Isbeddel!

Waxa loogu baadidoonka badan yahay, looguna fulinta daranyahaybaa ah isbeddelka. Naftaada in aad beddeshaa, isbeddel bulsho ayey horseedaysaa, Bulshaddaada oo isbeddeshaana caalamka ayey saameyn ku yeelanaysaa.

 

Tus1:

Wiil  dhallinyaro ah ayaa markuu madaxa iyo minjaha la galay sanadkiisii labaatanaad (20), doonay inuu ku hammiyey sidii uu adduunka wax uga bedeli lahaa ama ku soo kordhin lahaa, toban sano markuu waday ayuu arkay inaanu adduunka oo dhan waxba ka bedeli Karin. Ma quusan ee yool kale ayuu ku go’aansaday ah inuu dalkiisa wax ka bedelo, iyana 10 sano ayey ku qaadatay isaga oo aan daal mooyee wax kale kuma salaaxin. Mar kale ayuu rogaal celiyey isaga oo go’aamiyey inuu gobolka uu degen yahay wax ka bedelo, 10 sano oo kale iyana ku guulaysan waa arrintaa. Calool adayg rag waa u wehele mid kale ayuu qalinka ku duugay ah sidii uu bal magaalada uu degen yahay wax uga beddeli lahaa, 10 sano oo kale ayaan loo qadarin inuu yoolkaasi fulo. Ninkii marnaba ma rajo dhigine talo kale ayaa maankiisu ku yidhi qoyskiina wax ka bedel, howshaana 10 sano oo cimrigiisii ka go’an ayuu geliyey wayse socon wayday. Isaga oo garan la meesha guntintu ka furmi la’dahay, da’diisuna 70 sii dhaafayso ayuu is yidhi malaha adoo ubadkaaga iyo xaaskaaga wax ka bedela ayaa kuu dhaanta, wuxu wadoba sanadii sideetanaad ayaa u soo gashay, isaga oo aan weli dheg loo jalaq siin. Waa nin lixdan sano is bedel bad iyo buur u marayey’e taag daree oo goxoshaa noqay, cimri tagay iyo cirro goorteedii joogtaa waxay isu celiyaanba, isagii ayaa dib isugu noqday oo talo ku gaadhay inuu naftiisa wax ka bedelo! Intaa hadduu go’aansaday ayuu yeeshay laba saaxiib oo kala ah gabow iyo tows, labadaas oo dedaalkiisii dhaawacay qayb weyna dhimay, laakiin wuxu wadoba 10 sano ka dib ayuu is arkay inuu halkii uu weligii taagnaa taagan yahay, oo xitaa naftiisii ka dhega adaygtay! Furaashana uu dul yaalo, oo jalka afka loogu guro, saxaradana laga qaado iyo kaadida, maalinkaas ayuu arkay inaanu ka bilaabin halkii ugu habboonayd ee uu ka bilaabay madax isaga oo minjihii ka booday, oo hadduu ka bilaabi lahaa inuu naftiisa wax ka bedelo kuma khasaareen lixda kale, oo midba midka uu ka horeeyo fuliyo, noloshana calaacal kuma sagootiyeen, waa cimri tagay ceeb ku sagooti

 

Buug, qalin iyo shaah soo qaado. Naftaada lasoo fadhiiso meel cidlo ah si aynu uyeelanno kulan nafeed inoo horseeda isbedelka qofeed ee aynu raadinayno.

Ku bilow waydiin is ogaansho, ‘’ Halkee ayaan maanta joogaa? Halkee ayaan hiigsanayaa? Halkee ayaan u socdaa? Hiigsigaygu waa maxay? Dadka kale maxaan kaga duwanahay? Dadka kale maxaan kaga fiicanahay? Dadka kale ee igu xeeran maxaan kaga liitaa? Dadka kale maxaan kaga dayan karaa ee wanaagsan? Dadka kale aniga maxay igaga dayan karaan?.....

 

Naftayda hore ayaan balan ula galay in aan isbedel balaadhan sameyn doono. Isbedelkii, hadafkii, qorshihii, hiigsigii iyo hadafkii halkuu ku danbeeyey? Muxuu u midho dhali waayey? Maxaa caqabado iga hor yimid? Maxaan u xalin waayey? Sababta aan isku dhiibey maxay ahayd? Maxaa dib iijiidey ee igu celiyey halkii aan kasoo dhaqaaqey? Maxaan wakhtigayga u maareyn waayey? Arrimahaas aan go’aanka ka gaadhay maxaa dib iigu celiyey? Waydiimahan oo dhan si daacada naftaada uga jawaab. Jawaab kastana daba dhig waydiin ah waayo (WHY) ilaa aad jawaab cad naftaada ka helayso….

 

Hagaag. Haddaba halkan waxa aan idinkula wadaagaynaa qodobo aasaas u noqon kara isbedelka qofeed ee aad u hanweyntahay si aad u dhisato mustaqbal aad mahadiso adduun iyo aakhiroba.

 

1)   Wakhtiga

Garo qiimaha wakhtigaaga.

Tus2:

Taabicigii Caami Binu C/Qays ayaa maalin nin ku yidhi ‘’inaan kula hadlaan rabaa’’ markaas ayuu ku yidhi ‘’waayahaye qoraxda jooji inta aad ila hadlayso! Waayo wakhtigu waa socdaa daqiiqadii tagtaana soo noqon mayso, inaad amintaada lumisaana khasaare ka wayni ma jiro wakhtigana wax bedel u noqon karaa ma jiro’’

 

Tus3:

Iimaamu Ibnu Cuqayl ayaa yidhi iima habboona inaan saacad amintayda ka mida lumiyo, marka carrabkaygu daalo oo wax akhriyi waayo, indhahayguna gabaan dheehashada oo wax akhriyi waayaan, maskaxda ayaan ka shaqaysiiyaa! Xataa markaan jiifo, ilaa aan soo  kaco iyadoo ay iigu diyaansan yihiin wixii aan qori lahaa. Maantna ma jiro qof iga cilmi jecel aniga oo 80 jir ah.

Ardaygiisii Ibnu Jawsa oo ka sheekaynaya ayaa wuxu leeyahay ‘’cilmiga ayuu ku howlanaa hadh iyo habeen, kutubtiisa waxa ugu weyn kitaabka FUNUUN, oo ay ku jiraan faa’iidooyin badan sida tasfiirka, xadiiska, luuqadda carabiga, naxwaha iyo fiqiga iwm.

Mar kale isaga oo Imaamu Dahabi ka sheekaynayo kitaabkiisa Funuun wuxu yidhi ‘’kitaab la mida oo ka weyn adduunka laguma qorin, waayo waa 800 oo mujalad! ’’

Tus4:
Sheekh Cabdi Sataar Nuwayl ayaa sheegay, in nin askari ahi soo maray makhaayad ay laba nin ku ciyaarayaan laadhuu, markaas ayuu ku yidhi ‘’ilaa xillima ayaad bilowdeen?’’ waxay ugu jawaabeen ‘’ilaa afartii, ayaan bilownay’’ haddana wuxu yidhi ‘’xillima ayaad gebogebayn doontaan’’ iyo ilaa sagaalka caawa! Wuxu misna waydiiyey ‘’maxaad ka shaqaysaan’’ waxay ugu war-celiyeen ‘’waxaanu nahay macalimiin’’ askarigii ayaa xanaaqay oo ul dabada u qabtay macalimiintii caadiyiinta ahaa, isaga oo ku leh ‘’miyaa shaqo lahayn, miyaa xirfad aad ku shaqaysataan lahayn, waxaad bulshada u qabataan miyaa waydeen’’

Bal ka warran inaga ardaygeena, bareheena, dhakhtarkeenna, askarigeena, inanteena iyo odaygeena intee ayey ku lumiyaan amintooda Laadhuu, Shax, Ciyaar, Muuqaal baahiye (TV), War-side (Telephone) iwm oo aanay is ogayn.

Haddii aad isha la raacdo taariikha dadka tusaalaha quruxda badan ahi dhammaan waxay ka siman yihiin in ay ku adadkaayeen wakhtigooga. Aanay qofna saacad si bilaa ujeedo ah aanay isaga siin. Ku faro adayg wakhtigaaga.

2. Hanka

Tus5:

Cumar Binu Khadaab ayaa laga soo weriyey inuu yidhi ’’hankaaga ha yaraysan, waayo maan arag qof curyaana oo ka daran hanyarida’’

 

Tus6:

Aynu soo xiganno qiso kale oo ku taal dhiganaha Astaamaha qofka hanka sare leh; Maalin ayaa waxa isu yimi 4 nin oo kala ahaa, Cabdilaahi Binu Cumar, C/malik Binu Marwaan, Curwa Binu ZuBayr iyo Muscan Binu Zubayr, ka dib waxay fadhiisteen hadhka Kabcada. Muscab ayaa ku yidhi ‘’maanta qof walba wuxuu rajaynayo ha sheegto’’ waxay ku yidhaadeen adigu bilow. Wuxu yidhi ‘’waxaan rajaynayaa inaan gudoomiye ka noqdo waddanka Ciraaq, labada gabdhood ee Sukayna Bintu Xuseen iyo Caa’isha Bintu Dalxa na aan geersado’’ Curwaa hadalkii qaatay oo yidhi ‘’waxaan doonayaa inaan noqdo caalim weyn oo wax laga barto’’ C/malik ayaa isaguna hadlay oo yidhi ‘’waxaan doonayaa inaan noqdo madaxweynaha muslimiinta oo dhan’’ Cabdilaahina waxa uu yidhi ‘’waxaan doonayaa inaan jannada galo’’ 

 

Dhammaantood waa ay heleen wixii ay ku hammiyayeen ee yoolkoodu ahaa.

 

F.G Cabdilaahi inuu jannada galay anigu ma caddayn karo, laakiin laga yaabee inuu jihaad  ALLE dartii ah ku dhintay oo sidaa ku galay.

 

3. Dedaal

Tus7;

Tomes Edison ayaa la waydiiyey sida uu ku gaadhay aqoonta intaa le’eg, markaas ayuu ydhi ‘’99% sagaal iyo sagaashan boqolkiiba waa dedaal, 1% boqolkiiba kowna waa hibo iyo ilhaan’’ 

 

Tus8;

Baqiya Binu Mukhlad oo ka sheekaynaya safarkiisii ugu dheeraa ayaa leh ‘’waxaan ka soo safray dalka Andalus ee iminka Isbayn loo yaqano, aniga oo u socda dalka Ciraaq magaaladiisa Baqdaad, maan haysan gaadiid aan ku safro sidaa darteed lug ayaan ku imi Baqdaad! Intee ayaad u malaynisaa inuu u socday Baqiya laba dal oo diyaaraddu u kala socoto 6 saacadood oo buure ah, maxayse ahayd himilada ilaa intaa uu u lugaynayeyrafaadkana ugu dulqaadanayey, isaga oo hadalka sii wata ayuu yidhi ‘’waxaan u socday ilaa intaa inaan la kulmo imaamkii weynaa ee Axmed Binu Xambal, ka dibmarkii aan imi waxa aan maqlay in la xidhay imaamkii oo uu ku jiro xabsi guri, cid u tagta iyo cid wax ka baratana aan loo ogolayn, arrintaana aad ayaan uga murugooday in la ii diido ninkaan intaas oo dhan u soo maray, kadibna maan gabin dedaalkii ee waxan raadiyey guriga uu ku xidhanyahay, markaan u tegay ayaan ku idhi waxaan ahay nin qariiba oo meel dheer kaaga yimi, ka dibna wuxu I waydiiyey xagaad ka timi? Iyo Isbayn, wuxu yidhi meel fog ayaad ka timi aadna waan u jecelahay inaan ku garab galo laakiin dawladda ayaa I xidhay oo xabsi ayaan ku jiraa la iimana ogola inaan cid wax u akhriyo la iina yimaado, ka dibna waxaan ku idhi anaa garanaya sidaan wax kaaga baranayo, waxaan iska soo dhigayaa qof faqiira oo wax tuugsanaya dhar wasakh leh ayaan soo xidhanayaa go’ weyna waan soo huwanayaa, ul dheerna waan soo qaadan ka dibna albaabka ayaan istaagayaa kadibna waxan odhanayaa yaa Alle wax siiyey, ka dibna albaabka iga fur oo iska dhig qof wax I siinaya ka dibna ii yeedhi xadiiska Nebiga, imaamkii ayaa yidhi waan ogalahay ee shardi ayaan kugu xidhayaa ah in aanad qofna ku odhan Axmed Binu Xambal ayaan ka yeedhsaday xadiiska, ka dibna waan aqbalay shardigii sheekha, sidii anigoo wax uga barta ayaa waxa dhintay khaliifkii sheekha xidhay ee Waasiq xiilkiina waxa qabtay Mutawkil oo ahaa nin jecel culimada ehlu sunada ah sheekhiina xabsiga ka soo saaray oo yidhi dadka bar xadiiska.

Haddaba Baqiya marka la isku geeyo safaradii uu socdaalay oo laba safar ahaa oo uu ku tagay dalalka Masar, Shaam, Xijaas iyo Ciraaq, safarkiisii hore waxa uu ku qaatay 15 sano kii dambena 23 sano, dhammaan safaradiisa laba lugood mooyee kuma safrin gaadiid.

Tusaaleyaashaasi waxaynu ka baran karnaa cashar weyn oo nolosheena waxbadan innoo iftiimiya. Marka ugu horeysa isbaro, naftaada aqoonso si gudo balaadhan si aad isbeddel la taaban karo u sameyso

Lasoco qaybta 2aad.

Tixraac:

1. Buugga Astaamaha qofka hanka sare leh, Cajab.

Xuquuqda Qoraalku waxa ay u dhowrsantahay @Somalijobs INC.
Lama ogola idan la'aan (Ogolnaho la’aan) in la qaato.

Tixgelin