Xeerarka Nolosha

 

Jiritaanka aadamaha, waxa jira mabaadi’ hagaya oo iftiiminaya dariiqa loo maro nolol dhammaystiran oo ujeeddo leh. Tobanka mabda'a ee nolosha, mid kastaa waa tilmaan xikmad ah, kuwaas oo bixinaya hagis wax ku ool ah. mabaadi'dani waxay ka gudbaan xuduudaha dhaqanka waxayna la hadlaan himilooyinka caalamiga ah ee aadamaha. Markaynu dhex galno fikradahan waxa aynu sidoo kale eegi doonaa sida loo tijaabiyay, waxaynu daah furaynaa siraha nolosha ee la xusay. 

 

Qayb ka mid ah mabaadi'da nolosha hagta ayaa kaa caawin kara in aad si fudud uga baxdo mawjadaha fowdada nolosha. Mabaadi'da noloshu waa caqiidooyin aasaasi ah oo qaabeeya aragtideena iyo ficiladeena.  Nagu soo biir sahaminta isbeddelka leh ee 10ka mabaadi' ee nolosha si aad ugu noolaato, oo u billowdo raadinta qaninimo jiritaan oo macno badan leh. 

 

 

1. La soco Kobaca Joogtada ah 

Go'aanso in aad noqoto bartaha nolosha oo dhan. Raadso aqoon cusub, xirfado, iyo waayo-aragnimo dhammaan marxaladaha nolosha. Kobacdu dhif iyo naadir waa toosan yahay-waxaa jira kor iyo hoos u dhac inta lagu jiro jidka. Laakiin furaha ayaa ah inaad sii ballaariso aragtidaada. 

  

2. Kobci xidhiidho macno leh 

Aadamuhu waa makhluuq bulsheed-waxaynu horumarnaa marka aynu xidhiidho macno leh yeelano. Mudnaanta koowaad sii korinta cilaaqaadka aad la leedahay dadka. Waqti u yeel qoyska, asxaabta iyo shakhsiyaadka kale ee aad jeceshahay. U tusi sida aad u danaynayso erey ahaan iyo ficil ahaanba. 

Tusaale ahaan, waxaad wici kartaa mararka aad firaaqada tahay shakhsiiyaadka kaa fog. Ka dhig cilaaqaadka qayb muhiim ah oo noloshaada ah. 

  

3. Caawi dadka kale 

Caawinta dadka kale waxay ku siinaysaa macno iyo ujeedo iyadoo horumarinaysa nolosha dadka kugu xeeran. Raadso siyaabo aad ugu soo celiso bulshadaada tabaruc, hagid, deeqo, ama ficilo fudud oo naxariisa si maalinle ah. 

  

Caawinta dadka kale waxay ku lug yeelan kartaa shay fudud sida in qof deris ah oo da' ah aad u qabato hawl ama siinta la-talin dadka kugu xeeran. Caawintu kaliya maaha inay faa'iido u leedahay kuwa kale laakiin sidoo kale waxay kobcisaa korriinkeena. 

 

4. Ka taxadar caafimaadkaaga 

Caafimaadkeena jidheed iyo maskaxeedba waxa uu bixiyaa aasaaska wax kasta oo aan samayno. Is-daryeelka ka dhig mudnaan adiga oo qaadanaya caadooyin caafimaad qaba oo ku xeeran hurdada, nafaqada, jimicsiga iyo maareynta cadaadiska. Caafimaad wanaagsan la'aanteed, ma fududa inaan buuxino awoodeena. 

  

Tusaale ahaan, waxaad samayn kartaa jadwal hurdo oo joogto ah, cunista cunto caafimaad leh oo guriga lagu sameeyo, waxaad ku dari kartaa dhaqdhaqaaqa maalintaada (jimicsi), waxaadna samayn kartaa xuduudo shaqeed. Si fiican ula dhaqan jidhkaaga iyo maskaxdaada. 

  

5. Hel shaqo aad ku raaxaysato 

Waxaan ku bixinaa qaybo badan oo nolosheenna ah shaqooyin. Raac shaqada aad u aragto mid xiiso leh, macno leh, oo ku habboon kartidaada - kaliya ha u shaqeynin jeegaga mushaharka. Soo ogow waxa aad jeceshahay oo bixi dadaal kasta oo ku baxaya. Qabo shaqo aad xiisaynayso.

 

6. Horumarinta Mas'uuliyadda Maaliyadeed

Baro inaad ku noolaato awoodaada adigoo isticmaalaya miisaaniyad iyo la socoshada kharashaadka. Samee caadooyin maaliyadeed oo caqli-gal ah oo ku saabsan kaydinta iyo maalgashiga si joogto ah. Fahamka baahiyaha iyo rabitaanku waa muhiim. Maaraynta maaliyadda si taxadar leh ayay u yaraynaysaa diiqada waxayna siisaa nafta xoriyad.

 

Waxaad si toos ah ugu wareejin kartaa xisaabaadkaaga kayadadka casiga ah, sida app miisaaniyeedka taleefankaaga, oo waxaad la tashan kartaa la-taliye maaliyadeed si aad u abuurto qorshe maalgashi oo wakhti dheer ah.

 

7. Ku celceli mahadnaq

Mahadnaqu waxa uu bedelaa sida aan u aragno adduunka. Ka dhig mahadnaqa caado—ku hayso joornaal mahadnaq ah halkaas oo aad ku qorto waxyaabaha aad maalin kasta ugu mahadnaqayso in uu Alle (swt) kugu galladay—una muuji mahadnnaqa dadka kale. Mahanaqa sidoo kale waxaa ku lammaan farxad weyn.

 

Tusaale ahaan, waxaad milicsan kartaa fiid kasta saddex shay oo wanaagsan oo ku jiray maalinkaagii. Markaad soo toosto waxaad Alle (swt) uga mahadnaqadaa in uu ku noolaysiiyay kedib dhimashadii (hurdadii).

 

8. Noqo qof yididiilo leh oo adkeysi leh

Qaadashada fikirka yididiilo leh waxa ay inoo suurtogelinaysaa in aynu u adkaysano caqabadaha iyo dib u dhaca nolosha. U arag caqabadaha inay yihiin fursado korriin, ee ha u arkin sababo lagu quusto. Rejo fiicanna ka qab inaad hiigsato yoolalkaaga, hana u oggolaan guul-darrooyinka ku meel gaadhka ah inay kaa leexiyaan hadafka weyn.

Marka arrimuhu adkaadaan, is xasuusi inaad ka soo gudubtay caqabadihii hore. Xaaladaha si wanaagsan u hagaaji. Rajo-wanaaggu waa awood. Ha dayicin in aad ka faa’iidaysato awoodaas.

 

9. Ku Noolow Ujeedo iyo Xamaasad

Aqoonso waxa kaa dhigaya inaad u noolaato si ujeedaysan oo u raac si niyad ah. Dhegayso codkaaga gudaha oo ka fiirso wakhtigaaga iyo tamartaadu halka ay ku baxayaan. Fahanna ujeedooyinkaaga kuwaas oo la jaanqaadaya qiyamkaaga qotoda- dheer.  Hawl kasta oo aad qabanayso gal adiga oo firfircoon, si ay u soo baxaan natiijooyin aad mahadiso.

 

10. Si joogto ah u hagaaji naftaada

Ku quudi naftaada xuska Ilaahay (swt). Ku kori aqoonta, xikmadda iyo wanaagga inta aad nooshahay. Ha ku hadhin niyad-jabyada yaryar ee ay maalmuhu wataan. Akhri buugaag diiradda saaraya horumarka shakhsi ahaaneed. Dhis xirfadahaaga. Si taxadar leh u shaqee si aad u horumariso dabeecadaada iyo kartidaada qaabkooda ugu wanaagsan.

 

Waxaad dejin kartaa yoolalka waxbarasho ee sannadlaha ah, waxaad samayn kartaa imtixaanno shakhsiyeed si aad wax badan uga barato naftaada, oo aad uga qayb qaadato milicsiga maalinlaha ah. Ka dhig inaad 1% (boqolkiiba hal) aad wanaajiso maalin kasta noloshaada.

 

Gabagabii, isku-dhafka dhawrka mabda'a ee sare ee noloshaada ayaa ku tusin kara waddadii aad ku gaadhi lahayd horumar waara. Aqoonso kuwa kula hadlaya. Isku day inaad dalbato hal toddobaad oo u fiirso saamaynta ay kugu yeeshaan. Dabadeed, halkaas ka soo dhis, oo kor uga soo qaad hayaankaaga nololeed.

 

Socdaalkaaga si aad u dhammaystirto wuxuu ka bilaabmaa gudaha. Dib u milicso waxa ku dareensiiya in aad nooshahay oo uu ugu horeeyo xuska Ilaahay (swt), u mahadnaq daqiiqad kasta inta aad neefsanayso. Markaad si dhab ah ugu noolaato qiyamkaaga qotoda-dheer, waxaad samayn kartaa nolol macno le, oo ay ka buuxaan farxad iyo fayo qab nololeed.

 

 

  - - ---------------------------------------------------------       

Guuleyso       

Xuquuqda Qoraalku waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.       

Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]        

Tixgelin.     

--------------------------------------------------     

Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)     

Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs     

(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164