Ma Rabtaa Shaqo?

Diyaar ma u tahay inaad bilowdo cutub cusub oo xiiso leh oo ku saabsan hannaankaaga shaqo helineed? Raadinta fursad shaqo oo qumman oo ku habboon xirfadahaaga, hamigaaga iyo himilooyinkaagu waxay noqon kartaa safar dhiirrigelin leh. Haddii aad tahay xirfadle khibrad leh oo raadinaya tartan cusub ama qalin-jabiyey dhawaan oo aad u hamuun qabto sidii aad u heli lahayd shaqo kugu habboon, ogsoonow, suurta-galyadu waa kuwo aan dhammaad lahayn. Suuqa shaqada ee maanta kaas oo uu ka dhex jiro tartan adagi, waa muhiim in aad fahamto baahida loo-shaqeeyayaasha. Tanina waa meesha aad ka soo gali karto suuqa shaqada. Safarkan shaqo raadineed waxa uu kaaga baahan yahay in aad u sahan tagto ka hor inta aanad hawlba bilaabin. Maqaalkanina waxa uu kugu xoojin doonaa: xeeladaha shaqo raadinta, diyaargarawga, kor u qaadida wacyigaaga iyo in aad ahaato qof feejigan. Nolosha qof kasta waxaa ku soo qulqulaya rejooyin U diyaargarow inaad quusto oo aad ogaato dariiqa shaqo ee aad waligaa ku riyoon jirtay. 

Ogsoonow in waddada shaqo raadintu ay adag tahay, waqti, samir iyo dadaalna ay u baahan tahay. Haka caajisin in aad sii waddo dadaalka aad ugu jirto hirgelinta helidda riyadaada.

Halkan waxa ah 10 hab oo kaa caawinaya sidii aad ugu guulaysan lahayd safarkaaga shaqo raadineed:

1. Qeex hadafyadaada: Caddee yoolalkaaga shaqo iyo nooca shaqada aad raadinayso. Tani waxay kaa caawin doontaa inaad diiradda saarto dadaalkaaga oo aad u habayso codsiyadaada si ku habboon baahiyahaaga.

2. Qiimee xirfadahaaga iyo meelaha aad ku fiican tahay: Aqoonso xirfadahaaga muhiimka ah iyo meelaha aad ku fiican tahay ee khuseeya shaqada aad rabto. Tani waxay kaa caawin doontaa inaad muujiso awoodda xirfadeed iyo aqooneed ee aad u leedahay shaqada aad raadinayso. 

3. Cusbooneysii Cv-gaaga: Cusboonaysii Cv-gaaga si aad ugu darto khibradahaagii, xirfadahaagii iyo guulihii ugu dambeeyay ee aad gaadho. habee codsi kasta oo shaqo si aad u muujiso macluumaadka ugu habboon.

4. Qor warqad codsi oo soo jiidasho leh: Samee warqad codsi ah oo si wanaagsan u qoran oo muujinaysa xamaasaddaada, shahaadooyinkaaga iyo sida aad wax ugu biirin karto cidda aad shaqada ka rabto. Codsi shaqo oo kastaa ha lahaado ujeedooyinkiisa gaarka ah.

5. Dhis xidhiidho macno le: La xidhiidh asxaabta, qoyska iyo akhyaarta kale ee aad ku tuhmayso in ay si uun wax ugu darsan karaan hayaankaaga nololeed. La xidhiidh xirfadlayaasha aad garanayso si aad u ogeysiiso inaad shaqo raadinayso. Waxaa laga yaabaa in aad iyaga laftigooda ka hesho fursad shaqo ama ay ku siiyaan tixraac, talo iyo tusaaleba. 

6. Ka faa'iidayso mareegaha online-ka ah: Baadh boggaga shaqo raadinta ee sumcadda leh iyo mareegaha casriga ah kuwaas oo lagu baahiyo boosaska shaqo ee bannaan, sida Somali jobs, LinkedIn, Indeed, ikk. Ku dadaal in aad si firfircoon u raadiso shaqooyinka bannaan ee khuseeya xirfadaada iyo aqoontaada.

7. Ka qaybgal carwooyinka shaqada: Carwooyinka shaqada iyo dhacdooyinka isku xidhku waxay bixiyaan fursado lagula xidhiidho loo shaqeeyayaasha si fool ka fool ah. Halkaas waxa aad ka baran doontaa dad iyo wax ku saabsan wax ay loo-shaqeeyayaashu ka rabaan shaqaalahooda.

8. Baadhis samee: Waqti sii sidii aad u baadhi lahayd shirkadaha aad xiisaynayso inaad u shaqeyso. Faham qiyamkooda, hadafkooda iyo dhaqankooda si aad u go'aamiso haddii ay waafaqsan yihiin yoolalkaaga iyo qiyamkaaga.

9. Kordhi online-kaaga: Hubi in joogitaankaaga onlaynku yahay mid xirfad leh oo casri ah. Wanaaji waxa aad sheegayso iyo cidda aad ku xidhan tahayba. Baraha bulshadaadu ha u adeegaan sidii aad u heli lahayd boos shaqo oo kugu habboon. Ha noqdaan meel isku barto loo-shaqeeyayaasha si aad u kordhiso fursaddaada shaqo helineed. 

10. Kordhi xirfadahaaga: Ka faa'iidayso koorsooyinka khadka tooska ah (online), aqoon-is-weydaarsiyada iyo kulamada aqoon korodhsiga si aad u wanaajiso xirfadaada. Tani waxay naftaada ka dhigi kartaa mid awood le sidoo kalena heli karta waxyaabo waawayn oo ay isku suuq geyn kato, waxayna kuu furi kartaa fursado cusub.

11. Diyaar ahaw: U diyaari naftaada in ay saacad kasta heli karto shaqo; marka aad sidaas u dhaqanto waxaad abbaaraysaa xikmaddii ahayd: “fursadaha waxa keliya hela maskaxaha u diyaarsan.” Baadhis xeeldheer ku samee wax kasta oo lagaaga baahan karo si aanay kediso kuugu noqon marka ay fursaduhu albaabkaaga soo garaacaan. Tani waxay kaa caawin doontaa inaad dareento kalsooni badan oo aad si fiican u diyaarsanaato. 

12. La soco codsiyada aad dirtay: Kadib marka aad gudbiso codsiyo dhawr ah, lasoco in aad dirto iimayl asluub leh oo xirfad leh ama wac taleefoon si aad u muujiso xiisahaaga joogtada ah oo aad wax uga waydiiso halka uu marayo codsigaagii.  

13. Is abaabul: La soco shaqooyinka aad codsatay, oo ay ku jiraan wakhtiga kama dambaysta ah ee codsiga, macluumaadka xidhiidhka iyo ficil kasta oo dabagal ah. Tani waxay kaa caawin doontaa inaad is-abaabusho oo aad iska ilaaliso inaad weydo faahfaahin kasta oo muhiim ah.

14. Samir: Shaqo raadintu mararka qaarkood waxay noqon kartaa caqabad waxayna ku lug yeelan kartaa diidmo. Mararka sidani dhacdo, joogteyso hab-dhaqanka caadiga ah, oo marnaba haku niyad jabin diidmooyinka.  

15. Baadh shaqo ku meel gaadh ah: Haddii helidda shaqo waqti-buuxaa ay qaadanayso wax ka badan intii aad filaysay, tixgeli shaqo ku meel gaadh ah ama madax-bannaan. Waxay ku siin kartaa dakhli, waxay dhisi kartaa kalsoonidaada, waxayna keensan kartaan fursado joogto ah. 

   Xusuusnow, shaqo raadintu waxay qaadataa waqti iyo dadaal. Markaad dhaqangeliso talooyinkan, waxaad kordhinaysaa fursadahaaga shaqo helineed. Nasiib wacan safarkaaga shaqo raadineed!

 

 

  - - ---------------------------------------------------------      

Guuleyso!     

Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.      

Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]       

Tixgelin.    

--------------------------------------------------    

Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)    

Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs    

(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164