Feb 22, 2025 by
“U fiirsada cilmiga, waayo cilmigu waa iftiinka wadada nolosha." – Imaam Shafici
Barashada joogtada ahi waa hab fikir iyo hab dhaqan qofka u oggolaanaya in uu si joogto ah wax u barto una horumariyo xirfaddiisa nololeed iyo shaqo. Sida aristotle uu sheegay, "waxbarashadu waa gantaal lagugu rido, waxbarashada joogtada ahna waa shidaalka kugu haya socodka." taasi waxay muujinaysaa in barashada joogtada ahi ay tahay furaha horumarka shaqsi iyo bulsho ahaanba. Sida uu tibaaxay Peter Drucker,’’ Dhaqaalaha mustaqbalka waxaa xukumi doona kuwa sii wada barashada, ee ma aha kuwa joojiyay."
1. Xirfaddaha barashada joogtada ah
Si qofku ugu guuleysto barashada nolosha oo dhan, waa inuu yeesho xirfaddo muhiim ah oo ka caawinaya inuu si waara wax u barto. Xirfaddaha lagama maarmaanka u ah barashada joogtada ah waxaa ka mid ah:
2. Istaraatiijiyadda barashada joogtada ah
Istaraatiijiyadda barashada nolosha waa qorshe qof ama urur si istiraatiiji ah u dejiyo si uu u horumariyo xirfaddahooga ama aqoontooda. Qodobbada ugu muhiimsan waxaa ka mid ah:
3. Khariidadda barashada joogtada ah
Haddii aad maalintii 10 daqiiqo ku bixiso inaad kobciso hal xirfad. Muddo shan sanno kadib ah waxaad ku noqon khabiir loodaba fadhiisto xirfaddaa. Khariidadani waa qorshe lagu jaangooyo barashada joogtada ah, waxaana ay ka koobnaan kartaa:
Sida uu Bill Gates yidhi, "Aqoon raadintu ma laha xilli dhamaad ah, waa nolol dhan."
Cilmi-baadhisyada ku saabsan barashada nolosha waxay tilmaamayaan in:
Reer Afrika waxay ku maahmaahaan, "Ilmaha aan la barin maanta, waa hoggaanka liita ee berri."
Barashada joogtada ahi waa fure muhiim ah oo qof kasta ku hagi kara horumar nololeed iyo shaqo. Waa in aynu si joogto ah u horumarinno xirfaddaha waxbarasho, u dejino istaraatiijiyad cad, ugana faa’idaysanno farsamooyinka casriga ah ee waxbarashada. Sida Charlie Munger uu yidhi: "ma ahan inaad noqoto mid caqli badan oo fadhiista, balse waa inaad noqotaa mid barashada jecel oo joogteeya."
Guuleyso!
Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.
Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]
Tixgelin.
--------------------------------------------------
Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)
Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs
(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164