Waxa uu keenaa werwer, daal, iyo dareen aan ku filnayn.
- Barakah Culture – Dhaqan ku dhisan niyad wanaagsan, xasillooni, iyo shaqo la xadhiidha himilo sare, taasoo horseedda natiijo wanaagsan iyo nolol barako leh.
Faris wuxuu muujinayaa in marka la fahmo Barakah, qofku uusan la tartamayn waqtiga, balse uu la jaanqaadayo nolosha si xikmad leh. Halkii laga fikiri lahaa "Sidee baan wax badan u qaban karaa?", waa in la is weydiiyaa "Sideebaan ku heli karaa in Ilaahay SWT ii barakeeyo wakhtigayga, maalkayga, dedaalkayga iyo shaqadaydaba?". Taasi waa furaha guusha ee waarta.
Mabaadi’ada buugga The Barakah Effect
Si loo gaadho nolol barako leh, buuggu wuxuu soo bandhigayaa mabaadi’ muhiim ah:
- Ku billaaw Bismillah & niyad wanaagsan: Shaqada kasta oo la bilaabayo waa in lagu billaabaa magaca Ilaahay (Bismillah) iyo niyad sax ah. Waa halka ay ka bilaabanto barakadu.
- Shaqadaada u arag adeeg: Qofku waa inuu shaqadiisa u arko adeeg uu u hayo bulshada oo uu Ilaahay SWT kaga rajeynayo Ajar iyo janno, halkii uu ka raadin lahaa faa'ido shaqsi ah (maadi ah oo kooban).
- Mahadnaq & xalaal raadis: Qofka mahadnaq badan wuxuu helaa barakada, sidoo kalena shaqada xalaasha ah iyo anshaxa wanaagsani waxay horseedaan guul barako leh.
- Samir & Tawakkul (Samir & tala-saarashada Ilaahay SWT) – Qofku waa inuu dedaal sameeyo, balse natiijada Alle u daayo. Dulqaad iyo kalsooni Alle waxay keenaan natiijo waarta. Cumar Binu Khadaar RC Wuxuu yidhi: ‘’Waxa la inna faray inaynu Ilaahay SWT barinno, Aqbalaaddana Ilaahaybaa iska leh.’’ Baryadaadu ha badato, xataa haddii kab ay kaa kala go’do inta aanad bani’aadam waydiisan Ilaahay SWT waydiiso.
- Xidhiidhka qoyska & sadaqada – Xidhiidh wanaagsan oo lala yeesho ehelka iyo sadaqo joogto ah waxay keenaan barako, taasoo faa'ido u leh nolosha iyo shaqada. Suubbaneheena SCW wuxuu yidhi: ‘’Qofkii raba in arsaaqda loo balaadhiyo, ha xidhiidhiyo qaraabadiisa.’’
Buuggu wuxuu xusayaa siyaabo kala duwan oo qofku u heli karo nolol barako leh:
- Salaadda oo la ilaaliyo wakhtigeeda: Gaar ahaan salaadda subax oo waqti barako leh ah. Qofkii ilaaliyaa wuxuu gelayaa maganta Ilaahay, cid waxyeeli kartaana ma jirto.
- Qur’aanka oo la akhriyo: Subixii qofka maalintiisa ku bilaaba qur’aanku, way ka barako badantahay maalintiisu dadka aan ku bilaabin.
- Shaqada hore loo bilaabo – Dadka guulaystay waxay noloshooda ku saleeyaan shaqo subax hore bilaabato. Nebigu SCW Wuxuu yidhi: “Umaddayda waxa loo barakeeyey kalahaadda” Maanta laga bilaabo dib ha useexan salaadda subax kabacdi si aad u hesho barakadaa.
- Xidhiidhka ehelka oo la xoojiyo – Waa ilo muhiim ah oo barakada laga kasbado.
- Sadaqada la badiyo – Xataa hadduu qofku wax yar haysto, sadaqadu waxay keentaa barako.
Buugga The Barakah Effect wuxuu bixinayaa aragti beddeli karta hab-fikirka qofka ku aaddan shaqada iyo guusha. Faris wuxuu muujinayaa in guusha dhabta ahi aysan ku xidhnayn shaqo badan iyo maal badan, balse ay ku jirto helista barakada iyo joogtayda dhaqankeeda. Guusha saxda ah waa:
- Shaqo leh niyad-wanaag & ku xidhnaansha Ilaahay SWT.
- Nolol isu dheeli tiran oo aan xad-dhaaf lahayn.
- Lacag xalaal ah, caafimaad, iyo deggenaansho nafsi ah.
Haddaba, haddii aad rabto in shaqadaada iyo ganacsigaaga barakah yeeshaan, waa inaad fahamtaa in guusha dhabta ahi aysan ku jirin dedaal badan oo kaliya, balse ay ku jirto Ilaahay SWT oo lagu xidhnaado, xalaal raadis, iyo niyad sax ah. Barakadu waa xalka saxda ah ee lagu gaadho guul waarta labada daaroodba!
Guuleyso!
Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.
Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]
Tixgelin.
--------------------------------------------------
Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)
Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs
(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164