Tabaha Fekerka Toolmoon

Tabaha fekerka toolmoon

 

Adduunyada ay inta badan u egtahay in caqabaduhu ay ka miisaan culus yihiin guulaha, awoodda fikirka togan waxay u soo ifbaxdaa iftiin rajo ah, oo iftiiminaya waddada loo maro nolol ifaysa, nolol farxadi ka buuxdo.maqaalkanna waxaynu dhex mushaaxi doonaa, socdaal wax kaa bedeli kara kaas oo kugu qalabayn doona agabka iyo fikradaha loo baahan yahay si aad uga faa’iidaysato awooda cajiibka ah ee maskaxdaada. Bogaggan gudihiisa, waxaynu ku gudo jiri doonaa, sahaminta saameynta qotoda dheer ee aragtida togan ay ku yeelan karto waji kasta oo ka mid ah jiritaankaaga, laga soo bilaabo cilaaqaadkaaga iyo shaqadaada ilaa guud ahaan noloshaada. Waxaynu daaha ka qaadi doonaa siraha kobcinta yididiilo, adkeysi iyo is-aaminaad aan leexleexad lahayn. Naftaada ugu roonow isbeddel qotodheer xagga aragtiyaha. Waa fekrado wanaajin kara maskaxdaada iyo niyadaada sidoo kalena kuu horseedi kara nolol guul leh.

 

  1. Ku Bilow Maalintaada Mahadnaq

 Ku bilow subax kasta adiga oo ka fikiraya nimcooyinka uu Alle (SWT), kugu mannaystay, Dhaqankan fudud waxa uu dhigayaa hab wanaagsan oo maalinle ah, isaga oo ku xasuusinaya wax badan oo aad nolosha haysato; adiga oo aan u eegin sida ay u yar tahay ama u weyn tahay.

 

  1. Rejo wanaagsan

 Maskaxdaada ku tobabar in ay mar kasta aragto nolosha inta wanaagsan si aanay u niyad jabin. Halkii aad ka fikiri lahayd dib-u-dhacyada, u fiirso casharradii laga bartay iyo suurtagalnimada koritaanka. Rejada wanaaji oo Alle (SWT) talo saaro.

 

  1. Naftaada ku xeer dad wanaagsan

Deegaankaagu waxa uu door muhiim ah ka ciyaara qaabaynta fikradahaaga. Waqti la qaado dadka kor kuu qaada oo ku dhiirigeliya. Yaree soo-bandhigista waxyaabaha saamaynta taban, noloshaada ku le; hadday tahay wax aad ku liidato oo horumarin kaaga baahan ama warar aan sinaba mashruucaaga nololeed wax ugu darayn. La joog dadka aad deganaanshiyo ku dareemayso oo u door noloshaada cid kasta oo kor kuu qaadi karta.

 

  1. Ku celceli miyir-qabka

 Joogitaanka wakhtigan waxay kaa caawinaysaa inaad qadariso raaxada nolosha ee fudud. Ka-fiirsashada maskaxdu waxay noqon kartaa qalab awood leh oo lagu wanaajiyo wanaaggaaga oo laguna yareeyo werwerkaaga. Mar kasta ka feker bad-qabkaaga maskaxeed adiga oo korinaga maankaaga.

 

  1. Ka Hortag Fikradaha Xun

Aqoonso marka fikradaha xun xuni noloshaada ku soo baxaan oo si firfircoon uga dood. Is weydii haddii ay ku saleysan yihiin xaqiiqo ama mala-awaal. Badanaa, waxaad ogaan doontaa in fikradaha xun xun yihiin kuwo aan sal lahayn. Ka digtoonow in ay maskaxdaada soo galaan fikrad kasta oo xun, raqiis ah, noloshaada dib u dhigaysa. Jooji goobaha ama shakhsiyaadka aad ka helayso fekradahaas xun xun.

 

  1. Deji yoolal waaqici ah

Dejinta yoolalka la gaadhi karo iyo u dabbaaldegga guulaha yaryar ee jidkaagu waxay kor u qaadaysaa kalsoonida naftaada waxayna kobcisaa aragtida wanaagsan ee nolosha. Ka fekerka hawlo waaqici ahi waxay kor u qaadayaan in aad noolaato nolol maanta ah. Yool kasta oo aad dejisaa marka uu noqdo mid la jaan-qaadi kara nolosha deegaankaaga iyo dadka kugu hareeraysan waxaa kuu fududaan doona gaadhitaankiisa.

 

  1. Daryeelka naftu waa muhiim

 In aad daryeesho jidhkaaga iyo naftaadu waxay aasaas u yihiin fekerka togan. Ku dadaal in aad cuntada u cunto si caafimaad leh, jimicsi joogto ahna aad samayso, oo aad hesho hurdo kugu filan si aad u hubiso in jidhkaaga iyo maskaxdaadu ay ku jiraan xaalad la jaan-qaadi karta noloshaada.

 

  1. Kobci maskaxdaada

 Rumayso awoodaada in aad wax baran karto oo aad noloshaada horumarin karto. U arag caqabadaha fursado si aad u horumariso xirfado iyo aqoon cusub. Mar kasta ka shaqee sidii aad u horumarin lahayd korriinkaaga maskaxeed.

 

  1. Hadal Wanaagsan

Noqo hogaamiye adiga kuu gaar ah. Ku beddel dhaleecaynta is-dhiirrigelin iyo xaqiijinta ahdaaftaada nololeed. Naftaada xasuusi meelaha aad ku fiican tahay iyo kartidaada. Dadka ula hadal si wanaagsan oo ka tarjumaysa shaqsiyadaada. Sida aad dadka ula dhaqantaa waxay saamayn ku leedahay noloshaada oo dhan.

 

  1. Faafi Wanaagga

 Falalka naxariista iyo caawinta dadka kale waxay dhalin karaan dareen qotodheer oo wanaagsan oo gudaha naftaada ah. Farxadda, wax bixinta iyo samaynta isbeddelka aad ku yeelan karto nolosha qof waxay noqon kartaa mid kugu hagta jidka saxda ah. Ha hakran wanaagga haba yaraadee!

 

  1. Wax Ka Baro Guuldarada

 Ogow in guuldaradu ay tahay qayb nolosha ka mid ah oo dabiici ah. Halkii aad ka cabsan lahayd, samee isku dayo joogto ah. Wax ka baro khaladaadkaaga oo horay u soco. Raadi wadiiqooyin cusub, u sahan tag naftaada; oo haka niyad jabin isku dayada nolosha.

 

  1. Aragtida Guusha

Ka fikir hadafyadaada iyo riyooyinkaagu inay rumoobaan. Aragtidani waxay kaa caawin kartaa xoojinta aaminaaddaada, awoodahaaga iyo adkaysigaaga waxayna kugu dhiirigelin karaan inaad tallaabo qaaddo. U arag guusha mid la gaadhi karo oo haka cabsan tijaabo kasta oo kuu dhawaynaysa dhanka guusha.

 

  1. Qor dhacdooyinkaaga maalinlaha ah

Qor waayo-aragnimada wanaagsan, guulaha iyo wax kasta oo aad u aragto in ay noloshaada wax ku dareen. qoraaladani waxay u adeegi karaan xasuusin dhammaan wanaagga noloshaada. Mar kasta oo aad aragto guulahaaga iyo wanaagyadaada waxaa kuu fududaan doona in aad u aragto noloshaada mid koraysa.

 

  1. Dulqaad yeelo

 Fikirka togan waa caado u baahan in la horumariyo. U samir naftaada oo u oggolow marar badan dib u dhacyada imanaya. Arrinka muhiimka ahina waa: sida ay kaaga go'an tahay in aad kobciso noloshaada. Ku dadaal in aad naftaada ku tobabarto sidii ay dulqaad ugu yeelan lahayd jidka nolosha; kaasoo u baahan samir, adkaysi iyo dhiiranaan.

 

  1. Raadso Caawimo Xirfad-yaqaan

Noloshu waa qori-isu-dhiib, u hawl gal sidii aad u korin lahayd noloshaada una horumarin lahayd korriinkaaga. Kordhi xirfadahaaga iyo aqoontaada adiga oo ka faa’iidaysanaya dadyowga kugu xeeran. Dadka xirfadaha le way ka dhiirran yihiin oo ka kalsooni badan yihiin kuwa aan lahayn; ku dadaal in aad noloshaada ku qalabayso xirfado iyo aqoon.

 

   Xusuusnow in fikirka togan uusan ahayn in la iska indhatiro xaqiiqada ama in la diido shucuurta taban. Waxay ku saabsan tahay doorashada inaad diirada saarto dhinacyada wax dhisaya, kor u qaadaya nolosha oo kobcinaya. Adigoo si joogto ah u dabaqaya xeeladahan, waxaad kobcin kartaa noloshaada iyo hab fekerkaaga. Qabso awoodda fekerka togan oo daawo sida ay u beddesho adduunkaaga. Ha is dhiibin oo u dhabar adayg maalmaha adag, kuna dadaal in aad kaga baxdo feker toolmoon.

 

--------------------------------------------------------      

Guuleyso      

Xuquuqda Qoraalku waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.      

Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]       

Tixgelin.    

--------------------------------------------------    

Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)    

Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs    

(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164