Fikirka Badan!

Waa midkamida arrimaha ugu waaweyn ee keena farxad la'aanta. Natiijada ka dhalata farxad la'aantuna waa werwer badan oo qofka gaadhsiisa heer uu waasho.  Fikirka badan si ay uga daweeyaan maskaxdooda dadyowga qaar waxay ku qaadataa sannad iyo wax ka badan.

 

Halkan waxaynu ku wadaagi doonnaa siddeed hab oo aad ku yarayn karto fikirka badan:

1. Dhibaatadu waa dhibaato yar

Sagaal iyo sagaashan boqolkiiba dhibaatadu waxay ka dhalataa maskaxdaada, gudahaaga iyo habka aad u fikirayso. Hal boqolkiiba ee soo hadhayna waa xaqiiqada dhabta ee waxa dhacaya iyo waxa kasoo baxay. Inta badan dhibaatadu waa dhibaato yar balse habka aad uga fikirayso ayaa keenaysa mushkiladda. Sababta adduunyada raadinteeda diintu innoogu dhiirigelisay ruuxa kaa hooseeya inaad eegtaa waa kordhinta qaneecadaada iyo ka mahadcelinta nimcooyinka tiro beelka ah ee aad haysato.

 

2. Diidmada nafta

Haka fikirin inaad u qalanto fursaddaas, si kasta ha ahaatee xaree. Haka fikirin qoraalkaagu inuu saameyn leeyahay iyo inkale, markaad xayaabo tirto baahi. Haka fikirin inay codsiyadaada oo dhan laga soo jawaabayo, balse khibrad aad midkasta ka korodhsanayso.

 

Waligaa hasoo horaysiin diidmada naftaada ee ah waxaa uma qalantid, haddaad u qalanto beri horaad heli lahayd. Diidmada gudahaagu naftaaday dabar ku tahay, hawlaha aad qabanayso sabab iyo diidmo haku xidhin si aad uyarayso fikirka badan. Taas bedelkeeda natiijada iyo bar dhamaadka maskaxda ku qabo.

 

3. Hadda noolow

Shalay way tagtay, waxba kama bedeli kartid. Beri waa wax maqan Ilaahaybaa gacanta ku haya. Balse maanta, daqiiqaddan fursaddeeda adigaa haya. Haku lumin noloshaada ka fikirka labadaas'e hadda noolow si aad u yarayso fikirka badan. Noloshaadu waa daqiiqado, haddii ilbidhiqsi tegay, badhkaabaa tagay.

 

Xalay dadbaa seexday oo aan soo toosin, imisaa asxaabtoodu la shaaheynayey oo markay ka keceen shil galay, imisaa xanuun u jiifa, daqiiqada xigta ma is hubtaa inaad noolaan doonto. Maxaad ugu noolaan ka fikirka nolol Ilaahay SWT innoogu tilmaamay inay tahay nolol liidata? Miyaanay habboonayn fikirkeena iyo hammigeenna oo dhan aakhiro sideynu badhaadha jannada u helnaa oo aynu uga nabad galnaa naar? Hadda noolow, nolosha aan dhammaadka lahayn ee janno ama naar lagu waarayo aynu usii shaqeysanno.

 

4. Ficil samee

Habka ugu qiimaha badan ee lagu dhimo fikirka badani waa inaad talaabo qaado. Fadhiga ka kac, soo waysayso kaddib laba ragcadood oo sunne ah tuko, qur'aan kooban akhri kaddib duco u jeedso. Qadarka laguma baajiyo waxaan duco ahayn.

 

Aamin sanaan kaliya (Islaam) laguma badbaadayo'e ficil iyo talo saarasho Rabbi ayaa lagu badbaadayaa.

 

5. Kaalmo

Wada dhalashadu waa isgarabsiin, iscaawin, dhiirigelin, ku faanid iyo wadajir. Noloshu markay caqabaduhu kugu bataan ogow in lagu imtixaamayo. Kaalmo weydiiso dadka aad ku kalsoontahay ee kaa agdhow sida walaal, saaxiib, ehel IWM.

 

6. Xuska Alle

وَٱذْكُر رَّبَّكَ فِى نَفْسِكَ تَضَرُّعًۭا وَخِيفَةًۭ وَدُونَ ٱلْجَهْرِ مِنَ ٱلْقَوْلِ بِٱلْغُدُوِّ وَٱلْـَٔاصَالِ وَلَا تَكُن مِّنَ ٱلْغَـٰفِلِينَ ٢٠٥

Rasuulkii Allow xus Rabbigaa is ahaantaa adiga oo isdhul dhigaya, cabsina kaa muuqato. Goortaad digriga wadana hoos u dhig (Qawlka hadalka ee sare loo qaado ka hoosaysii) Waxaan kaa rabnaa gelin hore iyo gelin danbeba xuska Ilaahay wax ku yeelo oo haka mid noqon dhoohanayaash. Suuratul Acraaf: 205

 

وَٱصْبِرْ نَفْسَكَ مَعَ ٱلَّذِينَ يَدْعُونَ رَبَّهُم بِٱلْغَدَوٰةِ وَٱلْعَشِىِّ يُرِيدُونَ وَجْهَهُۥ ۖ وَلَا تَعْدُ عَيْنَاكَ عَنْهُمْ تُرِيدُ زِينَةَ ٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا ۖ وَلَا تُطِعْ مَنْ أَغْفَلْنَا قَلْبَهُۥ عَن ذِكْرِنَا وَٱتَّبَعَ هَوَىٰهُ وَكَانَ أَمْرُهُۥ فُرُطًۭا ٢٨

(Rasuulkii Ilaahayow) Naftaada ku dabar (Oo lajoog) macooda ahow kuwa ilaahay caabuda gelinka hore iyo gelinka danbeba ee ay Ilaahay dartii katahay. Indhahaagana haka lalinin oo yaanay arki waayin dhinecooda (Ha Yasin) bilicda adduunyaad adigoo raba. Ha addeecin Axad aan qalbigiisa ka xidhnay xuskayga (Ilaahay laabtiisu kamadhantahay) oo hawadiisa raacay. Xaalka uu kujiraana yahay xad-gudub. Suuratul Kahfi: 28

 

7. Murugada

Fikirka badani wuxuu kugu keenayaa murugo iyo diiqad. Murugaduna nimco badan oo Ilaahay SWT ku siiyeybay saameynaysaa. Hadday murugadu kugu badato indha nuurkoodu wuu yaraadaa amma qofka way indho tirtaa. Tusaale, Nebi Yacqyuub, Carruurtiisii u tashaday Nebi Yuusuf markay godkii kusoo ridee:

 

وَتَوَلَّىٰ عَنْهُمْ وَقَالَ يَـٰٓأَسَفَىٰ عَلَىٰ يُوسُفَ وَٱبْيَضَّتْ عَيْنَاهُ مِنَ ٱلْحُزْنِ فَهُوَ كَظِيمٌۭ ٨٤

(Wajigiibuu siin kari waayey) Wuu iskaga sii jeedsaday, markaasuu yidhi,'' Uurkutaaladaydaay, Maanta soo xaadir wakhtigaad iman lahayd weeyaane oo aan ka tiiraanyoonayo Yuusuf. Way cadaatay labadii indhood ee nebi yacquub (Halkii madoobayd caadbaa fuulay. Maxaa sababay ِ مِنَ ٱلْحُزْنِ Murugo) murugo aawadeed, Isagu cadho ayuu la cabudhsanaa.

 

8. Toosnow

Waxa laguu abuuray inaad Ilaahay SWT caabuddo. Aakhiro u shaqeyso adiga oo addunyadana nasiibkaaga/sadkaaga raadinaya. Arrimaha toosnaanta innagu kaalmeynaya waxa kamid ah:

- Geerida xasuusnow: Saacadda soo socota inaad noolaan doontoba haddii aanad ogayn maxaad iskugu hawli dunidan safarka ah ee dhammaanaysa.

- Ladnaantaada Ilaahay xus: Hadal haynta dadku waa xannuun, hadal haynta Ilaahay SWT waa caafimaad. Ha lagaa helo halka Ilaahay jecelyahay inuu kugu arko, oo halagaa waayo halka Ilaahay swt necebyahay inuu kugu arko. Qof Ilaahay xusa iyo qof aan xusin waxay kala yihiin sida qof nool iyo qof dhintay.

- Dadka dheereeyey kamid noqo: Hammigooda aakhiro ayey ka dhigaan masuu Ilaahay hammigii adduunyo kaga fillaaday, salaadaha eedaanka hortiibay isasii xaadiriyaan, qur'aankay la noolyihiin markasta, sadaqaday la baxaan, soon waajib iyo sunneba way ku dedaalaan, xajka iyo cumro haddii ay awoodayaan iyagana way u degdegaan.

 

9. Talo-saaro

Arrimahaaga oo dhan Ilaahay u dhiibo, fartii aad dhaqaajinaysoba Ilaahay SWT talo saaro. Ibnu Qayyim wuxuu yidhi, “Ruuxa Ilaahay garta ee sifiican u yaqaana. Ilaahay wuu ka cabsanayaa SWT, Ilaahay wuu ka rajeynayaa oo waa uu talo saaranayaa. Laakiin intuu (Ilaahay) yaqaano inleeg uunbuu ka cabsanayaa, intuu (Ilaahay) yaqaano inleeg uunbuu rajeynayaa, intuu (Ilaahay) yaqaano inleeg uunbuu caabudayaa, intuu (Ilaahay) yaqaano inleeg uunbuu baryayaa, intuu (Ilaahay) yaqaano inleeg uunbuu talo saaranayaa. intuu (Ilaahay) yaqaano inleeg uunbuu wayneynayaa.”

 

10. Hadaf yeelo

Waagi berya ee kasta sababta ugu weyn ee aad hurdada uga booddaa maxay tahay? Haddii aanad garanayn yoolka aad u nooshahay wadadii aad martaaba waxay ku gayn meel aanad garanayn. Haddii aad hadaf ka dhigato inaad JANNO gasho, waaba qofkasta hammigiisa'e. Talaabo kasta oo aad qaadeysaa ha noqoto mid janno u adeegaysa haddii kale waa dhinaca kale oo NAAR ah. Waa hammi weyn, hammigaa si aad u hesho qiimaha ugu sareeya ee Ilaahay aad kaga rabto janno adiga oo kaalmeysanaya/talo saaranaya.  Shay qiimo leh haddii aad rabto, bixi qiimihiisa.

 

 

Guuleyso!    

Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.     

Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]      

Tixgelin.

--------------------------------------------------    

Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)    

Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs    

(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164