Sababaha Noloshaadu Ay Meel U Taagantahay (horumar Aad U Sameyn Kari La'dahay)!
Jan 26, 2023 by

1. Xidhiidhka Ilaahay
Xidhiidhka adiga iyo ilaahay idinka dhexeeyaa waxa uu ka bilaabmayaa garashada sababta laguu abuuray. Xaqiijinta hadafka nololeed ee kuu yaala xaqiijintiisa ee ah ficillada kaasoo fulaya oo ay ku ladhantahay ixsaanka ilaahay.
Nebigu SCW Markii uu lahadlayey Macaad binu Jamal waxa uu ku yidhi, ‘’Mataqaana xaqa ilaahay addoomaha ku leeyahay iyo xaqa addoomuhu ilaahay ku leeyihiin? Xaqa Ilaahay ku leeyahay waa inay kaligii caabudaan oo aanay cidkale la caabudin. Markay waajibkaa kasoo baxaan waxay iyaguna ilaahay ku leeyihiin ixsaan.’’
Adiga iyo Ilaahay xidhiidhka idiin dhexeeya hagaaji. Haddaad hagaajiso adiga iyo xaaskaaga xidhiidhka idiin dhexeeyaa wuu fiicnaanayaa, Adiga iyo waalidka, adiga iyo jaarka, adiga iyo bulshada, adiga iyo shaqada iyo ugu danbayn naftaadu way xasili ilaahay idamkii.
Fudayd Ibnu Ciyaad waxa laga hayaa, ''Marka aan ilaahay caasiyo markiiba waxaan ka gartaa dhaqanka xaaskayga, dameerka aan raaco iyo shaqaalahayga. Xaaskaygoo igusoo hadal celinaysa ayaan arkaa, dameerkii oo biqlaynayaan arkaa, shaqaalahaygii oo igu madax adagbaan arkaa markaasaan ilaahay usoo laabtaa oo ilaahay ii toosiyaa.
Nuxurku wuxuu kusoo ururayaa hadalka Allah SWT Qur’aankiisa ku yidhi,” Ma jiro mu’min iyo Mu’minad, Marka Allah amar xukumo iyo Rasuulkiisu, doorasho kale maleh. Taas macneheedu waa cudurdaarka jaban halkaa iska dhig oo hagaaji xidhiidhka adiga iyo ilaahay idinka dhexeeya.
2. Isku day
Noloshu waa isku dayo iyo ga'aamo. Shay kasta oo aad u baahato in aad xaqiijisaa wuxuu u baahanaya in aad qaaddo isku dayo. Tusaale, Haddii salaadda subax in aad kacdaa kugu adagtahay, waad kici kartaaye isku day. Haddii aad dalacsiin shaqo u baahantahay isku tababar qabashada hawlaha iyo barashada xirfaddaha ay u baahantahay. Arrin aad u baahantahay in aad qabato haddii caqabadi kaaga timaad, isku day in aad xaliso oo aad farsamooyin ku furfurto. Ka guulgaadhista shay kastaa waxay ka bilaabantaa iskudayga iyo wajihidda mushkiladdaha kaa hor imanaya.
3. Bay'adda aad ku jirto.
"Qofku waxa uu haystaa diinta saaxiibkii. Saaxiibbadaa janno ayey kugu hagi doonnaan ama naar" - Unkown
"Hal buug oo aad u fiicani waxa uu u dhigmaa boqol saaxiib oo wanaagsan, balse hal saaxiib oo wanaagsani waxa uu u dhigmaa maktabad iska dhan!" ― Abdul Kalam
Bay'addaha kugu hareeraysani mararka qaarbay caqabad ku tahay in aad hal talaabo hore u qaaddo. Qiimee akhyaarta kugu hareeraysani inay yihiin dadkii kugu taageeri laha sameynta isbeddel nololeed iyo hor usocod maanta ka fiican.
Dadbaa jira guusha furayaal u ah, Sharkana xidhayaal u ah. Ku xidho dadka dedaalaya, ee waxbaranaya, waxbaadhaya si aad uga korto taagnaashiyaha halka aad shaley soo istaagtay.
4. Qorshe
Lahaanshaha qorshe ficileed waa albaabka u jiheysiga isbeddel dhab ah. Ka bilow qiimeyn aad ku sameynayso hadafkaaga guud qodobada kugu caawinaya. Tusaale, Haddii aad leedahay 3 hadaf oo waaweyn oo u adeegaya hadafka 1aad ee la inoo abuuray. Ukala jejebi qorshe sannadeed, lix bilood, 3 bilood, 1 bil, todobaad iyo saacado. Taasi waxay keenaysaa gaadhista fikta ugu sareysa.
Haddii aad ku guuleysato qorsheynta maalintaada, waxaad ku guuleysatay todobaadkaaga, bishaada iyo sannadkaagaba.
5. Ficil la'aan
Qorshe kasta, hammi iyo riyo kasta oo aad leedahay haddii aanad u rogin ficil qorshe ku socda waa riyo maalmeed. Waxa aad taagnaaneysaa halkii aad shalay, bishii hore iyo sannadkii hore aad soo istaagtay. Waana sababaha ugu waaweyn ee badi aynu meel u taagannahay. Si aad tallaabo hore ugu qaado la imo ficil qorshe wata oo aad ku xaqiijinayso yoolasha nololeed ee u adeegaya hadafkaaga guud ee laguu abuuray si aad uga midho dhaliso.
Ogsoonow haddii aanay ujeeddadaadu kuu cadeyn. Ficilladaadu waa bakhtiyaa nasiib
Gebogebadii xooji xidhiidhka adiga iyo ilaahay idinka dhexeeya, hami kasta oo aad leedahay la imo isku day aad ku xaqiijinayso, Ka fogow bay’adda aan kugu kaalmeynayn ka guulgaadhista riyooyinkaaga, Qorshe yeelo waligaa si aad u aragto natiijo midho dhal leh. Ugu danbayn arrimahaas oo dhami waa magic-uyaal haddii aaney ficil wadan’e ficil la imo.
Tixraac
Sheekh Mustafe
Dhambaallada Qur'aanka
Guuleysta.
Tixgelin
Xuquuqda Qoraalku waxa ay u dhowrsantahay @Somalijobs INC.
Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ogolaansho ah la xidhiidh [email protected]