Shuraakada!

Waa nidaam ay laba ama in ka badan oo dhinac ahi ku midoobaan iyagoo doonaya inay si wadajir ah u gaadhaan ujeeddo ganacsi ama mashaariic waxtar leh. Waxay u baahan tahay wadaagis xulasho, masuuliyad, iyo faa'ido. Shuraakadu waxay faa’idooyin badan leedahay marka ay dhinacyadu isku halleeyaan, iskaashiga adag iyo xidhiidhka joogtada ahna lagu ilaaliyo.

Diinta Islaamku waxay dhiirrigelisaa shuraakada, gaar ahaan marka ay ku salaysan tahay caddaalad iyo kalsooni. Islaamku wuxuu si gaar ah ugu baraarujinayaa shuraakooyinka ku salaysan isfaham iyo in dhinacyadu si caddaalad ah oo waafaqsan diinta u wada shaqeeyaan. Waxaa jira qiyam iyo qodobo Islaamku aad uga digayo sida in aan xad la’aan loogu xadgudbin hantida shuraakada oo la ilaaliyo xuquuqda qof kasta oo ku lug leh.

Faa'idooyinka

1.     Kordhinta ilaha dhaqaale: Shuraakadu waxay keentaa kordhinta khayraadka, taas oo u suuragelinaysa ganacsiga inuu faa'ido dheeraad ah gaadho.

2.     Kala duwanaanta khibradaha: Marka dhinacyo kala duwan wada shaqeeyaan, waxay keenaysaa in la wadaago khibrado kala duwan oo wax ku ool ah.

3.     Fursado cusub oo suuq-gal ah: Shuraakadu waxay u sahashaa dhinacyada inay si sahlan u galaan suuqyo cusub, maadaama ay heli karaan taageero wadajir ah.

4.     Khatarta oo la yareeyo: Khatarta ganacsiga ayaa la qaybsanayaa, taas oo yareyn karta culeyska mid ka mid ah dhinacyada.

5.     In la wada horumariyo aqoonta iyo kartida: Shuraakadu waxay u ogolaataa dhinacyada inay iska kaashadaan kobcinta aqoonta iyo xirfaddaha.

Si shuraakadu u guuleysato qodobadan hoose in maskaxda lagu hayaa waa muhiim:

1.     Isku halaynta iyo kalsoonida: Waa in la hubiyaa in dhinacyadu ay ku kalsoonyihiin isla markaana isku halleyn karaan midba midka kale.

2.     Ujeeddo wadajir ah: Waa muhiim in dhinacyadu si cad oo waadax ah u go’aamiyaan ujeeddada ay ka leeyihiin shuraakada.

3.     Dhaqanka iyo qiimaha ganacsi: Waa in dhinacyada ay isku waafaqaan qiimaha iyo dhaqanka guud ee ganacsiga.

4.     Kordhinta shaqada iyo mas'uuliyadda: Waa in si caddaalad ah loo qaybiyo shaqada iyo mas'uuliyadda si mid kasta uu si wanaagsan ugu lug yeesho.

5.     Qorshaha maaliyadeed: Waa in laga heshiiyo qaybinta faa'idooyinka iyo khasaarahaba.

6.     Dib u eegid iyo xaqiijin joogta ah: Si looga fogaado isfaham waa in dib u eegis joogto ah lagu sameeyo heshiisyada iyo qaab dhismeedka shuraakada.

Heshiisyada ku saabsan shuraakadu waa kuwo muhiim ah, waxayna dhigayaan xeerarka iyo waajibaadka dhinacyada wada shaqeynaya. Waa in heshiis lagu qoro meel gaar ah, oo ay ku jiraan qodobo cad oo ku saabsan:

  • Mas'uuliyadda dhinacyada
  • Qaabka faa'idooyinka loo qeybsanayo
  • Habka xallinta khilaafaadka
  • Xaaladdaha uu ku dhammaan karo heshiiska shuraakadu.

Mustaqbalka ganacsiga shuraakadu waa mid sii kordhaya, gaar ahaan marka loo eego koritaanka mashaariicda kala duwan ee wadaag ah, gaar ahaan kuwa ku lug leh hal-abuurnimo iyo teknoolojiyadda. Shuraakooyinka cusub waxay u sahlaan ganacsiyada inay helaan karti iyo xirfado dheeraad ah oo ka caawinaya inay isbeddelada suuqa ula jaanqaadaan si sahlan.

Sheekooyinka guusha ee shuraakada ganacsi waxaa ka mid ah tusaalayaal badan oo adduunka ka jira, kuwaas oo ay ugu horreeyaan ganacsiyo ay wada aasaaseen saaxiibo, qoysas ama asxaab isku halleyn iyo kalsooni leh. Waxay tusaale u noqdaan habka loo sameyn karo shuraakooyin waxtar leh oo ku salaysan himilooyin iyo aqoon wadaag.

Waxaad ka faaiidaysan kartaa shuraakooyin guuleystay oo ku saleysan qiyam cad iyo wadaagid xaqiiqo ah oo dhinacyadu ku qanacsan yihiin. Markaad sidaas sameyso, waxaa la hubaa in mustaqbalkaagu uu noqon doono mid waxtar leh oo sii wanaagsanaanaya.

Tusaale1,

Maxamed iyo Axmed ayaa go'aansaday inay bilaabaan ganacsi iibka dharka ah. Maxamed wuxuu ku fiicnaa dhinaca maareynta maaliyadda iyo qorsheynta, halka Axmed uu aqoon iyo xirfad u lahaa suuq-geynta iyo la macaamilka macaamiisha. Waxay ku heshiiyeen in ay xooggooda isku daraan, si wadajir ahna ay u gaadhaan himiladooda ganacsi.

Dedaalkooda waxaa ku lifaaqnaa heshiis adag oo qeexaya masuuliyadda mid walba, qaybinta faa'idooyinka, iyo habka xallinta khilaafaadka. Kadib bilow adag, waxay si wanaagsan uga qeyb galeen suuqa, waxayna heleen macaamiil daacad ah. Shuraakadoodu waxay noqotay mid guul leh oo ku baahday magaalooyin kale. Sababta guushooda waxaa ugu muhiimsanayd inay lahaayeen qorshe cad, kalsooni iyo xushmad ka dhexeysa, taas oo ay ku xallin jireen caqabad kasta oo soo wajahda.

Tusaale2,

Cali iyo Xasan ayaa bilaabay shuraako ganacsi oo ku saabsan cuntada fudud. Balse, markii horeba heshiis rasmi ah kama dhexeynin, mid walba wuxuu u maleynayay inuu yahay qofka ugu saameynta badan ee ganacsiga. Cali wuxuu rabay inuu ganacsiga balaadhiyo oo uu badeecado cusub soo kordhiyo, halka Xasan uu door bidayay inuu joogteeyo wax soosaarkaa oo keliya. Khilaafkooda oo sii xumaaday ayaa keenay kala qeybsanaan iyo kalsooni darro.

Waxaa jirtay in mid kasta uu dareemayay inuusan ka helin xaqii uu mudnaa, maadaama uusan heshiis cad u dhaxeynin oo qeexaya qaybinta faa'iidooyinka iyo khasaariyada. Muddo kadib, ganacsigoodii wuu burburay, waxaana sabab u ahaa maamul la'aan, kalsooni darro iyo heshiis la'aanta ku saabsan masuuliyadda iyo qaybinta faa'iidooyinka.

Casharada laga baran karo

  • Shuraakooyinka guuleysta waxay ku dhismaan heshiis cad, kalsooni, iyo wada-shaqeyn dhab ah oo dhinacyadu ay ku qanacsan yihiin.
  • Shuraakooyinka guuldareysta badanaa waxaa sabab u ah khilaaf ku saabsan xakamaynta ganacsiga, heshiis la'aan iyo kalsooni darro.
  • Marka hore ka fikir sidii aad heshiis cad u dejin lahayd, xaqiiji in ujeeddooyinka iyo aragtidaada ganacsi ay is waafaqsan yihiin, si looga hortago khilaafaadka mustaqbalka.

 

 

Guuleyso!    

Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.     

Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]      

Tixgelin.

--------------------------------------------------    

Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)    

Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs    

(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164