May 26, 2024 by
Isbeddelku waa asaaska nolosha. Seeska isbeddelladuna waa maskaxda, haddii maskaxdu korto, inta kalena si dareen la'aan ah ayey isku bedelaysaa. Beddel hab fikirkaaga si noloshaada oo dhami si sahlan isku beddesho.
Halkan waxaynu ku eegi doonaa todoba hadal hayn oo caqabad ku ah hab fikirkaagu inuu kobco oo haddii aad bedesho maskaxdaadu kori doonto:
1. Way adagtahay.
Layligu wuxuu kaa dhigaa khabiir, qofba qofka uu ka layli adagyahay wuu ka horumar badan yahay. Way adagtahay ku beddel ku celcelintu waxay iga dhigi doontaa mid aan ku fiicanahay (shaygaas.)
2. Ma qaban karo.
Isku daygu waa furaha guusha. Tusaale, caalimkii niyaddu dhisantay:
Nin culimada kamida ayaa layidhi waxa ku adkaaday cilmi kamida culuumta. Wuu isku dayey, isku dayey markii uu u taagwaayey ayuu is yidhi ma kari kartide iskaga tag. Maalin maalmaha kamida isagoo darsigii kasoobaxay oo rafaadsan, meel isagoo socda ayuu wuxuu arkay QUDHAANJO. Qudhaanjo sidda shay iyada ka culus markaasay haddana rabtaa derbi/gidaar dheer inay fuusho. Way isku daydaa way soo dhacdaa, way ku celisaa, way soo dhacdaa, haddana way soo dhacday. Isagoo eegaya intaasba ayey markii 11aad fuushay oo ay hadafkeedii gaadhay. Markaasuu iswaydiiyey ma qudhaanjada 10 ka jeer guuldaraysatay baan ka adkaysi liitaa. Halkiibay kalsoonidii ugu dhisantay Ilaahayna cilmiga ufuray isla markaana uu caalim cilmiga laga qaato kunoqday.
Ma qaban karo ku beddel waan isku dayayaa.
3. Waan guul darraystay
Waxaad ku bedeshaa khaladaadku way ikorinayaan, i laylinayaan, i kobcinayaan illaa aan ka xaqiijinayo halka aan u socdo ee aan gaadh isleeyahay. Tusaale waxa innoogu filan sheekada Qudhaanjada kalsoonida u dhistay ninkaa caalimka ahaa.
4. Magaranayo sida loo qabanayo
Noloshu waa macalinka ugu wanaagsan, maalinkasta caqabadeheedu waxay ina dhaxalsiiyaan waayo-aragnimo. Sidaa si lamid ah magaranayo waxaad ku beddeshaa WAAN BARAN SIDA LOO QABANAYO.
Tusaale,
Iinsaanku haddii uu xidh-xidho oo ay ka dhab tahay inuu xaqa (meel sare) gaadhi karo Sheekh Maxamed Ratib baa tusaale ugu filan. Nin 55 jir ku gaadhay umi (Waxba aan qorin, waxna aan akhrin). Waxbarasho bilaabay, qur'aanka xifdiyey, marinka diin barashada halkaa kasoo galay ilaa uu noqday Sheekhul Azhar, laakiin markuu go'aan iyo casiimo qaatay wuxuu gaadhay inuu muddadaa yar ku noqdo sheekhul Azhar kuna dhintay 96 jir.
Adiguna waad baran kartaa.
5. Waan ka niyad jabay
Nolosha maalinba meel ayaad joogtaa. Haddii arrimuhu kugu adkaadan ha is dhiibin, taas badalkeeda ka fikir SIDEEN U HORUMARIYAA?
Tusaale,
Dr. Daariq Suwaydaan ayaa wuxu yidhi waxaan la kulmay sheekh Cabdala Cali Basfar, markaasaan ku idhi ‘’Waa maxay yoolkaagu?’’ wuxu iigu jawaabay ‘’hankaygu waa inaan helo 1,000,000 (hal milyan) oo qof oo xafidsan 30 jis ee qur’aan kariimka ah’’ markaasaan ku idhi ‘’hadda immisa ayaad xafidsiisay’’ wuxu iigu war-celiyey ‘’waxaan ku guulaystay ilaa hadda 20,000 (labaatan kun) oo qof ’’
6. Waan isdhiibey
Haddii ay niyaddaada kusoo noqnoqoto inaad is dhiibto oo aad gaadhi kari waydo hadaf aad dejisatay waxaad iswaydiisaa sababta i dhaqaajisay ee aan u bilaabayey maxay ahayd? Ku beddel inaad ku celceliso iskudaygaaga mid uunbaa guuleysan doona idamka Alle.
Tusaale,
Montston, China ayuu madax kanoqday, Waa wadan la gumaystay 400 oo milyan ayey tiradiisu marayeen. 400 ee milyan 100 milyan oo kamid ah ayaa balwad cuna. Waa wadan beeralay ah oo aan waxba qabsan. Monston wuxuu dhexda u xidhay inuu wadankaas isbeddel ku sameeyo. Waxa la sheega 4 isku day ayuu sameeyey sii isbeddel u dhaliyo. Isku daygii 4aad ayaa guuleystay jiilashii isaga ka danbeeyey ay siiwadeen ayaa guushan gaadhay 1949 ilaa hadda (china 11 sanno ayuu innaga waynyahay) Maanta china waxsoosaarkiisu dunida meel walba uu yaalaa.
7. Way iga fiicanyihiin.
Noloshu waa sida giraanta wareegta, maalinba meel ayey taagantahay. Maanta haddii lagaa gacan sareeyo fursaddu way iman balse ma u diyaarsantahay. Ka baro xirfaddaha iyo khibradda dadka aad ku tuhmayso inay kaa fiicanyihiin si aad isugu diyaariso naftaada marka fursaddu hortaada timaado.
Fursad koritaan waa in aad ku dhiirato oo isbedel, Haddii aad isbedesho waxkastaa waa uu is bedelayaa.
فَمَآ أُوتِيتُم مِّن شَىْءٍۢ فَمَتَـٰعُ ٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا ۖ وَمَا عِندَ ٱللَّهِ خَيْرٌۭ وَأَبْقَىٰ لِلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَلَىٰ رَبِّهِمْ يَتَوَكَّلُونَ ٣٦
(Haddii adduunyada ninka ugu milyaneersan lagaa dhigo, ka ugu aqoonta badan lagaa dhigo, ka ugu madaxsan lagaa dhigo waxaasiba waxay dhamaanayaan maalintaad dhimato) Waxa la idin siiyey oo shay uun ah adduunyada raaxadeeda ayuunbay ku gabaabsidaa, wixii hor ilaahay jirabaa khayr badan oo waliba baaqinnimo badan, Waxay u baaqi noqon kuwa Ilaahay rumeeyey ee Ilaahay talo saartay (Waxay heli doonaan wax ka khayr badan aduunyadan nimcada lahaysto)
Ilaahay talo saaro oo dedaal.
Xigasho:
1. Buugga Xilkas
2. Buugga Astaamaha qofka hanka sare leh
3. Muxaadaro: Sh. Mustafe X. Ismaaciil
4. Muxaadaro: Sh. Maxamed Abdi Umal
5. Tafsiirka Sh. Maxamed Ismaacii
Guuleyso!
Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.
Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]
Tixgelin.
--------------------------------------------------
Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)
Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs
(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164