Codsiga Shaqooyinka: Cv

Waraqad codsiyeedka shaqo ee koobsanaysa taariikh nololeedkaagu waa mid looshaqeeyaha u fududeynaysa in uu si fudud kaaga ogaado aqoonta, khibraddaha iyo xirfaddaha uu raadinayo qof leh. In aad u fadhiisato, wakhtina siisaa waa mid qayb weyn ka ah guushaada shaqada aad u tartamayso. Qaabdhismeedka CVgu waa sidan hoos ku xusan:

1. Xogta xidhiidhka qofka (Contact Details)

Magacaaga oo Saddexan

Halka aad joogto Tus: Jigjiga, Somali Regional State of Ethiopia

Email kaaga

Aleenkaaga (Telephone)

2.  Sookoobid xog/bayaan shakhsiyaadeed (Personal Statement)

Qaybtan waxa aad kusoo koobaysaa sababta aad ugu habboontahay shaqada aad codsanayso ama sida ay isugu habboon yihiin khibraddahaaga, aqoontaada amma xirfaddahaagu iyo shaqada aad u tartamayso. Maxaad ku kordhinaysaa shirkadda/hay'adda/ganacsiga ama xafiiskan aad rabto in aad ka mid noqoto shaqaalihiisa isla markaana xirfaddo nooceeya oo aad leedahay ayaad adeegsanaysaa (Baahida khibrad, aqoon iyo xirfadeed ee loo shaqeeyuhu u baahanyahay waxa uu kusoo bandhigayaa xayeysiiska shaqada)

3. Khibraddahaaga Shaqo

Ku qor kaliya khibraddaha shaqeed leedahay ee xidhiidhka la leh shaqada aad codsanayso. Ku bilow taariikhda aad shaqada bilowday, haddii aad wali waddo ku qor ilaa hadda Tus: 2020 - Present. Sheeg taariikhda aad shaqo bilowday, taariikhda aad ka tagtay, cinwaanka booska shaqo, magaca goobta shaqada, waajibaadka shaqo ee aad qaban jirtay iwm. Una kala horeysii sida ay u kala danbeeyeen.

4. Waxbarashada

Heerarkaaga waxbarasho ee tooska ah ukala horeysii siday ukala danbeeyeen, Xus taariikhda, Kuliyadda aad kasoo baxday isla markaana waad sheegi kartaa derejada aad ku baastay iyo cinwaanka buuggaagii qalinjebinta labada. 

5. Xirfaddaha

Hagaag, Xirfaddaha laba ayeynu u kala qaadaynaa: 1. Xirfaddaha shaqada: Waa xirfaddo kuu sahlaya in aad shaqadaada si hufan, fiican oo habboon aad u qabsato adigo aqoon u leh shaqada aad qabanayso (Waa qalabka shaqo). Tus: Supply Chain & Logistics, WASH Training, Food Security & Livelihood (FSL), Report Writing IWM. 

2. Xirfaddaha nolosha. Waa xirfaddo kuu fududeynaya horumarinta naftaada ama noloshaada.  Tus: Xirfadda wada-xidhiidhka (Communication Skills), Fagaare ka hadalka, Maareynta wakhtiga, Xirfadda curinta, Xalinta khilaafaadka IWM.

6. Xiiseyn iyo Luqaddaha

Mararka aad firaaqada hesho shaqooyinka ama hawlaha aad qabata waa kuwo muujinaya shakhsiyaddaada, Ku xus arrimaha suuban ee aad xiiseyso qabashadooda marka aad firaaqo fiican hesho. Tus: Akhriska iyo qoraalka, kubadda, dabaashada IWM. 

Luqada: Qaybtan xus haddii looshaqeeyuhu kuwaydiiyo ama kaa codsado in aad xusto luqadaha kala duduwan ee aad taqaano. 

7. Tixraac

Qof magaca qofka oo saddexan, Halka uu ka shaqeeyo, cinwaanka booska uu ku shaqeeyo, email kiisa iyo tilifoonkiisa. 

Ha hilmaamin qofka aad tixraaca ku qoranayso in aad u geyso ama aad u dirto nuqul kamida warqad codsiyeedkaaga shaqo (CV). Had iyo jeer waxa dhacda qofka lagu qortaa in uu hilmaamo magacaaga oo haddii wax lagaa waydiiyo in uu ku xasuusan waayo.

---------------------------------------------------

Si aad si maalinle ah ula socoto dhamaan shaqooyinka, qandaraasyada iyo tababarada aanu baahino halkan kala deg APP-KA Somalijobs

https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs

---------------------------------------------------------

Guuleyso

Xuquuqda Qoraalku waxa ay u dhowrsantahay @Somalijobs INC.
Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato.

Tixgelin

-----------------------------------------------------