chat account_circle
  • chat
  • Somalijobs Inc
    Somalijobs Inc

    10 Cashar: Buugga Caadooyinka Ilimaqabatay Ah.

    Markiiba waxa ishaadu ku dhacaysaa isbeddello yaryar; natiijo aad u aydo oo figta sare kaga qoran dhiganaha caadooyinka illimaqabatay ah. Hab fudud oo la xaqiijiyey in aad ku dhisi karto caadooyin wanaagsan, kuna joojin karto caadooyin xun oo uu qoray Jaymims kaleer Ingiriisi ku noqonaya Aromic Habit. Waxa Af-soomaali kusoo turjumay Maxamed Sharma'arke.

    Casharada ku jira waxa kamid ah:

    1. Isbarasho

    Buugga akhriskiisu wuxuu kuu dirayaa layli ah inaad hoos ugu dhaadhacdo naftaada si aad u ogaato caadooyinkaaga kuwa wanaagsan iyo kuwa liita ee aad leedahay. Waa kahor intaan la isla gaadhinba qaybaha ugu muhiimsan dhiganaha oo ah xeeladaha aad ku dhisan karto caadooyin wanaagsan oo aad meesha uga saari lahayd kuwa liita.

    2. Nidaam

    Buuggu wuxuu aad u boorinayaa in akhristuhu dhisto nidaam joogto ah. Waxa saldhig u ah maalinkasta hal boqolkiiba ka fiicnow shalay. Habka kaliya ee nidaamkaasi ku dhismayaana waa in qofku doorto caadada uu rabo inuu dhisto, wakhti u sameeyo, maalinkasta talaabo ku daro ilaa inta caadadaasi u noqonayso habdhaqan uu qabatimo ilaa heer aad gaadho inaad qabato adigoon is ogayn sida jimicsiga (Gym), akhriska, qoraalka iwm.

    Tusaaleyaal aad u qiimo badanbaa ku jira oo ay kamid yihiin kooxo ku matalayey waddanka ingiriiska tartanka baaskiiladaha oo muddo kaalmaha u danbeeya galayey. Balse markii ay heleen hoggaamiye ku dabaqay xeerka buuggan ee ah hal boqolkiiba ka fiicnow shalay gaadhsiiyey inay 2 sanno oo isku xiga markii ugu horeysay ay qaadaan tartanka baaskiiladaha yurub. Waa midkamida sheekooyinka xiisaha leh ee ku jira buugga.

    3. Xeerar

    Qoraagu wuxuu soo bandhigayaa xeerar si fudud kaaga caawinaya abuurashada caadooyin wanaagsan iyo meesha ka saarista kuwa liita ee aad leedahay. Xeerarkaa waxa kamid ah:

    Xeerka abuurashada caadooyinka wanaagsan

    Xeerka 1aad: Madmadowga ka saar

    Xeerka 2aad: Xiise u yeel

    Xeerka 3aad: Fududee

    Midkasta qorshaha aad u raaceyso oo hogo tusaaleyn wanaagsan lehbaad ugu tagaysaa buugga.

    4. Deegaanka/Bay'adda

    Arrimaha buuggu xusayo waxa kamid ah saameynta bay'adda aad ku jirtaa kuleedahay caadooyinkaaga. Tusaale, Cilmibaadhis muhiim ahayd oo 12,000 oo qof noloshooda lagu daraaseynayey muddo 32 sannadood ah, waxa lagu ogaaday,'' Haddii midkamida saaxiibadaa uu u naaxo si xad dhaaf ah, halista aad sidiisa ku noqon kartaa waxay kor u kacaysaa boqolkiiba 57%.''

    Cilmibaadhiso badan iyo saameynta deegaanka aad ku jirto ayaad ugu tegaysaa buugga.

    5. Go'aanka

    Mararbadan go'aamo aynu qaadannaa sidii la rabay uma shaqeeyaan. Badi waxaynu aragnaa shay aynu xiise u qabno inaynu muddo sidaas ku wadno balse maalmo kaddib waxa suuregal ah inaynu halkaa kaga dhaqaaqno ama dib ugusoo noqono caado aynu go'aan ka gaadhnay. Nidaamyada buuggu soo bandhigayaa waxay sees u noqon karaan in go'aanadaadu u hirgalaan sidaad u rabto.

    6. Xulashada

    Xulashada caadooyinka, wakhtiga iyo deegaankuba waxay saameyn ku leeyihiin natiijada aad filanayso. Hababka aad isugu xidhi karto saddexdaas xulasho iyo natiijada ayuu sidoo kale qoraagu soo bandhigayaa. Waxay yaraynaysaa caqabadaha aad ku abuuran karto caado wanaagsan, midkale oo aad rabto inaad iska jartona way fududaynaysaa. Tusaale, Haddii baraha bulshadu wakhti badan kaa qaataan xulo caado kale oo aad ku buuxiso wakhtigaa sida akhriska buug ama xirfad cusub inaad barato, Kaddib abaalmari naftaada.

    7. Caqabadaha

    Isbarashada kaddib ogaanshaha caqabadaha jira ka gudubkeedu waxay u baahantahay inaad naftaada tababarto. Habka ugu wanaagsan ee aad ku tababari kartaana waa dhisashada nidaam maalinle ah oo aad si fudud meesha uga saari karto. Qoraagu markuu ka hadlayo habka aad u dhisi karto caado wanaagsan wuxuu tibaaxayaa xeerar wax ku ool ah sida inaad madmadowga ka saarto, xiise uyeesho oo aad fududeyso. Kuwa xunxun si aad meesha uga saarto xeerarkale ayuu kuusoo bandhigayaa.

    8. Yoolka iyo Nidaamka

    Qofkastaa hadaf wuu yeelan karaa ama qoran karaa balse qofkastaa ma gaadhi karo. Qoraagu wuxuu dhiirigelinayaa si qofkastaa hadaf u gaadho inuu nidaam sameyso si maalinkasta ruuxu hal talaab hore u qaado gaadhista yoolkaas. Arrimaha uu kasoo horjeedo waxa kamid ah dhiirigelinta aan geedkaa ku gaadhsiineyn ee qofku wakhtiga iskaga lumiyo isagoo dhisan kara nidaam habboon oo maalinkasta hal boqolkiiba kaga fiicnaan karo shalay. Tusaale, Soo ururinta wakhtiga aad ku samayn karto caado, jeer oo aad gaadhsiiso heer aad laba daqiiqo ama wax ka sii yar ku samayn karto.

    9. Wakhtiga

    laba daqiiqo caado aad ku sameyn karto inaad joogteysaa waxay qaabeynaysaa noloshaada. Tusaale, Haddii aad rabto inaad jidhkaaga xoojiso, laba daqiiqo imisa push-up ah ayaad ka jari kartaa. saddex bilood haddii aad subax kasta markaad hurdada ka kacdo aad sameyso qaab nooceeya ayuu jidhkaagu u eekaanayaa. Laba daqiiqo imisa bog baad akhrin kartaa haddii xawaaraha akhriskaagu sareeyo. laba daqiiqo fariin hawl-daadejin ah (delegation) ma ugu diri kartaa cid kula shaqeysa. Ka bilow wakhtigaa ugu yar waa midkamida casharada ku duugan dhiganahan.

    10. Dhinacyo badan

    Casharada aad ka barato akhriska buuggan waxaad ku hirgelin kartaa dhaqammo iyo nidaamyo habboon oo cusub. Kuwaasoo noloshaada isbeddel weyn ku keeni kara. U adeegso xeerarka dhiganahan ku qoran dhinacyada noloshaada ee u baahan hagaajinta sida cibaadada, waxbarashada, dhaqaalaha iyo noloshaada oo dhan.

     

     

    Guuleyso!    

    Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.     

    Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]      

    Tixgelin.

    --------------------------------------------------    

    Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)    

    Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs    

    (IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164