Aqoonta Dhaqaalaha Qofka: Kaydsiga (saving)

Sep 21, 2024 by somalijobs inc

Aqoonta Dhaqaalaha Qofka: Kaydsiga (saving)

Kaydsiga dhaqaaluhu waa habka qofku lacag u keydsado si uu u isticmaalo mustaqbalka, halkii uu ku bixin lahaa dhammaan dakhliga soo gala baahiyihiisa. Waa arrin muhiim u ah maareynta dhaqaalaha qofka iyo tan qoyska, waana mid horseedi karta helidda badbaado dhaqaale oo wanaagsan.

Faa’iidooyinka kaydsiga:

1. Badbaado mustaqbal: Kaydsiga wuxuu kuu oggolaanayaa inaad leedahay dhaqaalaha loo baahan yahay marka aad wajahdo xaalado degdeg ah sida xanuun, shaqo la'aan, ama masiibooyin kale.

2. Maal-gelin: Waxaad u isticmaali kartaa lacagta aad keydsatay inaad gasho maal-gelin, sida ganacsi, guri, ama waxbarasho.

3. Rabitaanka: Kaydsiga wuxuu kuu fududeeyaa inaad dhammaystirto rabitaankaaga waqti dheer ah, sida safarka, iibsashada hanti, ama ganacsi bilaabid.

4. Dhib la’aan maaliyadeed: Waxay kaa ilaalinaysaa inaad amaahato oo aad dhibaato kala kulanto deymo uu dhaqaalahaagu ku xumaado.

Hababka iyo xeeladdaha kaydsiga:

5. Xisaabaadka ujeedo gaar ah (Separate saving accounts): Qofku wuxuu sameyn karaa akoonno kala duwan oo ujeeddooyin gaar ah loogu talagalay, sida kaydka safarka, waxbarashada, ama xaaladaha degdegga ah oo muddo kaa xidhnaanaysa (aanad kala bixi karin wax lacag ah sida Edahab oo kale)

6. Keydinta baahiyaha mudnaanta leh (Prioritized Saving): Ka hor intaan lacag lagu bixin waxyaabo aan daruuriga ahayn, marka hore waxaa la dhammaystiraa baahiyaha muhiimka ah.

7. Tartaminta maalgashiga (Investing savings): Lacagta la keydiyo waxaa lagu maalgelin karaa sanduuqyada maalgashiga, dhul, ama shirkaddo la isku halayn karo si ay uga dhaliyaan faa’iido..

8. Keydinta joogtada ah (Regular saving): Si joogto ah ugu keydi qayb ka mid ah dakhligaaga si aad u hesho kayd ku filan marka loo baahdo.

Noocyada Kaydsiga:

9. Kayd degdeg ah (Emergency Savings): Lacag loo diyaariyey xaaladaha degdegga ah sida xanuun ama masiibooyinka nolosha.

10. Kayd mustaqbalka (Long-term Savings): Lacag loo keydiyey mustaqbal fog, sida hawlgab noqosho, waxbarasho, ama guri iibsi.

11. Kaydka malgelinta (Investment Savings): Kaydka loo isticmaalo si loo maalgeliyo fursado faa’iidooyin waaweyn ka soo noqon kara.

12. Kayd gaar ah (Specific-purpose Savings): Lacag loogu talagalay ujeeddo gaar ah sida safar, guur, ama waxbarasho sare.

Aragtiyaha Kaydsiga:

Kaydsiga waxaa lagu xusay ilbaxnimooyin kala duwan, waxaana lagu tixgeliyaa:

13. Mas’uuliyad qofeed: Kaydsiga wuxuu ka caawinayaa qofka inuu noqdo mid mas’uul ka ah dhaqaalihiisa, isagoo ka fogaanaya dhibaatooyin dhaqaale mustaqbalka.

14. Diyaargarow mustaqbal: Aragtiyaha kaydsiga badankooda waxay tilmaamayaan muhiimadda qofku u diyaargaroobo xaalado lama filaan ah iyo goobo cusub oo nolosha ah.

15. Ka Fogaanshaha daynta: Kaydsiga wuxuu si gaar ah diiradda u saaraa ka fogaanshaha daynta si qofku uusan ugu tiirsanaan deymo mustaqbalka.

Talooyinka Kaydsiga:

16. Samee qorshe kaydsiga: Qorshe cad samee oo ku saabsan inta aad doonayso inaad kaydsato bil kasta iyo waxa aad ugu talogalayso kaydkaas.

17. Yaree kharashaadka aan daruuriga ahayn: Iska yaree lacagta aad ku bixiso waxyaabaha aan muhiimka ahayn si aad u kordhiso kaydkaaga.

18. Ku maalgeli fursado badan: Maal-gashiga waxaad ku sameyn kartaa fursado kala duwan si aad uga hesho faa’iidooyin dhowr meelood oo kala duwan.

19. Sii mudnaan waxyaabaha degdegga ah: Marka hore xooga saar inaad lacag ku diyaarsato xaaladaha degdegga ah ka hor intaadan u gudbin fursadaha maal-gashiga fog.

 

Guuleyso!    

Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.     

Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]      

Tixgelin.

--------------------------------------------------    

Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)    

Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs    

(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164