Nov 09, 2023 by
Xirfadaha fuddud waa dabeecadaha iyo kartida shakhsi ahaaneed ee laga yaabo in shakhsiyaadku ay lahaan karaan, sida caadiga ah ee la xidhiidha shakhsiyadda iyo dabeecadda qofka. Waxa kale oo loogu yeedhaa xirfadaha dad-la-dhaqanka, xirfadaha fudud waxay ka caawin karaan dadka inay si wax ku ool ah u wada xidhiidhaan, muujiyaan xirfad-yaqaannimo iyo horumarinta hannaanka wada shaqaynta. Mar kasta oo ay shaqaaluhu la falgalaan shaqadooda, macaamiishooda ama hal-qabadyadooda, waxay isticmaali karaan xirfado fudud si ay shaqadooda ugu fududeeyaan ama waxtar u yeeshaan. Horumarinta xirfadaha fudud waa muhiim sababtoo ah waxay ka caawin karaan shaqaalaha inay si guul leh u gutaan hawshooda oo ay sii kordhiyaan horumarkooda xirfadeed.
Xirfadaha fudud, sida isgaadhsiinta, xallinta mashaakilaadka iyo iskaashigu, waxay ka caawin karaan shaqo doonka in uu si wax ku ool ah u ula xidhiidho dadka, muujiyo xirfaddiisa iyo sidoo kale horumarinta hawl qabadyadiisa. Xirfadaha adag, dhanka kale, waa awoodo farsamo iyo khibrad gaar u ah shaqo ama warshad gaar ah. Loo-shaqeeyayaashu waxay aqoonsan yihiin muhiimada xirfadaha adag iyo kuwa fudud ee goobta shaqada, markaa waa muhiim in la soo bandhigo xirfadahan marka la codsanayo shaqooyinka. Markaad muujiso xirfadahaaga iyo khibradaada, waxaad naftaada ka dhigi kartaa codsade la jecel yahay; loo shaqeeyayaashuna ay u heelanaadaan.
Waa kuwan tusaalayaal ku saabsan xirfadaha shaqo ee loo-shaqeeyayaashu ka raadiyaan murrashaxiinta shaqada:
1. Go'aan qaadashada
Xirfadaha go'aan qaadashada ayaa muhiim u ah goobaha shaqada, sababtoo ah waxay kaa caawin karaan inaad sameyso doorashooyin wax ku ool ah oo badbaadin kara wakhtiga iyo kheyraadka, wanaajin kara wax soo saarka, ilaalin kara ixtiraamka dadak kale ee goobta shaqada. Awood u yeelashada in si wax ku ool ah loo sameeyo go'aamo wanaagsan waxay ku siin kartaa faa'iidooyin badan, sida ka hortagga khaladaadka iyo khataraha. Muujinta xirfadahaaga go'aan qaadashada ee shaqadu waxay noqon kartaa mid faa'iido leh markaad raadineyso jagooyinka hoggaaminta sare iyo sidoo kale ka qayb qaadashada gaadhitaanka ujeedooyinkaaga iyo ahadaaftaada.
Markaad go'aansato inaad qaadato go'aanno wanaagsan, waxaad siinaysaa naftaada fursad ay ku dhisto kalsoonideeda, waxaanad ogaanaysaa in shaqada aad qabataa ay tahay mid qiimo le. Hagaajinta xirfadahaaga go'aan qaadashadu waxay kaa caawin kartaa inaad noqoto hogaamiye wanaagsan oo le faa'iidooyin togan oo badan; naftaada iyo guud ahaan ururkaaga labadaba. Waa kuwan qaar ka mid ah talooyin ku saabsan sida loo horumariyo xirfadahaaga go'aan-qaadashada:
- Aqoonso dhibaatada ama go'aanka la gaadhayo
- Xog ururso
- Aqoonso isbeddelka
- Raadi caddaymo
- Ka dooro waxyaabo kale
- Talaabo qaado
- Dib u eeg go'aankaaga
2. Xallinta Khilaafaadka
Xirfadaha xallinta mashaakilku waa lagama maarmaan goobta shaqada, sababtoo ah waxay kaa caawin karaan inaad ogaato oo aad xalliso arrimaha, kaydiso wakhtiga oo aad wanaajiso wax soo saarkaaga. Awood u yeelashada in si wax ku ool ah loo sameeyo go'aamo wanaagsan waxay ku siin kartaa faa'iidooyin badan, sida ka hortagga khaladaadka iyo khataraha.
Si kastaba ha ahaatee, qof kastaa waxa uu leeyahay awoodda xallinta khilaafaadka. Laakin waxa ugu muhiimsan waa sida ugu hufan ee dhibaatada loo xalin karo. Taasi waa sababta ay tahay inaad kobciso xirfadaha xallinta dhibaatada si aad u noqoto xaliye wax ku ool ah. Tabahan soo socdaa waxay kaa caawin karaan in aad mushkiladaha u xalliso si wax ku ool ah:
-Qeex mushkiladda
-Qiimee Mushkiladda
-Raadi Xalalka ugu Macquulsan
-Hubi Doorashooyinka
-Dooro ka ugu Wanaagsan
-Dhaqan geli Xalkaas
-cabbir natiijada
3. Xirfadaha Isgaadhsiinta
Isgaadhsiintu waa hanaanka gudbinta macluumaadka, ha ahaadaan qoraal ama hadal. Shaqo raadiye ahaan waa lagama maaramaan in aad isku qalabayso xirafaddan; sababtoo ah sinaba loogama maarmo in aad la xidhiidho dadka aad wada shaqyanta leedihiin.
Loo-shaqeeyayaashu waxay si joogto ah ugu daraan xirfadaha isgaadhsiinta, dhammaanba shaqooyinka ay baahiyaan. Hagaajinta iyo muujinta xirfadahaaga isgaadhsiineed waxay kaa caawin kartaa inaad horumariso xirfadaada oo aad kaalmaha hore ka gasho tartanka suuqa shaqada ee maanta. Barashada xirfadahan waxay sidoo kale kaa caawin kartaa inaad diirada saarto meelaha gaarka ah ee kaaga baahan horumarinta. Shaqada aad raadinayso inbadan oo kamidi waxa ay ku xidhan tahay xirfadahaaga. Sinaba ha u dhayalsan fursad aad ku soo bixi karto in aad dayacdo.
Xirfadaha isgaadhsiineed waxaa ka mid ah dhegeysiga, hadalka, fiirsashada iyo dareenka. Waxa kale oo kamida faa’iidooyinkeeda in la fahmo kala duwanaanshaha sida loola xidhiidho iyada oo loo marayo isdhexgalka fool ka foolka ah, wada hadalka telefoonka iyo isgaadhsiinta dhijitaalka ah, sida iimaylka iyo warbaahinta bulshada. Tabaha soo socdaa waxay kaa caawinayaan sidii aad horumarin lahayd xirfaddaada isgaadhsiinta:
-Dhagaysi Habboon
-Adeegsiga Isgaadhsiinta ugu habboon
-Kalsooni Kolka aad gudbinayso xog
-Fahamka Dad dhex galka
-Qiimaynta Jawaabaha Dadka
4. Xirfadaha Wada Shaqaynta
Dhisidda dhaqanka wax-wada-qabsigu waxay si cajiib ah u noqon kartaa mid abaal-marin u leh dhammaan daneeyayaasha lagu maalgeliyo guusha ururka (shaqaalaha). Ma aha oo kaliya in wada shaqayntu ay ka caawiso shaqaalaha inay ku lug yeeshaan sidii ay u heli lahaayeen xalal hal abuur leh iyo kobcinta kalsoonida, laakiin waxay gacan ka geysan kartaa horumarinta yoolalka ururka si loo sii wado qaab aan si kale suurtogal ku ahayn. Loo-shaqeeyayaashu aad ayay u daneeyaan shakhsiyaadka le awoodda la shaqaynta dadka. Xirfadana oo aad isku qalabaysaa waxay soo dhawaynaysaa sidii aad ugu guulaysan lahayd tartanka shaqo raadinta.
Iyada oo ku xidhan nooca ururka aad u shaqeyso ama aad shaqo ka doonayso, wada shaqayntu waxay aasaas u tahay horumarka urur kasta. Hababkan soo socda u horumari xirafadaada wada-shaqayneed:
-Fahamka Dabeecdahaaga
-Dad-la-dhaqan
-Dulqaad
-Tanaasul
-Aqbal Kala Duwanaanshiyaha
-Wada Xidhiidh
-Mushkilad Xallin
5. Xirfad-yaqaannimo
Inkasta oo laga yaabo in aan lagu qorin in ay tahay xirfad muhiim ah kobta sharraxaadda shaqada (job description), xirfad-yaqaannimadu waa sifo muhiim ah oo lagu muujiyo wareysi kasta iyo maalin kasta oo shaqo ah. Muujinta xirfad-yaqaannimadu waxay u horseedi kartaa fursado cusub halka xirfad la'aantu ku abuuri karto caqabado koritaankaaga. Waxaa jira siyaabo aad ku muujin karto habdhaqan xirfadeed iyo waxyaabo aad samayn karto si aad u horumariso xirfadaada.
Xirfad-yaqaannimadu (professionalism) waa cabbirka sida wanaagsan ee aad naftaada ugu xakamayso shaqada, sida aad ula dhaqanto dadka aad wada-shaqayso iyo sida aad u xalliso xaaladaha walaaca leh. Sababtaas awgeed, way fududahay in la arko sababta xirfad-yaqaannimadu ay muhiim ugu tahay goobta shaqada. Hababkan soo socda u horumari xirfad-yaqaanimadaada.
-Hel Xirfadaada
-Kordhi Aqoonta aad u Leedahay
-Dhaqan geli oo ku shaqee
-La xidhiidh Dadyow ku shaqeeya
-Faham Sida ay Suuqa uga Shaqayso
-Ka Istaag Dhinacyo Kala Duwan
Markaad muujiso xirfadahaaga iyo khibradaada, waxaad naftaada ka dhigi kartaa codsade diyaarsan, oo aan sinaba u cafin fursadaha nolosha. Nasiib wacan, safarkaaga shaqo raadineed!
- - ---------------------------------------------------------
Guuleyso!
Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.
Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]
Tixgelin.
--------------------------------------------------
Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)
Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs
(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164