Daryeelka Nafta

Daryeelka nafta waa qayb muhiim ah oo ka mid ah qaadashada mas'uuliyaddaada naftaada. Waa habka aad naftaada u ilaalinayso jidh ahaan, maskax ahaan, iyo shucuur ahaanba, si aad ugu noolaato nolol caafimaad leh oo farxad leh. Halkan waxaa ku wadaagi doonna xeelado muhiiu ah daryeelka nafta ah:

Daryeelka jidhka

Waxa saameyn kuleh jidhkaaga  nooca cuntada aad cunayso, hurdadada aad seexanayso, biyo cabistaada, nadaafaddaada iyo hab nololeedkaagaba. 

Cunto caafimaad leh: Cunto isku dheelitiran oo hodan ku ah khudradda, midhaha, borotiinka, iyo dufanka caafimaadka leh cun. Ka fogow cuntooyinka warshadaysan iyo kuwa sokorta badan leh. Xannuunnada tiro beelka ah ee kusoo kordhay bulshadeennu waxay ka imanayaan hab nololeedkeenna cunto. Fiiro gaar ah u yeelo cuntadaada iyo ta qoyskaagaba idinka oo dooranaya cunista cunto cusub oo aan muddo badan kayd ku jirin, way ka hortagaysaa qaadista xannuuno badan oo ka dhasha kiimikooyinka lagu ilaaliyo cuntooyinka lasoo dhoofiyo si ay kayd  bilo ama sannado ah ugeli karaan. 

Calooshaada oo cunto hore ku jirto, haku darin cunto kale. Halka xannuunku ka bilaabmaa waa halkaa. Sidoo kale haku seexan  cuntada, haddii aad hurdo nasasho leh qaadanayso yara seexo ka hor inta aanad wax cunin kaddib usoo kac oo wax cun. 

Jimicsi joogto ah: Samee jimicsi joogto ah, sida socodka, orodka, yoga, ama jimicsiga jidh-dhiska. Jimicsigu wuxuu caawiyaa caafimaadka wadnaha, murqaha, iyo maskaxda. Maadaama oo tayada cuntadeena fari ku godantahay waa lagama-maarmaan inaad maalintii ugu yaraan 15 daqiiqo jimicsi sameyso, si aad u gubto cuntadii jidhkaaga soo gashay.  Haddii fadhigaagu ka badanyahay socodkaaga waxaad khatar ugu jirtaa xannuun oo dhan iyo inay lafahaagu daataan oo xataa bir lagugu xidhi kari waayo adiga oo da'yar, marka aad maalin oo dhan qaboojiye hoos fadhido. Yaanay kusoo marin 24 saacadood oo aanad jimicsi sameynin.

Soonka badso: Bar naftaada adkaysiga, laqabsiga, cibaadada iyo dawada asalka ah ee Nebigu SCW innagu dhiirigeliyey joogteynteeda.  Kaliya ma aha inaad Ilaahay ugu dhawaanayso, cibaadeysanayso balse waxa la cusboonaysiinayaa xubnaha ama seliska jidhkaaga ee daalay, waxa kuu abuurmaya kuwo cusub. Qofba qofka uu ka soon badanyahay wuu ka da' yaryahay kana caafimaad badanyahay.  Bishii Isniinaha iyo khamiisaha ka soon oo joogto hakuu noqoto in sha allah. 

Hurdo ku filan: Hubi inaad hesho hurdo kugu filan habeen kasta. Dadka waaweyn badanaa waxay u baahan yihiin 7-9 saacadood oo hurdo ah habeenkii. Hore useexo oo hore usoo toos oo yaan xayawaanka diigga layidhaa kaa badin hurdo habarba korin waydaye.

Cab biyo badan cadceedda u bax: Cab biyo kugu filan maalintii si aad u ilaaliso fuuq-baxa jirkaaga. Cadceeddana dhex soco wakhtiyada ay qabowdahay si aad uga hesho fiitamiinno.

Nadaafadda shakhsiyeed: Xafid nadaafaddaada shakhsiyeed sida qubayska, cadayashada ilkaaga, iyo labis nadiif ah.

Daryeelka Maskaxda

Baro waxyaabo cusub: Qaado koorsooyin, akhri buugaag, ama samee waxyaabo cusub oo kugu xiiso geliya si aad maskaxdaada ugu tababarto inay fikiri karto. Dadyowga aad ka agdhowdahay, barnaamijyada aad daawato iyo tayada buugaaga aad akhrido intuba waxay raadweyn ku leeyihiin noloshaada maanta iyo beri halka aad gaadheyso.  Ka fiirso oo samee culasho qiimo leh.

Jimicsi maskaxeed: Ka qayb qaado hawlaha maskaxda sida hal-xidhaaleyaasha, ciyaaraha maskaxda, iyo akhriska si aad maskaxdaada u sii firfircoonaato. Dib u milicsiga, wax iska weydiinta, qiimeynta iyo layliga hab fikirkaagu waxay ka qayb qaadanayaan firfircoonnida maskaxdaada.

Nasasho iyo firfircooni: Iska jir daalka maskaxeed. Samee nasashooyin markaad shaqeyneyso ama wax baraneyso.

Ku fikir: Ku fikir abuurta Ilaahay ee kugu hareeraysan. Ka bilow naftaada, deegaanka kugu hareeraysan dabeecad ahaan iyo noolaha ku nool habka iyo hannaanka uu Ilaahay SWT u abuuray.

Daryeelka Shucuurta

Ogow shucuurtada: Ogaaw oo aqbal shucuurtada, si wanaagsan ula hadal naftaada oo raadi caawimaad haddii aad u baahato. Garo maxaa kaa farxiya, maxaa ku murugo geliya, maxaad jeceshahay in laguugusoo hagaago iwm Isbaro adigu intaanad dadkale baran, isqiimee intaanay cidkaleba aanay ku qiimeyn.

Hadal iyo isdhageysi wanaagsan: Dhis xidhiidho caafimaad leh oo ku saleysan kalsooni iyo wada xidhiidh wanaagsan. Hadalka wanaagsani waa sadaqo, dhageysiga wanaagsanina waa qadarinta ugu sareysa.  Lahaanshaha iyo ka agdhawaanshaha akhyaar leh labadaas astaamood ee wanaagsan waxay bilaysaa shakhsiyaddaadad iyo toodaba.  Waxbaad isku biirin kartaan, waad kala faa'idaysan kartaan, si caafimaadqabta ayaad isku sixi kartaan, waad isla xisaabtami kartaan, waad isdhiirigelin kartaan.... siiwad. 

Xeeladaha maareynta shucuurta: Haddii aad boodo, xanaaqdo oo aad werwerto samee hawlo aad jeceshahay oo kaa farxinaya sida inaad wax qorto, jimicsi tagto, ciyaaro fudud soo ciyaarto  iwm. Waa habab aad ku maareyn karto xaaladaa taban ee aad ku jirto.

Ka shaqee qiime dhiskaaga: Naftaada garo waxay ku wanaagsantahay iyo waxay ku liidato, sii horumari arrimaha ay ku wanaagsantahay, kana shaqee horumarinta kuwa aad ku liidato waxay ka qayb qaadanaysaa in kalsoonidaadu dhisanto. Haddii kalsoonidu kuu dhisantana waxaad dhistay qiimahaagii.

Daryeelka Bulshada

Xidhiidho bulsho oo caafimaad leh: La yeelo asxaabta iyo qoyska wakhti tayo leh. Xidhiidhada bulshadu waxay kaalin weyn ka qaataan farxadda iyo caafimaadka qofka.

Kala qayb qaado bulshada: Ka qayb qaado hawlaha bulshada, tabarucaadda, ama kooxo dan wadaag ah. Tani waxay kaa caawin kartaa inaad dareento inaad qayb ka tahay bulshada. Waxaad dareemi doontaa qiimaha naftaada inay tahay mid waxtr u leh bulshada ee aan ku ahayn culays iyo dulsaar. 

Daryeelladaas oo la isku daray waxay ka qayb qaataan daryeelka nafta. Haddii ay wanaagsannaadaan naftuna way wanaagsannaanaysaa, haddii ay qalloocdaan saameynbay ku yeelanysaa shakhsiyadda qofka.

 

 

Guuleyso!    

Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.     

Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]      

Tixgelin.

--------------------------------------------------    

Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)    

Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs    

(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164