Ramadaanta Iyo Qorshaha Maalinlaha Ee Cibaadada Ugu Muhiimsan

Mar 11, 2025 by somalijobs inc

Ramadaanta Iyo Qorshaha Maalinlaha Ee Cibaadada Ugu Muhiimsan

Ramadaan waa waqti isbedel nafsi ah—waa fursad lagu korinayo ruuxda, lagu xoojinayo xiriirka Ilaahay, loogana tagayo caadooyinka xun-xun. Waa waqti lagu barto dulqaadka, mahadnaqa, iyo muhiimada joogtaynta cibaadada.

Si aan uga faa’idaysano bishan barakeysan, waa muhiim in aan yeelanno qorshe maalinle ah oo diiradda lagu saaro cibaadada ugu muhiimsan.

Qorshaha maalinlaha ee cibaadada ugu muhiimsan ramadaanta

Suxuur & Salaadda Fajr (Waaberiga)

  • Toos horay si aad u cunto suxuur  nafaqo leh
  • Tuko Salaadda Tahajjudka haddii aad awooddo
  • Ducayso, kana bari Ilaahay dambi dhaaf iyo hanuun
  • Tuko Salaadda Fajr kadibna akhri adkaar subaxeed
  • Akhri ugu yaraan hal bog oo Qur’aan ah

Subaxda: Inta U Dhaxaysa Fajr & Duhur

  • Ka fogow wakhti lumis TV, baraha bulshada
  • Akhri Qur’aan oo baro macnihiisa( tafsiir)
  • Samee sadaqo iyo wax-qabad samafal
  • Dhageyso muxaadarooyin ama waanooyin diini ah
  • Xasuusi naftaada muhiimadda Ramadaanka

Duhur & Cibaadada Galabtii

  • Tukado Duhur waqtigiisa jamaaco haddii ay suurtagal tahay
  • Ku dar salaado sunne ah
  • Qabso shaqo ama waxbarasho 
  • Bixi sadaqo maalinle ah xitaa hadduu yar yahay
  • Xus Ilaahay subxaanAllah, Alxamdulillah, Allahu Akbar

Asar & Waqtiga Ka Hor Iftaar

  • Tukado Salaadda Asar waqtigeeda
  • Akhri qeyb kale oo Qur’aan ah
  • Ka fikir waxqabadka maalintaadu sideebuu ahaa?
  • Ka caawi qoyskaaga diyaarinta iftarka
  • Ducayso waqtigan waa la aqbalaa ducooyinka

 

Iftaar & Salaadda Maqrib

  • Ku afur timir iyo biyo adigoo raacaya sunihii nabigeena scw
  • Tuko Maqrib isla markiiba
  • Cun cunto miisaaman ha cunin mid xad-dhaaf ah
  • U Mahadnaq  Alle nimcooyinka tiro beelka ah ee uu ku siiyay

Salaadda Cishaha & Taraawiix

  • Tukado Cisha waqtigeeda
  • Kaga qeyb gal Taraawiix masjid ama guriga
  • Akhri Qur’aan dheeraad ah
  • Samee xasuusin nafeed iyo niyad saxid

Habeenka: Cibaado & Diyaargarowga Maalinta Xigta

  • Tukado salaada Qiyamul-laylka ah
  • Badi Istighfaar ka bari Ilaahay dambi dhaaf
  • Niyad u yeelo soonka  maalinta xigta 
  • Seexo adigoo waysoqaba oo akhriyay ducadii hurdada

Hadafyada Maalinlaha ee Ramadaanka

  • Akhri hal Juz Qur’aan ah maalin kasta
  • Bixi sadaqo maalin kasta xitaa hadduu yar yahay
  • Samee duco si joogto ah
  • Tuko waqtigooda dhammaan salaadaha
  • Ka fogow hadalka xun & xanaaqa
  • Ka shaqee horumarka naftaada

Qorshaha qur’aanka iyo Ramadaanta inta hadhay:

1. In Qur’aanka la dhameeyo hal jeer Bisha Ramadaan

Qur’aanka wuxuu ka kooban yahay 30 Juz

Haddii aad rabto inaad Qur’aanka dhamayso bisha Ramadaan gudaheeda, waxaad raaci kartaa qorshahan:

  • Akhri hal Juz maalintii
  • Hal Juz wuxuu celcelis ahaan ka kooban yahay 20 bog
  • Haddii aad rabto inaad si fudud u akhrido, akhri 4 bog salaad kasta kadib
    • Fajr ka dib: 4 bog
    • Duhur ka dib: 4 bog
    • Asar ka dib: 4 bog
    • Maqrib ka dib: 4 bog
    • Cisha ka dib: 4 bog

Haddii aad sidan u raacdo, waxaad Qur’aanka dhamaynaysaa 30 cisho gudaheeda.

2. In Qur’aanka la dhameeyo laba jeer bisha Ramadaan

Haddii aad rabto inaad Qur’aanka laba jeer dhamayso Ramadaanka gudaheeda:

  • Akhri 2 Juz maalintii
  • Hal Juz wuxuu ka kooban yahay 20 bog, markaa maalintii waa inaad akhridaa 40 bog
  • Waxaad sameyn kartaa sidan:
    • Subaxdii akhri 20 bog
    • Galabtii akhri 20 bog

Haddii aad sidan u raacdo, bisha Ramadaan waxaad Qur’aanka dhamaynaysaa laba jeer.

3. In Qur’aanka la dhameeyo saddex jeer ama ka badan bisha Ramadaan

Haddii aad rabto inaad Qur’aanka saddex jeer ama ka badan ku dhamayso Ramadaanka:

  • Akhri 3 Juz maalintii si aad bisha ugu dhamaysid saddex jeer
  • Akhri 5 Juz maalintii si aad bisha ugu dhamaysid lix jeer
  • Waxaad u qaybin kartaa akhriskaaga waqtiyada salaadaha kadib iyo waqtiyo kale

Ramadaan waa tababar nafsi ah. Haddii aan la nimaadno qorshe maalinle ah oo  diiradda lagu saarayo cibaadada, waa la gaadhi karaa . Hadafku waa in Ramadaan aan ka dhigno xilli lagu baranayo ama lagu qabatimayo caadooyin wanaagsan oo aan sii wadno nolosha oo dhan.

Adigu maxaad rabtaa inaad ku horumariso cibaadadaada Ramadaankan

Guuleyso!  

Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.     

Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]      

Tixgelin.

--------------------------------------------------    

Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)

Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs    

(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164