5 Calaamadood: Farxad Gelinta Dadka Kale Iyo Sida Loo Samaysto Xuduudo!

Jun 06, 2023 by somalijobs inc

5 Calaamadood: Farxad Gelinta Dadka Kale Iyo Sida Loo Samaysto Xuduudo!

Waxa jira dad u nool farxad gelinta dadka kale, oo inta badan ka fekera kuna dadaala sidii ay dadka u farxad gelin lahaayeen. Ugu horrayn waa arrin wanaagsan in aad dadka kale wax u qabato, caawiso, bulshada aad daryeesho, sidoo kalena aad kala shaqayso arrimaha samafalka ah. Sidaas oo ay tahay hadana waxaa jirtameel” ay tahay in aanad dhaafin. Marka aynu si joogto ah uga shaqayno waxa ay dadka kale innaga doonayaan, marar badan waxa aynu lumin doonaa doonisteena, sidoo kalena waxa aynu ku dhici doonaa mashaakil waawayn 

 

   Maqaalkanna waxa aynu kaga jawaabi doonaa su’aal odhanaysa: sidee ayaan ku ogaan karaa in aan ahay qof u noolow farxad gelinta dadka kale? Marka aynu taa ogaano kedib ayaynu isku dayi doonaa sidii aynu xuduudo u samaysan lahayn. 

 

  1. Adeegsiga EraygaHaaadiga oo hadhawna werwer ka qaada  

Marar badan ayaad is arkaysaa adiga oo arrimaha dadyow kale dartood. Mar kasta oo aadHaatidhaahdaa waxay kugu hogaaminaysaa waddo aan fiicnayn. Cilmibaadhisyo dhawr ah ayaa waxa ay ku doodayaan: in mar kasta oo ay “Haa-daadudadato ay la kordhayaan qorshayaashaadu; mar kasta oo ay aqorshayaashaadu kordhaan waxa meesha ka baxaysa jedweleyntii,taasina waxay kugu sababaysaa warwar aad u weyn. 

  1. Dadka oo Aanad u Sheegin in aad “Maya” Tidhaahdo 

Dabcan, qof arrin kaaga baahan oo aad maya tidhaahdaa waa arrin aan raaxo lahayn, sidoo kalena aan deganaanshiyo lahayn; taa badalkeedana waa arrin marar badan kuu keenaya in aad ka leexato jidkaagii. Marar badan waxa ku soo mari doona dadyow hoos kuu dhigi doona, kaana diidi doonaa in aad adeegsato ereyga “Maya”, ku dadaal in aad ku adkaato doonistaada; sidoo kalena aad mar kasta fuliso qorshayaashaada 

  1. Iska dhigista qof u muuqda in uu soo jiito dadka kale 

Waxa jira dadyow badan oo ay iskumid u tahay in ay kuu naxariistaan ama ku nugleeyaan. Wax badan ayay ku weydiin doonaan sidaa si lamidana wax badan ayay hoos kuu dhigi doonaan. Xidhiidhada aad iyaga la leedahay waxay ku salaysnaan doonaan, keliya in aad la xalliso mashaakilkooda, baahiyaadkooda iyo doonistooda. Sababta u weyn ee ay sidaa u samaynayaana waa in aad farxad geliso. 

  1. Waxa aad Qalad Kast u Qaadataa si aad uga hor tagto khilaafka 

Marar badan waxa aad qarisaa xaqiiqada, si aad uga hortagto khilaaf dhacaya. Halkaasna waxa aad ku lumisaa shakhsiyadadii. Adiga oo xaqira waxyaabaha kuu muhiimka ah, waxa aad xiisayso iyo waxa ay tahay in aad ka hadasho ama aad ka gaabsato.  

 

  1. Dadk Ma Tustid Qofka Dhabta ah ee aad Tahay 

Maarar badan ma dareentid in aad is ahaato, daacad ahaanshiyuhu wuxuu kugu noqdaa laf-dhuun-gashay; oo inta badan waxaad ku mashquushaa sidii aad isku qarin lahayd. Tanna ay ka dambayso sidii aad u farxad gelin lahayd dadka kale. Sababta ugu weyn ee aad sidan u samaynaysaa waxay noqon karaysaa in aad dareemayso in aanad wanaag ahaan isku filnayn.  

 

Hadaba marka aynu eegno caqabadaha ay leedahay farxad gelinta dadka kale oo aad muhiim ka dhigtaa, waa in aynu dhinaca kale ka istaagnaa oo aynu raadinno xalal waara oo aad kaga bixi karayso iyo sidoo kale xuduudo aad ku joojin karayso farxad gelinta dadka kale. 

  • U Baro Naftaad Sida Ugu Habboon  

Ogaal nafeed oo aad la timaadaa wuxuu kaa caawinayaa in aad samayso isbadal dhaba. Si dhaba oo aad naftaada u barato ayaa ah shayga ugu weyn ee aad u baaham tahay si aad u korto.  

  • Go’aanso Waxyaabaha Muhiimka kuu ah 

Dad badan oo kamida dadk u nool farxad gelinta dadka kale, waxay waqtigooda ku qaataan sidii ay u raadin lahaayeen waxa ay dadka kale u baahan yihiin. Taa badalkeeda isku day in aad raadiso waxyaabaha muhiimka kuu ah. 

  • In Badan Ha Odhan Haa 

Marka aynu doonayno in aynu badalno dabeecadaheena, waa in aynu geed dheer iyo mid gaabanba u kornaa sidii aynu uga dhabayn lahayn. Si aad uga gudubto caadadan waa in aad yaraysaa adeegsigaHaa”,  si aad uga gudubto caqabadanfarxad gelinta dadka kale” waa in aanad inta badan ku adkaysan in aadHaatidhaa. 

  • Waqtigaaga Ilaasho 

Ku dadaal in aad garanayso meelaha aad waqtigaaga ku bixinayso; sidoo kale in aad jedwel samaysataa waxay kuu ilaalin doontaa waqtigaaga. Waqtiga oo aad u qabato sida aad doonaysaa waxay kaa caawinaysaa in aanad xidhiidho la samayn dadyow aan waxba kuu soo kordhinayn.  

  • Diyaar u Ahaw in aad ka Tagto Wax Badan 

Isku day in aad naftaada u sheegto runta, taas oo si dhaba u qeexaysa in xidhiidhada saaxiibtinimo iyo kuwa kale ee aad leedahay maarar badan liddi ay ku yihiin horumarkaaga. Warkanina sinaba farxad uguma aha naftaada! Hadana waa habka ugu fudud ee aad kaga gudbi karto farxad gelinta dadka kale. 

 

Ugu dambayn haddii aad isku aragto guud ahaan calaamadaha aynu soo sheegnay ama qaar kamida, isku day oo joogtee in aad isticmaasho xalalka aynu soo sheegnay iyo xuduudahooda.  

 

--------------------------------------------------------      

Guuleyso      

Xuquuqda Qoraalku waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.      

Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]       

Tixgelin.    

--------------------------------------------------    

Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)    

Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs    

(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164