Isbeddel! 2aad
Apr 10, 2022 by

Qaybtii 1aad: Isbeddel halkan kasoo akhri: Isbeddel!
4. Akhriska
Akhrisku waa hab garaadka ku shaqo leh (cognitive process), oo maskaxda aadanuhu xuruuf xardhanayd uga dhigto erayo ilaa weedho is-haysta oo ujeeddo dhammays-tiran samaynaya. (Guudcadde, 2015). Akhrisku waa quud caqliyeed maskaxdeena ku tababari kara in aynu fikiri karno.
Imaamu shaafici ayaa laga hayey, ‘’ Maalin alaaliyo maalinta aan wax akhriyo, waxa aan ogaadaa jaahilnimadaydii. Qoraaga reer Faransa ee André Maurois waxa uu xusayaa in buugtu tahay “hab muhiim ah oo qofku fahamkiisa ku ballaadhin karo isaga oo kaashanay waxyaabaha ay la kulmeen dad hore oo buug ku dhigay.” Dhanka kale, Cabbaas Maxamuud Caqaadka Masriga ah ayaa laga hayay, “Mid ka tirsan waxyaabaha akhriska i jeclaysiiyay waa in aan nolol keli ah noolahay..... [dabcanna] nolol keli ahi iguma filna!” Waxa uu Caqaad xusayaa in qofkii qawaday noloshan keliyaalaha ah ay u furan tahay waddo kale oo aan qarash buuran ugu fadhiyin oo uu ku heli karo nolollo kale. (Guudcadde, 2015)
Imaam Shaafici — Maxamed bin Iddiris. Isaga oo 13 jir ah ayaa uu damcay in uu waxbarasho u doonto Imaam Maalik oo Maddiina degganaa. Si uu u hanto qalbiga Imaamka, waxa uu wiilkaa yari sii akhristay, siina xifdiyay, kitaabkii Imaam Maalik ee "Al-mawdi'." Af Carabida cad ee uu ku hadlayo, iyo maskax-furnaantiisa markii uu u bogay, ayaa uu oggolaaday in uu arday u noqdo. Sidaasna muddo 16 gu' ah ayuu arday ugu ahaa, jeer oo Imaam Maalik geeriyooday. (Guudcadde 2015)
Tokiyo Osahiro waa ninka wax ka beddelay qaabka Jabbaan u taallo. Aas- aasihii matoorka Jabbaan. Waxa saameeyay akhris badan oo uu ku sameeyay sida reer Galbeedku u sameeyaan mashiinnada, iyo sida oo kale sida injiinku u shaqeeyo. Sirta u weyn ee Tokiyo xasuusqorkiisa ku xusay in ay caawisay waa akhris. Ka dibna dhaqangelin.
Qoraaga reer Maraykan ee Thomas Dexter Jakes ayaa mar yidhi: “Haddii aanad yoolkaaga sixi karin, xiisahaaga waa in aad saxdaa. Muran li’i waxa aad xiisaysaa waxa ay kugu ridi doonaan yoolkaaga e.”
Si aad caado wax akhris u yeelato waxa aad u baahntahay go’aan qaadato aad isbeddel ku sameyso. Sii wakhti kooban. Tusaale, Xulo buug ka hadlaya mawduucyada aad xiiseynayso. Subixii ku bilow in aad akhrido 1 bog, duhurkii 1 bog, habeenkiina 2 bog. Maalin labaadka kordhi Subixii 2 bog, duhurkii 2 bog habeenkii 4 bog. Todobaad ama laba todobaad habkaas ku wad si ay kuugu abuuranto caado wax akhris. Si caado kuugu abuurantana waa in aad joogtaysaa ilaa 21 cisho. Taasi waxay isbeddel weyn ku keenaysaa qaab fikirkaaga isla markaana ogaalkaagana way balaadhinaysaa.
5. Jimicsiga
Waxa aynu inta badan maqalnaa jidh caafimaadqaba ayey ku jirtaa maskax caafimaad qabtaa. Waa run jimicsigu waxa uu ka hortag u yahay xannuuno badan oo lala noolaado, inbadanna dadkeena culays badan ku haya maanta. Dhanka kale jimicsigu waa hab aad naftaada ku tababari karto JOOGTAYNTA. Haddii aad 3 bilood oo isku xiga jimicsi aad joogtayso oo aanad jarjarin waxa aad hoggaanka u qabatay naftaada. Dhisibiliin amma anshax (Discipline) suuban oo shakhsiyaddaada bilayana waad ku tababaratay.
Vince Lombardi, ''Badi dadku way guuldaraystaan, Sababtu maha damac la'aan ee waa joogtayn la'aan.''. Jimicsigu waa noocyo badan yahay sida, dabaasha, kubadda, taybul tenista, bood boodka iwm.
6. Baro xirfad cusub
Isbeddel waxqabad iyo mid shaqoba si aynu u sameyno waa lagamama maarmaan lahaanshaha xirfadda waxbarashada wakhti dheer socota oo aad naftaada ku barayso xirfaddo nololeed iyo kuwo shaqo oo isbeddel ku keena shaqadaada iyo hab nololeedkaagaba. Ogow xirfaddaha aad ku liidato isla markaana aad u baahantahay in aad kor u qaado. Tusaale, ‘’ Fagaare ka hadalka, Xirfadda wada xidhiidhka, Maamulka iyo maareynta wakhtiga IWM.’’
7. Deegaanka iyo Asxaabta
Bay’adda aad ka agdhowdahay iyo asxaabtaadu waxay saameyn weyn ku leeyihiin noloshaada. Ka agdhawaanshaha bay’ad soo dhoweysa dedaalka, hal-abuurka, ikhtiraaca, horumarka iyo hor usocodku waa mid kugu gacansiin karta in aad isbeddel balaadhan aad sameyso. Dooro akhyaar kugu ordhinaysa aragti, fikir, cilmi iyo talo kaa dhaqaajin karta halka aad maanta taagantahay oo kugu riixi karta martabad ka sareysa tan maanta in aad sare ugasii socoto.
Soomaalidu waxay tidhaahdaa, ‘’ Bartii yaqaan, bari uma korodho.’’ Sheekadaadu waxa ay noqonaysaa tabtii ninkii u noolaan jirey sida caadiga ah, qof iska caadi ah, Nolol iska caadi ah, Dugsi iska caadi ah, Tarbiyad iska caadi ah, asxaab iska caadi ah, Gabadh iska caadi ah, Carruur iska caadi ah, Reer iska caadi ah iyo Dhimasho iska caadi ah. Nolol intaa ka saameyn badan iyo shakhsiyad waxsoo kordhin karta ayey bulshadaadu u baahantahay.
Isbeddel si aynu u sameyno aynu ku dedaalno waxa ina anfacaya, horumar ina gaadhsiin kara, sare innoo qaadi kara, dad waxtar leh waxsoosaar leh Innaga dhigi kara. Bulshadeenu waxa ay baahi weyn u qabtaa dad u fikira, ka saara xaaladda aynu maanta ku jirno, halka aynu bulshada qaaradeena iyo caalamka kaga jirno kor usoo qaadi kara, sumcaddooda iyo ta wadankooda dhisi kara……
Tixraac:
1. Caalamka Akhriska, Cabdicasiis Guudcadde
2. Astaamaha qofka hanka sare leh, Cabdifatah Cajab
Guuleyso
Xuquuqda Qoraalku waxa ay u dhowrsantahay @Somalijobs INC.
Lama ogola idan la'aan (Ogolnaho la’aan) in la qaato.
Tixgelin