Shaqo Ka Tagista Shaqaalaha!
Mar 03, 2024 by

Noloshu waa sida giraanta wareegta, Maalinba meel ayey joogtaa. Shaqaaluhu waa hantida goobta shaqada.. Bay'adda ay ku shaqeynayaan waxay noqotaa mid leh dhiirigelin oo lagu soo hirto ama mid aan lahayn oo laga jewi bedesho.
Halkan waxaynu ku eegi doonnaa qodobo kamid ah waxyaalaha dhiirigeliya shaqo katagista shaqaalaha:
1. Qanacsanaan hooseysa:
Ku qanacsanaanta shaqada, masuuliyaddaha, deegaanka shaqada iyo dhaqanka goobta shaqo waxay horseeddaan in shaqaaluhu raadiyo fursado kale oo kaga habboon halka ay hadda ka hawlgalaan.
2. Koboc la'aan:
In shaqaaluhu dareemo taagnaanshiiyo, koboc la'aan waa mid kale oo iyaduna keenta in shaqaaluhu raadiyo korodhsiga xirfaddaha, khibradaha iyo fursaddaha koritaan ee uu ka heli karo bay'adda shaqada.
3. Hoggaamin liidata
Shaqaaluhu way ka niyad jabaan hoggaaminta aan waxtarka lahayn ama aan lahayn garabsiin maamul ama hawleed. Waxay dhiirigelinaysaa raadinta deegaan shaqeed oo waxarleh.
4. Xaqa shaqaalaha
Mushahar hooseyn, shaqo badan iyo xadidaad badan, Waxay dhaliyaan baadidoon xoriyadeed iyo u tartamista fursaddaha suuqa shaqada yaala.
5. Miisaamidda Shaqada iyo Nolosha:
Shaqo xadka ka baxsan, saacado dhaadheer, ogolaansho la'aanta si xor ah u shaqeynta (Flexibility) fadhinta xafiis xilli kasta IWM. Waxay keensan kartaa culays iyo xamilaad la'aan shaqeed.
6. Hab-dhaqanka Goobta Shaqo:
Canaanta,buuqa, muranka iyo isriix-riixa badan. Cayda, aflagaadada, is-yasidda, tixgelin iyo ixtiraam la'aantu waxay keenaan in shaqaaluhu ka yaacaan hab dhaqannada noocaasa ee ka dhex jira goobta shaqo.
7. Ka wer-werka ERIS Shaqo:
Helista dareen ah shaqaale dhimis kaddib hoosu dhacyada dhaqaale ee goobta shaqo ama wadankaba guud ahaan aad u saameysaa waa mid kamida waxyaalah dhiirigeliya in shaqaaluhu shaqo kale dalbado.
8. Rejo Waayid
Maxaad naga rajeynaysaa? Waa mid kamida waydiimaha aad kala kulmayso marka aad shaqada kusoo biirto. Haddii la waayo xidhiidhka rejada qofka iyo xaqiiqada shaqada uusoo codsaday. Waxay keensanaysaa niyad jab iyo in uu raadiyo fursado kale oo u dhaama shaqadan uu kusoo hungoobay.
9. Aqoonsi la’aan
Shaqaaluhu si kasta oo uu mushahar fiican u qaato haddii aanu celin qiimeyn, ixtiraam iyo tixgelin waxa uu kusugan yahay goobta shaqada inta uu fursad kale uga gudbayo oo kaliya.
10. Wada-xidhiidh liita:
Falcelin la'aan, jawaab celin raagta iyo qancin la'aantuba waxay keeni karaan in shaqaaluhu waayo dhiirigelin ilaa uu ka fikiro raadsiga goobo kale oo uu ka heli karo wadashaqeyn xoogan.
Qodobadaa sare iyo kuwo lamid ah haddii laga shaqeeyoo waxay ka dhigi karaan shaqaalaha iyo goobta shaqadaba mid xasiloon oo waxsoosaarkeedu sareeyo. Taasi waxay u adeegaysaa xaqiijinta hadafka goobta shaqadu u taagantahay xaqiijinteeda.
- - ---------------------------------------------------------
Guuleyso!
Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.
Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]
Tixgelin.
--------------------------------------------------
Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)
Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs
(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164