12 Hadaf Ama Yool Shaqsiyeed Oo Aad Udajin Karto Naftaada Sanadkan Cusub
Jan 20, 2025 by

Hadafyadu waa kuwa muhiim ah si aad u hormariso naftaada iyo xirfadahaaga shaqo, balse ogaanshaha hadafyada saxda ah ee aad dejisan karto waxay noqon kartaa mid kugu adkaata. Waxaad ogtahay in ay jiraan meelo noloshaada ah oo aad rabto inaad horumar ka samayso, laakiin waxaa laga yaabaa in aad u baahan tahay hagid si aad u ogaato halka aad ka bilaabi lahayd ama waxa aad u baahan tahay inaad qabato.
Sii wad akhriska si aad u ogaato qaar ka mid ah hadafyada shakhsiyadeed iyo xirfadeed ee kaa caawin kara inaad jidka saxda ah ku sii socoto.
Deji hadafyadaada adoo adeegsanaya habka SMART si aad u kordhiso fursadahaaga aad ku gaadhi karto guusha
Waxaa muhiim ah inaad yeelato qorshe qeexaya tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee aad qaadi karto si aad u gaarto hadafkaaga. Isticmaalka habka loo yaqaan SMART ee dejinta hadafyada(goals) wuxuu kaa caawin karaa inaad si cad u fahamto jidka aad ku gaari karto yoolkaaga.
Nidaamka SMART wuxuu kuu oggolaanayaa inaad qeexdo hadafkaaga isla markaana aad ku lammaaniso tallaabooyin ficil ah iyo waqti ku habboon si aad u xaqiijiso inaad horumar dhab ah samaynayso.
SMART waxay u taagan tahay:
1. Specific (Qeexan): Go'aami oo dejiso yool cad si aad u ogaato waxa aad dooneyso inaad gaarto. Tusaale ahaan, halkii aad odhan lahayd “lacag badan keydi,” yoolkaaga qeexan wuxuu noqon karaa inaad keydiso 10% mushaarkaaga bil kasta.
2. Measurable (La cabbiri karo): Dejiso cabbir la taaban karo oo guusha lagu ogaan karo si aad u ogaato in aad horumar sameyneyso iyo goorta aad gaartay yoolkaaga.
3. Attainable (Laga gaadhi karo): Yoolku waa inuu yahay mid caqabad leh balse aan aad u adkayn oo sababikara natiijo la’aan iyo niyad-jab. Hadafkaaga ama yoolkaagu waa inay noqdaan kuwo suuragal ah.
4. Relevant (ku Khuseeya): Hubi in yoolkaaga uu ku habboon yahay qiyamkaaga iyo aragtidaada nolosha ama shaqada.
5. Time-bound (Waqti ku xaddidan): Dejiso waqti go’an oo aad ku gaarto yoolkaaga ugu dambeeya, oo isla markaana hadafyo yaryar ka dhex samee muddadaas si aad u cabbirto horumarkaaga.
Marka aad barato sida loo dejiyo yoolal sax ah, xusuusnow inaad dhab kaa noqoto waxaad awooddo inaad qabato. Ha isku dayin inaad si buuxda u beddesho noloshaada hal mar. Ka shaqee hal ama laba yool oo keliya si aad u kordhiso fursadahaaga guusha.
Hadafyada Horumarinta Shaqsiyadeed ee Aad u dajin karto naftaada
Barashada sida loo dejiyo hadafyada awood badan oo shakhsiyadeed iyo u hoggaansamiddooda waa hab fiican oo lagu gaadho edbin (discipline) ahaan noloshaada. Haddii aad u baahan tahay talooyin, ka fiirso tusaalooyinkan:
1. Qor Xusuus-qor Maalin Walba 20 Daqiiqo
Xusuus-qoristu waa hab wanaagsan oo lagu fahmo lana xakameeyo fikradahaaga gudaha. Waxay kaa caawin kartaa inaad yareyso walbahaarka, aad dejiso maskaxdaada, oo aad ka fakarto dhinacyada noloshaada ee aad horumarin karto.
2. Toos 30 Daqiiqo Ka Hor xiligii hore aad u kici jirtay
Toosidda waqti hore waxay kaa yareyn kartaa walbahaarka waxayna kordhin kartaa farxaddaada. Waqtiga dheeraadka ah ee aad hesho waxaad ku raaxeysan kartaa qaxwahaaga, sidoo kale diyaarin kartaa caruurtaada, ama aad ku qori kartaa xusuus-qor.
Hadii aad leedahay dhaqan ah in aad jiifto sariirta ilaa aad daqiiqada udambaysa waa inaad isku daydaa inaad ku buuxsato saacada 5 daqiiqo ka hor xiligii aad hore ukici jirtay intaa kadib aad kor ugu socoto ilaa aad ka gaadho waqtigi aad ugu talo gashay inaad kacdo step by step
Si aad xili hore u kacdo waa inaad sido kale aad seexataa xili hore habeenkii
3. Baro Inaad “Maya” Tiraahdo
Barashada inaad "maya" tiraahdo waxay kuu oggolaanaysaa inaad mudnaanta siiso waxyaabaha run ahaantii muhiimka kuu ah. Tani waxay sidoo kale kaa caawin kartaa inaad xuduudo cad dejiso oo aad hagaajiso caafimaadkaaga maskaxeed.
hadafyada Xirfadeed ee Aad u dajin karto naftaada
Haddii aad rabto inaad ku hormarto shaqadaada, hadafyadaada xirfadeed waxay noqon karaan kuwo muhiim ah.
4. Baro Xirfad Cusub
Barashada xirfado cusub waxay kaa dhigtaa mid la qabsan kara isbeddellada waxayna kordhisaa kalsoonidaada.markasta oo ay xirfadahaagu bataan waa markasta oo noqonkarto qof aad loogu baahanyahay
5. Noqo Isgaarsiiye Fiican(communicator)
Xirfadda isgaarsiinta waxay yareyneysaa qalalaasaha waxayna kordhisaa kalsoonida iyo wada-shaqeynta kooxda.sidokale hadalka cadi wuxu kaa caawin karaa inaad dhisto kalsoonida ka dhaxaysa kooxdaada
Qayb wayn oo kamida wada xidhiidhku waxy tahay inaad barato sida wax loo dhagaysto, ku dhaqan xirfada dhagaysiga sido kale xirfadaha kale ee la xidhiidha communicationka kuwaas oo ay kamid yihiin isgaadhsiinta aan afka ahayn (non verbal communication)
6. Kordhi Shabakaddaada Shaqo
Shabakad sameynta waxay kuu abuureysaa fursado cusub oo xirfadeed iyo mid bulsheed labadaba. Isku xidhka wax ku ool ah wuxuu kor u qaadi karaa xirfaddaada, kuu ogolaan karaa inaad samaysato xiriirro cusub, isla markaana aad xoojiso kuwa horey u jiray. Sidoo kale waa hab aad u wanaagsan oo aad uga warqabi karto waxa ka dhacaya industrygaaga
Qaado waqti aad ku baarato ururada ama shirkadaha aad xiisaynayso oo fiiri haddii ay jiraan xaflado(events) isku xidh ah ama shirar soo socda. Maskaxda ku hay in isku xidhku uusan kaliya ka dhicin goobaha shaqo; waxaad ka heli kartaa xiriir muhiim ah adoo ka qayb qaadanaya iskaa wax u qabso ama ku lug yeelashada hiwaayadaada ama waxaad jeceshahay
Hadafyada aad udajinkarto jidhkaaga
Ujeeddooyinkaaga jirka waa inaysan had iyo jeer ku koobnaan wax ka beddelidda muuqaalkaaga.sikastaba ha ahaate diiradda saar caafimaadkaaga iyo ku raaxeysigiisa
7. Baro Ciyaaraha ama Jimicsi Cusub
Barashada dhaqdhaqaaq cusub waxay kordhin kartaa farxaddaada waxayna kuu keenaysaa firfircooni.
8. Cab Biyo Badan
Biyo cabidda badan waxay kaa caawin kartaa inaad ilaaliso caafimaadkaaga guud, laga bilaabo isku dheelitirka heerkulka jirka illaa yareynta walbahaarka.
Qaado caagad dib loo isticmaali karo kuna dhiirigali naftaada inaad cabto biyo badan adigo kudarsana liin macaan, iyo fruitska kala duwan
9. Kordhi Awooddaada Jireed
Tababarka xoogga jirka wuxuu leeyahay faa’iidooyin badan, sida in aad horumariso awooda aad ku qabanyso shaqooyinkaaga maalinlaha ah iyo ka ilaalinta laabatooyinkaaga inay dhaawacmaan iyo kor uqaadida dheelitirka jidhkaaga
Haddii aad ku cusub tahay jimicsiga, xasuusnoow inaad si tartiib ah ku bilowdo, isla markaana tixgeli inaad qaadato fasal jimicsi ama la shaqayso tababare si aad u barato qaab iyo farsamo sax ah, taasoo kuu ogolaanaysa inaad si nabdoon u jimicsato.
Hadafyadaada bulsheed ee dajisan karto
Inta aad ku jirto dajinta hadafyadaada Ha ilaawin inaad dajisato hadafyo dhinaca bulshada ah
Inaad saaxiibo fiican yeelato waa arrin muhiim ah oo saameyn weyn ku leh caafimaadkaaga maskaxeed iyo midka jirka.
10. isku day inaad yeelato hiwaayad cusub (hobby)
Ku biiridda fasallo ama hiwaayado cusub waxay kuu furaysaa fursado aad kula kulanto dad cusub oo danahaaga kula wadaaga. inaad yeelato hobby aad xiisaynayso oo cusub waa hab wanaagsan ood ku waynayn karto xayndaabkaaga kaliya inaad samaysato asxaab cusub ood kamidaysan tihiin wax waxay saameyn togan ku yeelan kartaa maskaxdaada.sido kale inaad samayso wax cusub oo kuxiiso galiya waxay u fiicantahay maskaxdaada waxaanay dhiiri galisaa halabuurka
11. Dib ula Xidhiidh Saaxiibo Hore
Xidhiidhada bulshada way adkaan karaan in la ilaaliyo markasta oo aynu sii weynaano. In kasta oo saaxiibo cusub samayntodu ay muhiim tahay, haddana xoojinta xidhiidhada aad hore u lahayd waxay si weyn u saameyn kartaa caafimaadkaaga maskaxeed iyo dareen ahaan.
Samee yool toddobaadle ama bille ah oo aad kula xidhiidho qof aanad indhawayd la hadlin, dareensii inaad ka fikirto. Waxaad isticmaali kartaa farriin qoraal ah, wicitaan, ama xitaa warqado, balse diiradda saar sidii aad dib ugu soo noolayn lahayd xidhiidh hore.
12. Ka Qayb Qaado Tabaruc(volunteer)
Tabarucidda waa hab fiican ood bulshadaada aad dib wax ugu celin karto, tabarucu wuxu dhiiri galiyaa inaad dareento sharaf iyo cisi sido kale waa hab wayn oo aad kusamayn karto ama kula kulmi karto saaxiibo cusub
Hadda oo aad ogaatay qaar ka mid ah hadfyada aad udajinkarto naftaada qaad tallaabada ugu horreysa oo bilow safarkaaga guusha.
Guuleyso!
Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.
Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]
Tixgelin.
--------------------------------------------------
Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)
Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs
(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164