Maxaa Kuu Qorshe Ah Sannadka Cusub Ee 2022?

Mar 19, 2021 by somalijobs inc

Maxaa Kuu Qorshe Ah Sannadka Cusub Ee 2022?

Haa, waa mar kale iyo sannad cusub iyo fursad Illaahay SWT ku siiyay – imisaaa saaxiib & ehel aynu jeclayn fursadan aad hadda haysato ee aad qoraalkan ku akhrinayso aan haysan. Sannad kasta oo innoo bilawda waxaynu filanaa rajo cusub iyo yididiilo cusub oo ah – In Sha Allah sannadkan ayaad wax badan gaadhi doontaa, wax badan aad hanan doontaa ogolaansha Illaahay dartiis.
Fursada Illaahay SWT ku siiyay – waa lama huraan in aad si heersare ah u qorshayso sidii aad uga faaiidaysan lahayd inta aad wakhti ku leedahay. Illaahay SWT wuxuu innoo sheegay in lagu waydiin doono waxa aad ku qabatay wakhtigaagii qiimaha lahaa ee lagu siiyay. U diyaar garowga aakhiro & u tabcashada quudashada xaalasha ee Illaahay inna Faray.

Ka waran haddii sannad ku soo galo oo uu baxo adigoon waajibaadkii Illaahay iyo wax taransigaagiiba aan wanaajin. Waxaa lama huraan ah si aad guul aakhiro iyo mid adduunyo ba aad u hannato in aad wakhtiga qaaliga ah ee Illaahay ku siiyay aad ka faaiidayso, qorshayso isla markaana aad ku dadaasho sidii aad ugu socon lahayd qorshahaasi.
Looma baahna in aad dajisato qorshayaal aad ogtahay in ay fashilmayaan, ama aadan gaadhi karayn culayskooda. Talaabooyinka hoos ku qoran waa suuro gal in ay kaa caawiyaan in aad la timaado qorshayaal aad gaadhi karto idanka Eebbe.


HADBA HAWL QORSHAYSO OO QABO
Haddii aad oonayso in aad hab nololeed kaaga aad wax ka badasho ama aad hiigsi rabto in aad sannadkan gaadho – ha isku qaadin qorshayaal badan ee hadba hal shay qorshayso/bedel. Tusaale, haddii aad doonayso in aad sannadkan barrato tafsiirka Quraanka & Xifdiga quraanka – waxaa suuban in aad hadba hawl qabato oo aad marka hore Xifdiga ama Tafsiirka Quraanka aad meel ku tiiriso.
Haddii aad ogtahay in Luqada ingiriisigu tahay caqabad kaa hor taagan in aad shaqo heer sarre ah aad hannato, ku dadaal sidii aad qorshahaasi oo kali ah horta u hannan lahayd – adigoon qorshayaal kale aan isku qaadayn si aysan kaaga baahin.
Qorshahaagu ha noqdo wax aad gaadhi karto iyo isbedel ka aad samaynayso oo ah mid aad garanayso. Haddii aad hiigsiga koowaad ama isbedelka hore ee aad qorshaysatay in aad samayso aad ku guulaysato, mid kale ayaad hore ka bilaabi kartaa, adigoo hadba isbedel yar & talaabo deggen qaadaya.


HORE KA QORSHAYSO
Talo saarashada Illaahay SWT kaddib, si aad u hubiso/cabiri karto guusha aad qorshaynayso hannashadeeda isku day in aad xog ka hesho isbedelka aad samaynayso iyo siyaabaha lagu gaadhi karo kaddib hore ka qorshayso marka ay wax waliba kuu cadaadaan ee aad meel dhigato dhamaan waxyaabihii kaa caawinayay hanashadaasi.
Guusha qorshayso – wax kasta oo aad u baahan tahay diyaarso si talaabooyinka aad qorshahaaga ku halabsanaysaa aysan u noqon ku turunturo iyo qodxo badan. Haddii aad tartan orod u baxayso, isku day in aad haysato tabobarihii & agabkii orodka – taasi waxay ka hor tagaysaa cudur daar oo dhan.


CAQABADAHA IMAN KARA KA SII FIKIR
Hiraal & qorshe kasta oo la rabo in la hanto, waxaa ka hor iman kara caqabado & turunturooyin hakad galin kara. Ka fikir kuwa hiigsigaaga is hor taagi kara si aad uga sii gaashaamato. Marka aad caqabadahaasi aad yaqiinsato, waa hubaal in aad shaqo adag, Samir, dadaal & talo saarasho Illaahay aad kaga gudbi doonto.
WAKHTIYEE QORSHAHAAGA
Hawl & hiigsi kasta oo aadan u samayn wakhti cayiman oo ay tahay in aad bilawdo ama aad ka midho gaadho, wuxu noqon hiigsi laab la kac ah oo  aadan cabiri Karin gaadhidiisa.


QAAD TALAABADA KOOWAAD
Kaddib markaad gabo-gabayso qorshaynta talaabooyinka aad ku gaadhayso hiigsigaaga, qunyar bilaw hawl qabad ka adigoo maalin kasta oo soo idlaata cabiraya isla markaana isla xisaabtamaya. Maxaa ii qabsoomay maanta? Maxay u qabsoomi waayeen? Iyo Maxaa maanta ii suuro galiyay in aan guusha hadafkii aan maanta lahaa aan gaadho?


GUULDARADA & CAQABADAHA AQBAL
Haddii aad qorshe aad rabtay in aad gaadho aad hannan waydo, ha niyad jabin, guusha ayaa wadata turun turada & caqabadaha. U babac dhig sidii aad caqabadaasi uga gudbi lahayd, marka aad dhaaftana meel ku qoro sababta keentay iyo sida aad caqabada uga baxday, si aysan markale kuugu soo laaban.


Haddii aad ogtahay in waraysi shaqo oo aad gashaba aad naxdin iyo baqe aad shaqadaasi ku waydo. U diyaar garow sidii aad caqabadaasi uga bixi lahayd adigoo sii tabo-baranaya, naxdinta la kulanka dadka badan eek u dhagaysanayana u diyaar ah in aad iska reebto.
Ka go’naanshiyaha in aad hawl ka gudubtaa waa furaha guusha. Isku day oo ku cel celi in aad isku daydo sidii aad kalsoonidaada u heli lahayd, ugu dambayn waa hubaal in aad guul gaadhi doonto eh.


QORSHAYSO ABAAL MARINO
Guulaha ay naftaadu gaadho kaddib, waa muhiim in aad nafta abaal marisaa. Fasax yar oo aad magaalo aad jeceshahay u qaadato, adigoo dabaal taga ama adigoo goob aadan hore u tagi jirin oo xiiso kuu leh gaadha – si ay naftu u dhadhamiso midha guulihii iyo qorshayaashii ay hannatay.


Gabo-Gabadii, Hiigsiyadaadu ha noqdeen kuwo cayiman, la cabiri karo, oo la gaadhi karo, xaqiiqna ah isla markaan wakhtiyaysan.
Wax kasta oo hiigsigaaga sannadka 2022 uu ahaa, waxaan kuu rajaynayaa nasiib wacan iyo in Illaahay SWT kugu guuleeyo hanashada hiigsiyadaada. Xusuusnow, noloshu waa qadar & qayb Illaahay SWT uu qaybiyay.
Ugu dambayn, go’aanso waxa aad qabanayso 2022 In Sha Allah. Qorshayso sidii aad ku gaadhi lahayd kaddib ku dhaqaaq. Waa hubaal in aan ku farxayno farxadaada iyo halabsiga hiraaladaada.

Xuquuqda Qoraalku waxa ay u dhowrsantahay @Somalijobs INC.
Lama ogola idan la'aan in la qaato.

Tixgelin