11 Sifo Oo Ay Leeyihiin Cibaadul Raxmaanku!
Dec 02, 2024 by

Cibaadul Raxmaanku waa koox hannuunsan oo umaddeenna kamid ah. Liibaantaas iyo ammaantaasna waxay ku heleen tilmaamo wanaagsan oo ay yeesheen, naftoodana ay kula jihaadeen sidii ay ugu ilaalin lahaayeen toosnaanta iyo hannuunka.
Tilmaamahaasi waa kuwo qofkasta oo innaga mid ahi haddii uu naftiisa tarbiyeeyo, hagaajiyo, ka adkaado oo uu hoggaanka u qabto yeelan karo. Waxa kamid ah:
- Si miirle ayey u socdaan
Ma aha dad kibirsan oo dadka iska weynaysiiya, ma aha kuwo degdeg badan oo camalkaa shaydaanka ee degdegga ah ku suntan balse waa dad si miir iyo garasho leh usocda dhulka guudkiisa. Waa kuwo garanaya talaabooyinkay qaadayaan iyo saameynta ay ku leedahay labada abaalmarinood midda ay geynayso, Janno ama naar.
- Dadka (jaahiliintu) Hadday hadal ula yimaadaan salaama ayey yidhaahdaan isma afgaranayno.
Haddii hadal tiro loola yimaado cidkasta lama doodaan, lama murmaan, lama falanqeeyaan oo xataa hadal kuma darsadaan ilaa inta samo-wadayaasha ah mooyaane.
- Hore u hoyda oo cibaadaysta (Taajud)
Dibad wareeg bilaa macne ah ma yaqaanaan. Waa dadka Ilaahay doortay ee habeenkii caabuda.
Tusaale,
Reer Ciraaq oo aad loo ga cawdo ayaa Cumar Ibn Khaddaab u magacaabay Siciid Ibn Caamir. Waa nin aan danba adduunyo ka lahayn oo la yidhi: waa nin adduunyadiisii aakhro ku iibsaday. Dabadeed, waxa ay yidhaahdeen: "Maalin ka mid ah bisha nooma soo baxo. Habeenkiinna ma aragno. Shirka marka uu joogana marmarka qaar buu miyirdoorsoomaa. Waxa aannu rabnaa in nala soo soo fadhiisiyo - oo saddexdaas na la ga jaahil saaro. Waydiinta ah habeenkii ma aragno wuxuu kaga warceliyey: Habeenkii uma soo baxo. Maalintii iyaga ayaan siiyay, habeenkiinna Rabbigay. Xaq ii guma laha in aan habeenkii iyo maalintii isugu daro.
- Waa kuwa odhanaya Allahayow xagayaga ka leexi cadaabkaa daa’imka. (Tolow acmaasha malagaa aqbali)
Laba dhexdood ayey ku noolaadaan, cabsi iyo rejo. Tolow salaaddii aad tukatay, qur’aankii, soonkii, sadaqadii iyo ixsaankii aad sameynaysay malagaa aqbalay?
ٱعْلَمُوٓا۟ أَنَّ ٱللَّهَ شَدِيدُ ٱلْعِقَابِ وَأَنَّ ٱللَّهَ غَفُورٌۭ رَّحِيمٌۭ ٩٨
Waxaad ogaataa inuu Ilaahay ciqaab daranyahay, Ilaahay SWT Isla markaana uu yahay danbi dhaafe naxariis badan
Waa halka Abuubakar As-Saddiiq RC lahaa: ‘’Haddii lugtayda midig jannada gasho, lugtayda bidixna wali dibadata taalo maan xasilin ilaa aan gebigayguba dhex istaago jannada.’’
- Markay wax bixinayaan way dhexdhexaystaan (bakhalinimo laguma yaqaan, mana ah kuwo aan wax badhxisanayn
Waa kuwo wax dhaqda, wax meel dhigta oo wax bixiya.
- Ilaahay, ilaah kale lama caabudaan, ma gooyaan naf muslim ah, mana sineystaan.
Danbiyada waaweyn way ka dhawrsadaan, Ilaahayna way baryaan inuu ka magan galiyo shirkiga, dhiigga muslimka iyo sinadaba.
وَٱلَّذِينَ يَجْتَنِبُونَ كَبَـٰٓئِرَ ٱلْإِثْمِ وَٱلْفَوَٰحِشَ وَإِذَا مَا غَضِبُوا۟ هُمْ يَغْفِرُونَ ٣٧
Kuwii weeyaan ka fogaanaya dunuubta waaweyn, inta ficila ee ilaahay nacay (sida sinada) haddii ay cadhoodaanna way iska saamaxaan iyagoo aarsan kara.
- Waa kuwa aan ka markhaati kicin markhaati beenaalaha, meel hadaltiro kajiro hadday soomaraanna hore ayey u dhaafaan iyagoo iskala hanweyn.
Waa kuwa qaatay taladii Rabbi ee ahayd ka dheeraansha markhaati beenaalaha:
وَٱجْتَنِبُوا۟ قَوْلَ ٱلزُّورِ ٣٠
Markhaati beenaalahana ka dheeraada.
Goobaha kulannada, shirarka IWM. Haddii aanay labadan arrin midkoodna ahayn waa kuwo ka gaabsada.
۞ لَّا خَيْرَ فِى كَثِيرٍۢ مِّن نَّجْوَىٰهُمْ إِلَّا مَنْ أَمَرَ بِصَدَقَةٍ أَوْ مَعْرُوفٍ أَوْ إِصْلَـٰحٍۭ بَيْنَ ٱلنَّاسِ ۚ وَمَن يَفْعَلْ ذَٰلِكَ ٱبْتِغَآءَ مَرْضَاتِ ٱللَّهِ فَسَوْفَ نُؤْتِيهِ أَجْرًا عَظِيمًۭا ١١٤
Khayr kuma jiro wada hadalka intiisa badan khayr kuma jiro. Ilaa ruux shirkaa kusoo jeedinaya sadaqo in lala baxo ama in wax la hagaajiyo, ama dad la heshiisiinayo dhexdood (Intaasuu khayr kujiraa - intaad fadhidana Ajar iyo xasanaadbaa lagaaga qorayaa). Axadkii sameeya shirka sidaasa isagoo dalbanaya Raali ahaanshaha Ilaahay. Saban danbe (Aakhiro) waxaanu siin doonaa shay wayn (Janno)
- Waa duulka haddii lasoo qaado hadalka ilaahay aan ka dhicin (Isma yeelyeelaan oo iyagoo isdhagoolaynaya oo is indho tiraya ma dhaafaan.)
وَأَقِيمُوا۟ ٱلصَّلَوٰةَ وَءَاتُوا۟ ٱلزَّكَوٰةَ ۚ وَمَا تُقَدِّمُوا۟ لِأَنفُسِكُم مِّنْ خَيْرٍۢ تَجِدُوهُ عِندَ ٱللَّهِ ۗ إِنَّ ٱللَّهَ بِمَا تَعْمَلُونَ بَصِيرٌۭ ١١٠
Salaada ooga, Xaqa masaakiinta ee Ilaahay idinku waajib yeelayna bixiya (Sekeda) Wixii aad naftiina u horumarsataan ee khayr ah (Wuxuu doono ha ahaado khayrkaasiye) Wallahi waad helaysaan Ilaahay agtiisa ayaad ugu imanaysaan (Khayrka ha yaraysanina) Ilaahay waxaad ka shaqeynaysaan wuu arkayaa.
- Waa kuwa odhanaya Allahayow nasii dumarkayaga iyo (Tacabka carruurtaya wax indhahayagu kuraaxeystaan naga dhig oo natus.
- Kuwa ilaahay ka cabsadana hoggaan nooga dhig
Xassan Al Basri ayaa yidhi,''Imamka Caadilka ahi waa Aabbo u kalahaya ilmuhuu dhalay markay yar-yar yihiin wuu u shaqo tagaa. Markay waaweynaadaanna waxbuu baraa. Waa sida hooyo kalgacayl ka buuxo, hooyo baari ah. Waa ka lagu ogaa agoomaha, masaakiinta wax siinayey. Waa kii u dhexeeyey isa iyo addoomihiisa. Hadalka ilaahaybuu maqlayaa iyagana wuu maqashiinayaa. Ilaahaybuu u hoggaansamayaa, dadkana wuu u hoggaaminayaa'' Xasanal Basri
- Ilaahow kuwa lagu daydo naga yeel
۞ وَإِذِ ٱبْتَلَىٰٓ إِبْرَٰهِـۧمَ رَبُّهُۥ بِكَلِمَـٰتٍۢ فَأَتَمَّهُنَّ ۖ قَالَ إِنِّى جَاعِلُكَ لِلنَّاسِ إِمَامًۭا ۖ قَالَ وَمِن ذُرِّيَّتِى ۖ قَالَ لَا يَنَالُ عَهْدِى ٱلظَّـٰلِمِينَ ١٢٤
(Rasuulkii Ilaahayow waxaad ka warantaa?) Wakhtigii, Nebi Ibrahim uu imtixaamay Rabbigii. Wixii imtixaan la mariyey oo dhanna uu dhameystiray (Imtixaanku muxuu ahaa? Afcaal lamarayey: Wiilkiisa inuu qowraco, Wadankiisa inuu uga haajiro gaalada, Dabkii lagu tuuray inuu ku samro, Xaaskiisi Haajira iyo Nebi Ismaaciil inuu banaan kaga dhaqaaqay oo uu amarka qaatay, Dhiskii kacbada ee Ilaahay ku amray Nebi Ibrahim iyo wiilkiisa Ismaaciil iyagoo Ilaahay kaashanaya. Wixii Ilaahay amraba haye ayuu odhanayey Nebi Ibrahim. Ilaahay wuxuu ku amaanay Nebi Ibrahim Amar qaadashada.) (Muxuu ku helay Nebi Ibrahim awaamirtaa Ilaahay ee uu dhameystiray.) Ilaahaybaa yidhi, Haddii aan Rabbigaa ahay N. Ibrahim, Waxaan kuu doortay oo aan kaaga dhigayaa dadka QAADI/IMAAM lagu daydo. Nebi Ibrahim baa yidhi,’’ Allahayow ubadkaygana u dooro.’’ Ilaahay wuxuu ugu jawaabay,’’ Ma gaadhi doono balankaygaa iyo deeqdaydaasi gaalada.’’
Ugu danbayn. Ilaahay SWT wuxuu innoogu sheegay suuratul Baqara inay kuwa sifooyinkaas laga helaa ku taagan yihiin hannuun.
أُو۟لَـٰٓئِكَ عَلَىٰ هُدًۭى مِّن رَّبِّهِمْ ۖ وَأُو۟لَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلْمُفْلِحُونَ ٥
Kuwa sifooyinkaas lihi hannuunbay ku taaganyihiin Rabbigood xagiisa ka ahaaday. Kuwaasi kuwa liibaanay weeyaan.
Suuratul Cimraan:
أُو۟لَـٰٓئِكَ جَزَآؤُهُم مَّغْفِرَةٌۭ مِّن رَّبِّهِمْ وَجَنَّـٰتٌۭ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَـٰرُ خَـٰلِدِينَ فِيهَا ۚ وَنِعْمَ أَجْرُ ٱلْعَـٰمِلِينَ ١٣٦
Kuwa sifooyinkaas laga helay abaalkoodu danbi dhaaf ayey leeyihiin iyo jannooyin xaga Rabbigood ka ahaaday oo ay hoosteeda qulqulayaan webiyaal halkaasayna ku waarayaan. Camal la shaqeystay abaalmarin la isku siiyo taas mid ka fiican ma jiro.
Suuratul Maryam:
إِلَّا مَن تَابَ وَءَامَنَ وَعَمِلَ صَـٰلِحًۭا فَأُو۟لَـٰٓئِكَ يَدْخُلُونَ ٱلْجَنَّةَ وَلَا يُظْلَمُونَ شَيْـًۭٔا ٦٠
Ilaa marka laga reebay axadkii towbad keenay, ilaahay rumeeyey, camal wanaagsanna shaqeeyey oo la yimid kuwa sifooyinkan laga helay jannooyinka Alle ayey geli doonaan la duudsiyi maayo wixii ay Khayr shaqaysteen
Guuleyso!
Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.
Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]
Tixgelin.
--------------------------------------------------
Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)
Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs
(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164