7 Arrimood Ku Maalgasho Wakhtigaaga!
Sep 21, 2023 by

Cumar ibnu C/casiis (Raximahullah) wuxuu yidhi: Allah ha u naxariisto qofkii garta xaaladda naftiisa
Maalgeshiga wakhtigaagu waxaad ka helaysaa qaangaadhnimo caqliyeed, horumarin xirfadeed iyo wacnaashiyo. Halkan waxaynu ku eegi doonna qodobo koob kooban oo aad ku maalgashan karto wakhtigaaga si midho dhal leh si aad beri ugu aydo una tidhaahdo, ''Alla wakhti ahaayee! Waan ku faraxsanahay inaan wakhtigaygii ku maalgashaday arrimahaa....''
1. Maalgelin Caqliyeed
Si lamid ah quudinta calooshaada, ruuxdaada iyo muuqaagaba aad u maalgashato ayuu caqligaagu baahi weyn u qabaa wax gashigiisu. Ku maalgeli akhriska buugaagta, xirfad barashada, ka qayb galka kulamada cilmiga iyo caqliga, waxbarashada tooska ah iyo midda dadban, waxbarasho joogto ah oo shakhsiyeed si aad u hesho toosh aad ku ifisato inta aad ku jirto halganka nolosha.
Ruuxa wax isbaridda joojiyaa yaribuu ku duqoobaa si kastuu u yaryahay, Halka ruuxa wax isbaridda joogteeyaa wali da'yar yahay xataa haddii uu duqoobey.
2. Bedqabka Jidhka iyo maskaxda
Mudnaansii ciyaaraha fudud ee kor u qaadaya bedqabkaaga jidheed iyo caqliyeedba. Waxa kamid ah joogteynta jimicsiga aad xiiseyso, helista hurdo iyo cunto kugu filan, Cunto dheelitiran iyo daryeelka caafimaadkaaga guud ahaan.
3. Xidhiidho
Ku maalgasho wakhtigaaga xidhiidho faa'ido leh, ma aha fadhi kudirir aanad erey ka faa'ideyn. Ehelkaaga, asxaabtaada, hageyaashaada, dadka aad hiigsanayso iyo dadka saameynta kugu lehba qayb weyn ayey ka qaadan karaan isbeddelkaaga nololeed. Kulamadaasi ha noqdaan kuwo aad ka helayso kaalmo, dhiirigelin, hagis, latashi iyo wadashaqeyn masalooyin badan kuu furfuri karta.
4. Koboc-nafeed.
Noloshu waa meerto, waa sida giraanta wareegta maalinba meel taagan. Dib u milicsiga, naf-qiimeynta iyo koritaan qofeedba waa lagama-maarmaan. Hadaf cad dejiso, garwaaqso meelaha aad ku liidato ee ubaahan horumarinta, ka shaqee abuurashada caadooyin ku kaabaya (Kugu hagaya guul-gaadhis). Qorsheyaashaada qor maalintii, todobaadkii, bishii iyo sannadkaba waxaad xaqiiji isleedahay, naftaada daryeel, falcelin raadi iyo in aad naftaada la halgantid
5. Tabarruc ku shaqeyn.
Haddii naftaada iyo qoyskaagu xaq kugu leeyihiin bulshada aad la nooshahayna xaqbay kugu leeyihiin. Haddii aanad dhaqaale aad ku deeqdo aanad hayn, waxa aad awoodda inaad wakhtigaaga wax ku tarto. K aqayb qaado wacyigelimaha bulshada, quudinta qoysaska baahan, waxbarista inta jahliga la fadhida, hag dhallinyarada soo kacaysa, kaalmee dadka xannuunnada la jiifa amma ka qayb qaado wanaag farista iyo xumaan reebista bulshada. Deeqdaasina hakuu noqoto hor ilaahay.
6. Xiisehaaga.
Qofka bani-adamka ah waxa ku abuuran xiise, Barnaamijyo iyo mashaariic haddi ruuxu qabto riyaaqiisu cirkaa sare marayo. Ciyaar, Farshaxan, hadal jeedin, cilaan ama cunto karin hadba midda aad xiiseyso isku daygooda iyo sii horumarintoodu waa midkamida arrimaha aad u ku faani doonto in aad wakhti siisey.
7. Maareynta noloshaada iyo Waxsoosaarkaaga.
Haddii aanad hadaf nololeed aad xaqiiqjo aanad laheyn, waxa aad ka shaqeyn ahdaafta dadka kale. Sidoo kale haddii aanad maareyn wakhtigaaga, noloshaada ma maareyn kartid. Waa sababta dad badan tacabkooda shakhsiyadeed u yaryahay.
Maalgeshiga wakhtigaagu waa maalgeshiga noloshaada. Haddii aad ku guuleysato maalintaada, waxaad ku guuleysatay todobaadka, bisha iyo sannadka. Dejiso hawl-maalmeedkaaga kaddib eeg waxa maalintaa kuu hirgaley iyo waxa kaa baaqday. Sax ama khalad, kaddib maalinta labaad kasii bilow qorshayaasha maanta kaa baaqday.
--------------------------------------------------
Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)
Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs
(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164
--------------------------------------------------------
Guuleyso
Xuquuqda Qoraalku waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.
Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]
Tixgelin.