Xirfadda Koombiyuutarka (computer)

Jul 11, 2021 by somalijobs inc

Xirfadda Koombiyuutarka (computer)

Ugu yaraan shaqooyinka la qabto maanta badankoodu waxay u baahan yihiin faham aasaasi ah oo ku saabsan koombuyuutarada, shaqooyin badan waxay ku lug leeyihiin ugu yaraan xirfadda kombiyuutarka, taas oo ay kamid yihiin aqoonta barnaamijyada kombuyuutarka (Knowledge of Computer Software).

Nolosha adduunka haatan lajoogo ayaa isubedeshay qaab casri ah oo kombiyuutaradu bedeleen wax kasta oo aan waqti hore suurtagal ka ahayn taas oo keentay in maanta shaqo laqabto oo aan kombiyuutar ku lug lahayni ay aad u yartahay, Sidaa darteed waxaa daruuri noqotay dadka aduunka ku nooli in ay laqabsadaan nolosha casriga ah.

Halkan waxa aanu idinkula wadaagaynaa qaar kamid ah xirfaddaha kombiyuutarada casriga ah.

MAXAY YIHIIN XIRFADAHA KOMBIYUUTARKU

Xirfadaha koombiyuutarku guud ahaan waxa ay u kala baxaan laba qaybood oo kala ah furfurida (Hardware) iyo barnaamijka lagu isticmalo (Software).

Xirfada furfuristu (Hardware Skills) waxay kuu ogolaanaysaa in aad kombiyuutarka u furfuri karto qaybo yaryar kaddib aad u hagaajiso una cillad saarto si xirfadaysan. Waxay sidoo kale ku lug yeelan kartaa sida mishiinada laysugu xiro loogana dhigo shabakad dhamaystiran oo isku xiran, sidoo kale beddelida ama hagaajinta qaybaha kombiyuutarka ee jajaban iyo dhamaan cilad bixinta kombiyuutar u baahdo.

Xirfada barnaamijka kombiyuutarku (software skills) waxay kuu ogolaanaysaa in aad si dhib yar oo xirfadaysan u isticmaali karto aalada kombiyuutarka.

Waxa jira noocyo kala duwan oo barnaamijyo ah (Some different software) kuwaas oo u baahan barasho si aad u isticmaali karto kombiyuutarka uguna fulin karto hawl kasta oo aad ubaahato waxa ka mid ah barnaamijka isku qoofalan ee afka qalaad lagu dhaho MS-OFFICE kuwaaso inoo ogolaada in aan wax ku qorno, ku hagaajino, ku nashqadayno, ku xisaabino, iyo waliba xafidno kombiyuutarka, kuwaas oo ah barnaamijyada ugu fudud uguna isticmaalka badan.

Kuwan soosocda waa qaar ka mid ah barnaamijyada kombiyuutarka lagu istcmaalka badan yahay

  1. Barnaamijka wax lagu falanqeeyo (analytics)
  2. Baraha bulshada (Social Media)
  3. Barnaamijka nashqadaynta sawirada (Graphic Design)
  4. Barnaamijka Microsoft office
  5. Barnaamijka xisaabinta (Accounting Software)
  6. Barnaamijka lagu wada xiriiro (Email)
  7. Barnaamijka suuqgaynta tooska ah (Marketing Automation)
  8. Barnaamijka (Data Visualization)

Xirfaddaha software-ka qaarkood ayaa inta badan looga baahan yahay dhinacyo kala duwan, haddii aad tahay xirfadle kombiyuutar waxa laga yaabaa in aad barato luuqadaha kala duwan ee kombiyuutarku u baahan yahay maadaama kombiyuutarku uu yaqaano luuqado gaar ah, Tusaale ahaan marka aad doonayso qoraal aad qortay oo dheer in aad meel kale u wareejiso si dhib yar ayaad u taaban kartaa laba badhan oo kamid ah qaybta keyboard-ka kombiyuutarka, waxa aad si wadajir ah u taabanaysaa badhanada ladhaho (Control +A)kadibna (control+C) kabacdi waxa aad tagaysa halkii aad qoraalka u wareejinaysay, marka aad tagto meeshasna waxa aad taabanaysaa badhanada kala ah (Control+V).

MAXAY MUHIIM U YIHIIN XIRFADAHA KOMBIYUUTARKU?

Shaqooyinka badankoodu waqtigan waxay u baahan yihiin adeegsiga xirfada kombiyuutarka, taas ayaa hadda ka dhigaysa xirfada aalada kombiyuutarka in ay noqoto mid aad u muhiim ah.

Hadda aduunku wuxu noqday mid ka horumarsan qarniyadii hore, qarnigan waa qarniga koobiyuutaradu qabtaan shaqo badan oo ay dadku hore u qaban jireen una qabto si ka wanaagsan sidii dadku uqaban jireen isaga oo meesha ka saaraya kharash badan iyo waqti dheer oo ay shaqadu dadka kuqaadan jirtey.

Marka la qabanayo shaqooyinka kala ah: adeegyada isgaarsiinta, warshadaynta, xisaabinta, xaadirinta shaqaalaha, bixinta mushaharka shaqaalaha, xafiditaanka xogta shaqada, iwm waxa loo adeegsadaa hadda bernaamijyada kombiyuutarka kuwaas oo si sahlan  kuugu fududaynaya inaad hawl ku qabsato.

Isku soo wada duub oo dhaMmaan arrimahaas iyo kuwo kale ooynaan halkan kuxusin ayaa ka dhigay xirfadaha kombiyuutarka mid aad iyo aad muhiim u ah.

TUSAALOOYINKA XIRFADAHA KOMBIYUUTARKA

Nooca xirfada kombiyuutarka ee aad leedahay ayaa kuu suurto galinkarta helitaanka shaqo kugu munaasib ah maadaama ay badan yihiin xirfadaha kombiyuutarku.

Tusaale ahaan haddii aad codsanayso shaqo maareeye xafiis, waxa suurto gal ah in lagaa rabo in aad aqoon aasaasi ah uleedahay barnaamijyada kala ah: Barnaamijka MS-WORD, Barnaamijka xisaabaadka, Barnaamijyada lagu wada xiriiro sida Email, IWM.

Tusaale kale qofka ka shaqeeya xirfada sawirada (Photographer) wuxuu u baahan yahay barnaamijka lagu nashqadeeyo laguna hagaajiyo sawirada ee luqada qalaad looga yaqaan (Photoshop) si ay u noqdaan sawiradu kuwo leh muuqaal aad iyo aad u qurux badan oo soo jiita macaamiisha sawir qaadaha.

Sidoo kale waxa jira barnaamijyo aad u tiro badan oo loo lagu isticmaalo kombiyuutarada qabtana shaqooyin muhiim ah, qaarkood ayaan halkan hoose idiinku soo gudbin doonnaa waxaana ka mid ah.

1. NIDAAMKA HAWLGALIYA KOMBIYUUTARKA (OPERATING SYSTEM)

Barnaamijkani waa nidaam hawlgaliya ama taageera isla markaana maareeya shaqooyinka aas-aasiga ah ee kombiyuutarka. In kasta oo ay jiraan nidaamyo kale oo hawl-galiya ama maareeya kombiyuutarka, hadana dadka badankoodu waxay adeegsadaan nidaamka WINDOWS maadaama ay badan tahay khibrada loo leeyahay iyo nidaamkan oo kafudud nidaamyada kale. Inkasta oo ay fiican tahay barashada nidaamyada kale ee hawl galiya kombiyuutarka hadana waxaa muhiim ah in waqtiyada qaar la isticmaalo nidaamyada kale si looga helo xirfad kusaabsan sida uu u shaqeeyo nidaamku.

2. BARNAAMIJKA MICROSOFT OFFICE

Aqoonta aas-aasiga ah ee kombiyuutarka ayaa ah barnaamijka mircrosoft office, waana xirfada ugu yar ee kombiyuutar lagaga shaqeeyo, barnaamijkani waa xirfada ugu horeysa ee looyeesho kombiyuutarka waana xirfad aas-aasi ah.

Microsoft office waa qayb aad ugu muhiim ah shaqo kasta oo laqabto, wuxuuna ka kooban yahay dhawr qaybood oo kala duwan sida;

  • Ms-word oo loogu talo galay in qoraalkasta oo aad ubaahato in aad kombiyuutar ku qoroto, Ms-Excel oo loo qaabeeyay in loo adeegsado xisaabaadka iwm,
  • MS-PowerPoint oo loogu talo galay in lagu soo jeediyo warbixinada iyo casharada waxbarashada iwm.
  • Ms-Publisher oo loo isticmaalo samaynta kaararka, shahaadooyinka, jadwal sanadeedka, soo saarista jaraa’iddada iwm.
  • Ms-Access oo loo isticmaalo samaynta iyo kuhabaynta xogaha iwm.

Tusaale marka aad doonayso in aad qorto codsi shaqo waxa aad ubaahan tahay in aad isticmaasho MS-Word oo ah qayb kamid ah qaybaha Microsoft office

3. BARNAAMIJKA LAGU SOO BANDHIGO XOGAHA LASOOJEEDINAYO (POWERPOINT)

Barnaamijkan waxa lagu soo bandhigaa looguna talogalay in lagu soo diyaariyo xogaha, warbixinnada, casharada iwm ee loo soo jeedinayo dadka laguna tusayo qoraal iyo muuqaal wada socda. Taas oo u suurtogalineysa in ay soo koobto xogo wakhti badan kulumi lahaa qoritaanka. Sidoo kale waxa jira barnaamijyo kale oo lamid ah, hayeeshee barnaamijkan ayaa ugu caansan.

4. BARNAAMIJ WARAAQEEDKA DIYAARSAN (SPREADSHEET)

Barnaamij waraaqeedka diyaarsan ayaa ah mid u habaysan ama u abaabulan xogta iyo warbixinta la doonayo in lagu qoro, waana barnaamij si degdeg ah aad ugu xisaabsan karto xisaabta aad rabto, sidoo kale barnaamijkan ayaa loo isticmaali karaa falanqaynta xogaha muhiimka ah iyo dhamaan xogaha ku haboon, Looshaqeeyayaasha qaar ayaa kaafilan kara in aad yeelato xirfada aas-aasiga ah ee barnaamijkan.

5. BARNAAMIJKA XISAABINTA (Accounting software)

Barnaamijkan oo loo isticmaalo xisaabaadka ayaa u habaysan qaab xisaabeed iyo shaxan xisaabeedyo farsamaysan. Taas oo u suurto galineysaa isticmaalaha in uu ugu shaqeeyo si dhibyar oo nidaam leh, barnaamij xisaabeedkani wuxuu suurto galinayaa in aad markasta lasocoto kharashka baxay iyo waxa lagu isticmaalay sidoo kale waxa uu suurto galinayaa in aad si dhib yar ulasocoto dakhliga soo galaya goobta shaqo, waxaa aad goorkasta lasoconaysaa xisaab xidhka iyo hantida iyo waliba qalabka ku diwangashan ee goobta shaqo taas oo yarayn karta wax isdaba marinta, kordhinaysana isla xisaabtanka maaliyadeed.

6. COMMUNICATION & SOCIAL MEDIA (ISGAARSIINTA & BARAHA BULSHADA)

Shaqadu kama maaranto isgaarsiin, Isgaarsiintu waa shay aad ugu muhiim goobaha shaqo si ay u dhibyaraato hawsha shaqo waxa loo baahan yahay isgaarsiin guulaysata sidaa darteed qaybtani waxay u baahan tahay xirfad isku xir.

Xirfada baraha bulshadu ayaa hadda si aad ah loo doorbidayaa, Shirkado badan ayaa raadiya shaqaale qaab online ah wax ugu iibgeyn kara. Xirafaddahan baraha bulshada ayaa hadda noqday mid aad loojecel yahay maadaama hadda suuq gayn wayn laga helay. Taas oo shirkadaha u horseedi karta in ay ku iibiyaan ganacsigooga kana heli karaan dakhli aad u badan.

Aqoonta barnaamijka xirfadaysan ee sida onlineka ah loogu iibgaynayo ayaa hadda noqotay mid adduunka oo dhan laga yaqaano maadaama adduunku hadda uu aad u isticmaalo baraha bulshada.

BARNAAMIJKA SOO BANDHIGISTA XOGAHA (DATA VISUALIZATION)

Kasakow aqoonta aas-aasiga ah ee bArnaamij waraaqeedka diyaarsan (spreadsheet), lahaanshiyaha xirfada bArnaamijka soo bandhigista xogaha ayaa kaacaawin karta doorka turjumida xogaha waawayn.

BArnaamijkan ayaa loo isticmaalaa samaynta shaxanada ama garaafyada iyo nashqadayntooda maadaama garaafyadu ay xanbaarsan yihiin micno badan aadna muhiim uyihiin waxa barnaamijkani suurto galiyaa in si dhibyar loogu sameeyo looguna nashqadeeyo garaafyada iyo khariiradaha iwm.

Adduunka oo dhan waxa loo isticmaalaa xogaha waawayn in lagu soo bandhigo shaxan ama garaaf si loo muujiyo xogta iyo inta ay leegtahay.

SIDEE LOOGU DAARAA CODSIGAAGA SHAQO XIRFADA KOMBIYUUTARKA

Waxa jira goobo badan oo aad ku xusi karto liiska xirfadahaaga kombiyuutarka.

Waxaad kudari kartaa qaybta aad kaga hadlayso xirfadaha aad u leedahay shaqada (skills Section) iyo qaybta aad kaga Tababarradaada (Trainings), sidoo kale qaybta kooban ee codsiga shaqo ee lagu qoro xirfadaha aad kufiican tahay ayaa lagu qori karaa taas ayaa soo jiidan karta looshaqeeyaha baahida u qaba xirfadaha kombiyuutarka.

Marka aad ku qorayso codsigaaga shaqo liiska xirfadaha kombiyuutarka aad uleedahay waxa aad u kala saraysiisaa sida ay u kala muhiimsan yihiin iyo sida ay u kala khuseeyaan booskaaga shaqo. Tusaale ahaan haddii booska shaqo ee aad u tartamaysaa yahay xisaabiye (Accountant) waa in aad u horeysiiso xirfadaha aad u leedahay barnaamijyada loo isticmaalo xisaabaadka sida Excel, Quickbooks, freshbooks iyo Peachtree.

Xuquuqda Qoraalku waxa ay u dhowrsantahay @Somalijobs INC.
Lama ogola idan la'aan in la qaato.

Tixgelin