Muhiimada Ay Leedahay Hadaf Dejintu
Jul 16, 2023 by

Muhiimada ay leedahay hadaf dejintu
Dejinta hadaf saamayn le waxay la xidhiidhaa, qabashada waxyaabo badan oo kala duwan, taas oo kuu dhawaynaysa hadafka weyn. Waxa sidoo kale muhiim ah qofku in uu lahaado hadafyo iyo ujeedooyin cadcad.
Cilmibaadhis ay sameeyeen baadhayaal ka tirsan jaamacadda Harvard University, ayaa qaar ka mida ardayda waydiiyay: in ay leeyihiin ujeedooyin cadcad oo ay doonayaan in ay xaqiijiyaan. 84% (boqolkiiba afar iyo sideetan) ardaydii waxay sheegeen in ay leeyihiin ujeedooyin cadcad. 13% (boqolkiiba saddex iyo toban) waxay iyaguna sheegeen in ay leeyihiin ujeedooyin, se aanay u qornayn; halka dhinaca kalena 3% (boqolkiiba saddex) ay sheegeen in ay leeyihiin ujeedooyin cadcad una qoran yihiin. Toban sanno kadib baadhayaashu waxay heleen in noloshoodu ka qummansanayd kuwa ujeedadoodu qornayd, marka loo eego kuwa aanay ujeedadoodu qornayn. Halka kuwii aan lahayn wax ujeedooyin ah aanay waxba u qabsoomin.
Si aynu taas uga hortagno waa in aynu dejinaa hadafyo la gaadhi karo, la xaqiijin karo, sidoo kalena la rumayn karo. Qodobadan soo socda oo aad dabaqdaa waxay kugu hagi karayaan kaana caawin karayaan, in aad gaadho hadafkaaga.
Qeex Ujeedadaada
Talaabada koowaad ka bilaw in aad qeexdo waxa aad doonayso, sidoo kalena aad si khaas ah u sii sheegto waxyaabaha ay tahay in aad qabato, meelaha aad u baahan tahay in aad horumariso, awoodayso sidoo kalena aad korriin ku samayso.
Ka Dhig Mid La Cabiri Karo
Marka aad hesho hal shay, laba shay ama saddex shay oo aad ku fiican tahay; ku dadaal in uu noqon karo mid la gaadhi karo lana cabiri karo. Tanina waxay kaa caawinaysaa in aad dareen ahaan awoodaysato, oo aad mar kastana ku fekerto in aad hayso wadada shay la gaadhi karo.
Jedweleyn
Arrin kasta oo aad qabanayso u go’aami waqti aad ku qabato, oo aad gaadho hadafkaas. Tix geli mar kasta qodobada aad samaysato, adiga oo raacayana wadooyin kaaga.
Qayb-Qaybi
U qaybi hadafkaaga weyn kuwo yaryar, kuwaas oo la maamuli karo, la gaadhi karo, sidoo kalena wax laga qaban karo. Tani waxay kaa caawinaysaa in aad ahaato mid mar kasta diiradda saara hal shay.
Qeex Caqabadaha
Isku day in aad qeexdo caqabadaha ku haysta, kuwaas oo hoos u dhigaya safarkaaga. Tan oo aad aqoonsataa waxay kaa caawinaysaa, in aad aqoonsato sidoo kalena aad kordhiso awoodaha aad kaga guulaysan karto wax kasta oo dib kuu dhigaya.
Wax-Qabad
Ku dadaal in aad maalin kasta wax ku darto mashruucaaga, sidoo kalena aad ku samayso korriin. Mar kasta oo talaabo hore u qaado waxaa iyana la kordhaysa fursadda aad ku gaadhi karayso hadafka weyn.
Ugu dambayn xasuusnow dejinta hadafyada cadcadi, waxay kaa caawinayaan in aad ahaato qof adag, sidoo kalena haysta wadadiisa. Arrinkan oo aad diiradda saarto, joogtayso, sidoo kalena aad ku celcelisaa waxay kaa caawinaysaa in aad talaabooyin badan hore u qaad, kordhisana fursadda guushaada.
--------------------------------------------------------
Guuleyso
Xuquuqda Qoraalku waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.
Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]
Tixgelin.
--------------------------------------------------
Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)
Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs
(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164