Jahawareerka Guddaha!

Dunida casriga ah, jahawareerka gudaha (Internal Distractions) wuxuu noqday caqabad weyn oo saameyn ku leh waxbarashada, shaqada, iyo nolosha qofka guud ahaan. Dad badan ayaa la tacaala jahawareer joogto ah oo ku  yimaada maskaxdooda, taasoo sabab u noqota in waqti badan lumiyo ama uu waayo wadada saxda ah ee nolosha. Islaamku wuxuu ina barayaa xalal dhameystiran oo qofka ka caawinaya inuu la dagaallamo jahawareerka oo uu diiradda saaro waxyaabaha muhiimka ah.

Waa maxay jahawareerka guduhu?

Jahawareerka gudaha waa fikraddaha is-daba joogga ah, werwerka, daalka, ama dareenada nafsiyeed ee qofka ka mashquuliya hawlaha muhiimka ah ee uu qabanayo. Waxaa lagu gartaa qofka oo dareemaya in maskaxdiisu ay aad ugu mashquulsan tahay waxyaabo aan la xidhiidhin waxa uu qabanayo. Jahawareerkan wuxuu sababi karaa waqti lumis, hoos u dhaca waxqabadka, iyo waliba murugo nafsiyeed.

Sababaha ugu weyn ee jahawareerka gudaha

1. Fikir is-daba joog ah

Marka qofku uu si joogto ah uga fikiro waxyaabo aan hadda muhiim ahayn, wuxuu luminayaa feejignaan. Tani waxay sababtaa in maskaxdu ku mashquusho xasuus hore, werwer mustaqbalka la xidhiidha , ama waxyaabo kale oo aan muhiim ahayn waqtigaas.

  • Tusaale: Arday isku dayaya inuu wax akhriyo balse maskaxdiisu dib ugu celisay  xasuuso hore ama dhibaato hore ugu dhacday oo saamayn kureebtay .

2. Werwer iyo cabsida mustaqbalka

Dad badan ayaa werwer ka qaba mustaqbalka, shaqadooda, ama xaaladooda nololeed, taasoo sababi karta jahawareer joogto ah.

  • Tusaale: Shaqaale ku jira hawl muhiim ah oo halkii uu diiradda saari lahaa shaqadiisa, ay maskaxdiisu ku mashquulsan tahay deynta lagu leeyahay ee laga rabo.

3. Daal iyo xanuun

Hurdo la’aan, gaajo, ama caafimaad darro waxay keeni karaan jahawareer. Marka qofku uu daalan yahay, ma awoodo in uu si fiican u fikiro ama diiradda u saaro hawlaha muhiimka ah.

  • Tusaale: Qof xanuunsan oo isku dayaya inuu waxbarto, balse aan awoodin inuu diiradda saaro (focus).

4. Murugo iyo xaalado nafsi ah

Cadaadiska maskaxda iyo murugadu waxay sababaan in qofku noqdo mid jahawareersan. Marka qofku niyad jab dareemo, ma awoodo inuu diiradda saaro shaqadiisa ama waxqabadkiisa.

  • Tusaale: Qof la tacaalaya murugo nafsiyeed oo shaqadiisa ama waxbarashadiisa aan si wanaagsan uga shaqeyn karin.

Xalka Islaamka ee jahawareerka gudaha

Islaamku wuxuu bixiyaa xalal nafsi ah oo qofka ka caawinaya inuu la tacaalo jahawareerka, kuna hagaajiyo maskaxdiisa. Waxaa ka mid ah:

1. Xuska Ilaahay (Dhikr & Duco)

Xuska Ilaahay waa habka ugu fiican ee lagu dejiyo qalbiga. Marka qofku si joogto ah Ilaahay u xuso, qalbigiisu wuu xasilloonaanayaa, wuxuuna yareynayaa werwerka iyo jahawareerka.

  • Qur’anka:"Ogaada xuska Ilaahay qalbiyada ayaa ku xasila." (Surat Ar-Ra’d: 28)
  • Xalka: Akhri oo joogtee adkaarta subaxii, galabtii iyo huradada, akhri Qur’anka, kuna xidh naftaada cibaadada.

2. Salaadda iyo xasilloonida nafsiyeed

Salaaddu waa mid ka mid ah hababka ugu muhiimsan ee qofka maskaxdiisa hagaajisa, jahawareerkana yareeya. Marka si wanaagsan loo tukado, qofku wuxuu dareemayaa daganaan iyo raaxo nafsi ah.

  • Qur’anka:"Salaadu waxay reebtaa xumaanta iyo munkarka." (Surat Al-Ankabut: 45)
  • Xalka: Ku dedaal salaadda waqtigeeda, gaar ahaan Salaadda subax si aad maalintaada si sax ah u bilowdo.

3. Tawakkulka iyo is-dejinta nafeed

Islaamku wuxuu ina barayaa in aan Ilaahay talo saarano, halkii aan ka werweri  lahayn nolosha. Tawakkulku wuxuu qofka ka dhigaa mid deggan, una ogolaanaya inuu diiradda saaro waxqabadkiisa.

  • Qur’aanka:"Ruuxii Ilaahay talo saarta, wuu ku filan yahay." (Surat At-Talaq: 3)
  • Xalka: Ha ka welwelin wax aadan xakamayn karin, wax walba u daa Ilaahay, adiguna dedaal samee oo ha is dhigan .

4. Maareynta waqtiga iyo ka fogaanta caajiska

Qofka si wanaagsan u maareeya waqtigiisa wuxuu si fudud uga fogaadaa jahawareerka gudaha. Islaamku wuxuu dhiirrigelinayaa in qofku qorsheeyo maalintiisa si uu uga fogaado caajiska iyo waqti lumiska.

  • Xadiis: Nabigu ﷺ wuxuu yidhi: "Labo nicmo oo dadku ku dagmaan (kadsoomaan) waa labada nimco ee caafimaadka iyo firaaqada." (Bukhari)
  • Xalka: Samee jadwal cad oo aad ku maamusho hawlahaaga si aad uga fogaato jahawareerka iyo caajis.

5. Caafimaadka jidhka iyo maskaxda

Caafimaadka wanaagsan wuxuu door muhiim ah ka ciyaaraa xakamaynta jahawareerka. Islaamku wuxuu ina farayaa in aan daryeelno jidhkeena, isla markaana aan dheelitirno hurdada iyo cuntada.

  • Xadiis: Nabigu ﷺ wuxuu yidhi: "Bani’aadamku ma buuxiyo weel ka xun ama ka shar badan calooshiisa." (Tirmidhi)
  • Xalka: Cunto dheeli tiran cun, hurdo kugu filanna seexo si aad u hesho maskax firfircoon.

Jahawareerka gudaha waa dhibaatooyinka  nafsiga ah ee qofka ka mashquulin kara waxyaabaha muhiimka ah ee noloshiisa, sida waxbarashada, shaqada, iyo cibaadada. Waxaa sababa fikirka badan, werwerka, daalka, iyo xaaladdaha nafsiyeed. Islaamku wuxuu bixiyaa xalal cad oo qofka ka caawinaya inuu la dagaallamo jahawareerka, kuwaas oo ay ka mid yihiin xuska Ilaahay, salaadda, tawakkulka, maareynta waqtiga, iyo daryeelka caafimaadka.

Haddii qofku hirgeliyo mabaadi’da Islaamka, wuxuu noqon karaa mid xasiloon oo degan, taasoo u horseedi kara guul iyo horumar nafsiyeed. 

Guuleyso!  

Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.     

Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]      

Tixgelin.

--------------------------------------------------    

Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)

Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs    

(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164