Culaysyada Nolosha!
Oct 02, 2024 by

Culaysyada, werwerka, walbahaarka iyo xanuunnada nafsiga ahi waa kuwo innagusoo badanaya maalinba maalinta ka danbaysa innaga oo haysanna dawada culaysyada nolosha. Waa hanuun si cad u tilmaamaya sida qofku ugu noolaan karo nolol leh xasillooni, qanaaco, iyo farxad, xitaa marka uu la kulmo culaysyo iyo dhibaatooyin. Waxaa jira dhowr qaab oo Islaamku qofka uga caawiyo in uu ka adkaado culaysyada nolosha:
1. Tawakal (Ku tiirsanaanta Ilaahay)
Diintu wuxuu qofka ku dhiirrigeliyaa inuu ku kalsoonaado oo isku halleeyo Ilaahay markasta. Tawakal waa in qofku dku edaalo oo uu ku tiirsanaado Ilaahay SWT, isagoo ogsoon in Ilaahay ogyahay waxa ugu fiican ee uu siiyey, balaayada ka maqan iyo nimcooyinka uu dadka inta kala u dheeraysiiyey. Ku tiirsanaantu waxay qofka ka reebtaa werwerka iyo walbahaarka xad-dhaafka ah, sababtoo ah wuxuu ogaadaa in Ilaahay amarkiisa waxkastaa ku socdaan. Adduunyadoo dhami haddii ay isku tagto wax Ilaahay SWT kuu qoray inaan lagaa qaadi kari, Wax Ilaahay kuu qoray inay kugu dhacdona aanay habayaraatee cid kaa leexin kartaa jirin si kasta oo ay iskugu dayaan.
2. Salaadda iyo Cibaadada
Salaadda joogtada ah iyo cibaadada kale waxay keenaan nasteexo iyo degganaan maskaxeed. Salaadda, oo ah midda ugu weyn ee mu’miniintu kula xidhiidho Rabbigii, waxay siisa fursad uu u nasto, firfircooni ka helo, kaalmeysto khaaliqa, una bandhigto dhibaatooyinka uu wajahayo. Islaamku wuxuu qofka ku booriyaa in mar kasta Ilaahay u laabto marka uu la kulmo culaysyada nolosha. Nebigu SCW wuxuu yidhi,’’ Innoogu raaxee salaadda Bilaalow RC.’’ Salaaddu waxay ku culustahay kuwa Ilaahay ka baqa uun. Qofka muslimka ahi dedaalka uu ku bixinayo cibaadadu waa hadba inta Ilaahay agtiisa qiimo ku leeyahay. Haddii aad aragto ruux aan mudnaansiineyn cibaadooyinka uu Ilaahay kula xidhiidhayo sida Salaadaha, qur’aanka iyo dikriga waa ruux aanu Ilaahay agtiisa ku weynayn. (Ilaahaybaynu ka magan galaynaa dadka noocaasa.)
"Haddii aad la kulanto murugo iyo niyad-jab, salaadda ku celi si aad u hesho xasillooni."
3. Samirka (Dulqaadka)
U dulyeelo dhibaatooyinka kulasoo gudboonaada. Midhaha samirku waa barako nolosha daarteeda hore, daarteeda danbe ee aakhirona waa inaad bilaa xisaab ku gasho jannada. Maxaa ka weyn inaad bilaa XISAAB KU GASHO JANNADA. In yara cagaha dhulka ku hay adigoo gaws-danbeedka qaniinsan.
"Nolosha waa imtixaan, dhibaatooyinkuna waa qeyb ka mid ah safarka nolosha."
Qisada Nebiga Ayuub (CS) waa tusaale cajiib ah oo ku saabsan samirka iyo dulqaadka. Nebi Ayuub (CS) wuxuu ahaa nin taajir ah oo leh xoolo badan, carruur, iyo caafimaad wanaagsan, laakiin Ilaahay Subxaanahuu watacaalaa wuu ku imtixaamay isagoo ka qaaday hantidiisii, carruurtiisii, iyo caafimaadkiisii. Inkasta oo uu la kulmay dhibaatooyin waaweyn, Nebi Ayuub (CS) waligiis ma caban oo si samir leh ayuu ugu dulqaadan jiray imtixaannada, isaga oo Ilaahay u mahadnaqaya.
Markii uu baryay Ilaahay inuu caafimaad siiyo, Ilaahay wuxuu ka aqbalay ducadiisa oo wuxuu siiyey caafimaadkiisii, xoolo badan, iyo carruur cusub. Qur’aanka wuxuu Nabiga Ayuub (CS) ku tilmaamay nin samir leh oo lagu ammaanay inuu ahaa addoon wanaagsan oo mar walba Ilaahay u noqda.
Qisada Ayuub (CS) waxay ina baraysaa in samirka iyo ku tiirsanaanta Ilaahay ay yihiin dariiqa guusha iyo barwaaqada, iyada oo dhibaatada laga bixi karo hadii samir la muujiyo.
4. Xusuusta Aakhiro
Nolol dhammaadleh, haku doorsan nolol aan dhamaaneyn. Markuu qofku xasuusnaado inuu yahay marti ku sugan adduunyo kumeelgaadh ah, wuxuu si fudud uga adkaan karaa dhibaatooyinka iyo culaysyada uu la kulmo. In la fiiriyo nolosha dambe waxay ka caawisaa qofka inuu fahmo in dhibaatada hadda la wajahayo ay tahay mid aan waari doonin, aakhirana Ilaahay uu abaalmarin wanaagsan ugu diyaariyay kuwa samra. Xasuusta geeridu waxay kaa ilaalinaysaa lumitaanka, xumaha, xanta, xasadka, iimaan la’aanta, dhibka, dilka, werwerka, walbahaarka, xishood la’aanta, ixtiraam la’aanta, dulmiga iyo dullinimada hungurigu horseedka ka yahay. Waxaad ka dhaxlaysaa dedaal joogto ah, qanacsanaan, mahadnaq badan, raaligelin badan, cafis badan, wanaag ka shaqeyn, samaha katalin, xumaan reebis, daacad ahaansho, runsheeg badan, dulmi diidnimo, xume wadayaasha inaanad garabsiin, dadku inay ka nabadgalaan addinkaaga iyo carabkaaga.
5. Qur’aanka Kariimka iyo Dikriga
Quraanka iyo dikriga (xusida Ilaahay) ayey qalbiyadu ku xasilaan. Ilaahay SWT wuxuu Qur’aanka ku sheegay in "Qalbiyada ay xasilloonaan karaan oo ay degganaan heli karaan markay xusaan Ilaahay ." (Surat Ar-Ra'd 13:28). Akhrinta Quraanka iyo in qofku si joogto ah Ilaahay u xusuusto waxay keentaa xasillooni gudaha ah oo lagaga adkaan karo walbahaarka. Xuska Ilaahay waxaad ka helaysaa danbi dhaaf, naxariis, raxmad, in Ilaahay albaabka ducada kuu furo, xasillooni, niyad samaan, farxad joogto ah, culayska oo lagaaga fududeeyo, meel aad ka baxdo oo Ilaahay kusiiyo.
Qorshe:
Qur’aanka:
Maalintii 1 Jus akhri 20 daqiiqo, bishii hal mar ayaad qur’aanka dhameyn (Subixii 10 bog, habeen 10 bog)
Maalintii 2 Jus akhri 40 daqiiqo, bishii 2 jeer ayaad qur’aanka dhameyn
Maalintii 3 jus akhri 1 saac, bishii 3 jeer ayaad qur’aanka dhameyn
Ogow: Qofba, qofka uu ka qur’aan akhris badanyahay ayuu ka barako badan yahay. Mobilka ka akhriso inta aad baska lasii socoto, jaamka wadada aad ku jirto, xafiis aad cid ku sugayso ama aad masaajidkaba eedaanka hortii intood tagto hore u akhrido.
Dikriga:
Tiro qabso maalintii oo joogtee: Ku bilow 100 Istakhfurullah, 100 Subxanallah, 100 Alxamdulilah, 100 Allahu akbar, 100 Laa’ilaaha ilallaah, 100 Salliga Nebiga SCW, 100 Laa Xawla, walaa quwata, Illaa billaah, 100 Subxaanallahi wabi-xamdihii, 100 Subxaanallahi wabi-xamdihii, wa Subxaanallahil cadiim, 100 Laa’ilaaha Ilallahu waxdahu laa shariikalah, lahulmulku walahul-xamdu, wahuwa calaa kulli shay’in qadiir. Faa’idada aad ka hesho adigu qarso idamka Alle. Joogtee todobaadkastana 1% hore usoco oo wax ku dar in sha Allah
6. Caawinta iyo Samafalka Dadka Kale
Noloshu waa sida giraanta wareegta, nimada guudkaaga taala abid sidaa kuu ahaanmayso’e noolaha kula nool waxtar oo caawin iyo samafalba gaadhsi. Caawintu ma aha adduunkaliya balse xooggaa, caqligaaga oo talo waxtar leh ku biixi, dulmiga hagacansiine ka khaldan qabo, dadka wanaaga wada garabsii.
7. Adduunyada bidixda ku qabso
Sida saxda ah yay ahayd inuu adduunyo ka werwero. Miskiinka baahan ee maanta wuxuu cuno aan haysan, ka maanta haysta ee aan beri meel ku ogayn iyo kuwa dadka barya hadh iyo habeen. Balse maanta kuwaasaaba ka farxad badan kuwa adduunka haystay xataa sannadka danbe waxay cuni lahaayeen. Islaamku wuxuu dadka ka saaraa werwerka iyo raadinta xad-dhaafka ah ee adduunyada, isagoo baraya in qofku ku qanco wixii Ilaahay ugu talagalay. Qanaacada iyo in aan la tartamin dadka adduun raadiska u go’ay waxay ka mid yihiin hababka ugu wanaagsan ee lagaga badbaadi karo werwerka iyo culaysyada dhaqaale ee nolosha.
8. Ka Fogaanshaha xumaan iyo xumaan u jeedsiga
Islaamku wuxuu Muslimiinta farayaa inay ka fogaadaan ficillada xunxun sida xaasidnimada, xanta, iyo cadaawadda, kuwaas oo si weyn u sababi kara werwer iyo dhibaatooyin gudaha ah. Islaamku wuxuu qofka ku dhiirrigeliyaa in uu noqdo mid xasilloon, kalgacal u haya dadka, oo isu dulqaata.
Guusha dhabta ah iyo caafimaadka ruuxiga ah ee Islaamku qofka siiyo waxay door weyn ka ciyaaraan sidii looga gudbi lahaa culaysyada nolosha, iyadoo qofka lagu abuurayo kalsooni, samir, iyo fahamka in dhib kasta uu leeyahay xal.
Guuleyso!
Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.
Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]
Tixgelin.
--------------------------------------------------
Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)
Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs
(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164