Sida Si Xikmad Leh Loogu Sheego Maamulahaaga Inuu Khaldan Yahay
Apr 19, 2025 by

Masuuliyaddu waxay leedahay saddex qaybood: Fahan, Karti waxqabad iyo ficil.
Shaqo kasta oo xirfadeed, maamuluhu wuxuu leeyahay door hoggaamineed oo muhiim ah. Si kastaba ha ahaatee, maamulayaashu waa bini'aadam, wayna khaldaan sida qof kasta oo kale. Marka aad ogaato in maamulahaaga uu khaldan yahay, waxaa lagaaga baahan yahay inaad si caqli iyo xikmad leh arrintaas u wajahdo. U sheegista khaladkiisa hab khaldan waxay dhaawici kartaa xidhiidhka shaqo, kalsoonida, iyo fursadahaaga mustaqbalka. Laakiin haddii aad u sheegto si xushmad leh oo xirfadeysan, waxay kuu noqon kartaa fursad aad ku gaadho isfahan iyo ixtiraam dheeraad ah.
1. Ku bilow xushmad iyo fahan
Waa muhiim in aad marka hore aad muujiso ixtiraam iyo faham ku wajahan doorka iyo go’aamada maamulaha. Ha bilaabin hadal toos u sheegaya khaladka sida “Adigu waad khaldan tahay.” Taas beddelkeeda, u sheeg aragtidaada si jilicsan oo xushmad leh. Tusaale ahaan:
“Waxaan fahamsanahay go’aanka aad qaadatay, waxaana jeclaan lahaa in aan kula wadaago aragti kale oo laga yaabo inay naga caawiso in aan horumar dheeraad ah gaadhno.”
Tani waxay muujinaysaa in aad diyaar u tahay in aad ka mid noqoto xal-raadinta halkii aad diidmo toos ah ka muujin lahayd.
2. Hubi xogtaada kahor intaadan hadlin
Ka hor intaadan la hadlin maamulahaaga, hubi in aad si buuxda u fahamtay arrinta iyo in aad haysato caddeymo ama xog ku filan oo aad ku taageerayso fikirkaaga. Xog la’aantu waxay dhaawici kartaa kalsoonida laguu qabo. Xaqiiji in waxa aad sheegaysaa aysan ahayn dareen shakhsi ah oo kaliya, balse ay ku dhisan yihiin macluumaad sugan iyo xisaabtan la taaban karo.
3. Si farsamaysan u dhig fikirkaaga
Waa in aad fikraddaada u dhigtaa si wax dhisaysa, adigoo aan u muujinaynin in aad kasoo horjeedo si toos ah. Isticmaal su’aalo si aad u furto wadahadal halkii aad si toos ah wax u inkiri lahayd. Tusaale ahaan:
“Ma laga yaabaa in haddii aan habkan kale tijaabinno, aan ku guuleysan karno waqti iyo kharash badan?”
Su’aalaha noocaas ah waxay muujinayaan inaad diyaar u tahay inaad la shaqeyso, islamarkaana aad fikir cusub soo jeedinayso.
4. Ula hadal si gaar ah:
Arrimaha xasaasiga ah sida khaladka maamulaha waa in aan lagu sixin dadka hortiisa ama shaqaalaha hortooda. Taas beddelkeeda, raadi fursad aad si gaar ah ugala hadasho. Tusaale ahaan, waxaad odhan kartaa:
“Waxaan jeclaan lahaa inaan si gaar ah kaagala hadlo arrin la xidhiidha mashruuca, haddii aad heli karto waqti.”
Tani waxay ilaalinaysaa sumcadda maamulaha iyo xidhiidhka shaqo ee wanaagsan.
5. Dhageyso fikradda maamulaha:
Marka aad soo bandhigto aragtidaada, la soco in aad sidoo kale aad dhageysato jawaabtiisa ama sababaha uu go’aankaas u gaadhay. Waxaa dhici karta in uu jiro xog ama aragti aadan adigu la socon. Muujinta dhageysi iyo furfurnaan waxay kor u qaadaysaa isfaham iyo kalsooni labada dhinac ah ee shaqadu ka dhaxayso.
6. Ku soo gunaanad xidhiidh wanaagsan
Ujeeddada ugu weyn waa in la gaadho is-afgarad, la dhiso xidhiidh shaqo oo xooggan, isla markaana la horumariyo shaqada guud. Haddii aad si fiican u dhammeyso wada hadalka, waxaad muujinaysaa in aad tahay shaqaale xirfad leh oo u taagan horumarka kooxda. Ku soo xidho hadalkaaga si xushmad leh:
“Aad baan uga mahadcelinayaa fursadda aad isiisay, waxaana rajeynayaa in aan si wadajir ah ugu soconno horumarka mashruuca.”
Inaad maamulahaaga u sheegto khalad uu galay ma ahan wax sahlan, balse waa xirfad muhiim ah oo uu leeyahay shaqaale hami sare leh. Marka aad u adeegsato xikmad, xushmad, iyo fahan, waxaad noqon kartaa qof kor u qaada tayada kooxda, isla markaana si tartiib, tartiib ah u dhisa kalsooni iyo wada shaqayn xooggan. Xog-ogaalnimo, dulqaad, iyo is-qaddarin ayaa ah furayaasha lagu wajaho xaaladdan si guul leh.
Guuleyso!
Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.
Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]
Tixgelin.
--------------------------------------------------
Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)
Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs
(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164