9 Siyaabood Oo Lagaga Hortagi Karo Daalka Shaqada Marka Aad Dareento Werwer Badan

Dec 28, 2024 by somalijobs inc

9 Siyaabood Oo Lagaga Hortagi Karo Daalka Shaqada Marka Aad Dareento Werwer Badan

Daalku waa xaalad caadi ah oo ku timaada qofka marka uu shaqo badan ama culays badan saaran yahay. Sida laga soo xigtay cilmi-baadhis ay samaysay Hay'adda Caafimaadka Adduunka (WHO), daalku wuxuu si xun u saameeyaa caafimaadka maskaxeed, shaqada qofka, iyo nolosha guud ahaan. Waxaa jira siyaabo lagu maareyn karo oo lagu yareyn karo saamaynta daalka shaqada si aan u helno caafimaad maskaxeed iyo mid jidheed. Halkan waxaynu ku wadaagi doonnaa 9 siyaabood oo kaa caawinaya inaad ka hortagto daalka shaqada:

1. Naftaada u samee xilliyo nasasho

Hawsha joogtada ah waxay keeni kartaa inaad dareento daal iyo culays joogto ah. Naftaada u samee nasashooyin yar yar inta aad shaqeyneyso. Tusaale ahaan, samee nasasho 5-10 daqiiqo ah saacad kasta si aad maskaxdaada u dejiso. Nasashada waxa kamid ah inaad yara kacdo oo aad yara socoto. 

2. Shaqada kala horaysii

Kala hormarinta shaqada waxay kuu ogolaaneysaa inaad xoogga saarto hawlaha muhiimka ah marka hore. Adeegso hababka sida "liiska hawlaha" (to-do list) si aad u qorsheyso maalintaada si habsami leh. Cilmi-baadhis la sameeyey ayaa muujisay in qorshaynta hawlaha maalmeed ay sare u qaaddo waxsoo-saarka 20%. Mudnaanta sii shaqooyinka adag ama culus, shaqo aad ku qaban karto 2 daqiiqo wax ka yar dib ha u dhigan. 

3. Xadid wakhtiga shaqada

Ha isku dayin inaad shaqeyso waqti dheer oo ka baxsan awooddaada. Ku dedaal inaad ku ekaato waqtiyadii loo qoondeeyay shaqada, si aad fursad ugu hesho inaad naftaada nasiso iyo inaad waqti la qaadato qoyskaaga. U shaqee si caqli badnaan ah, ha u fadhiyin shaqo wakhti badan oo aad hawlo kale ku dhaqaajin karto. 

4. Ku xidhnow asxaabtaada iyo qoyskaaga

Wadahadalka iyo la sheekeysiga dadka aad jeceshahay waxay ka caawin kartaa inay kaa yaraato werwerka shaqada. Waqti la qaado asxaabtaada iyo qoyskaaga si aad u hesho taageero. Cilmi-baadhis kale oo lagu daabacay Journal of Social Support ayaa muujisay in taageerada bulshada ay hoos u dhigayso heerka werwerka. Ku xidhnaanta bulshadu waa habka ugu wanaagsan ee aad kaga hortagi karto isku buuqa, werwerka iyo walbahaarka. 

5. Ku Dedaal jimicsiga iyo dhaqdhaqaaqa jidhka

Isboortiga iyo jimicsigu waxay muhiim u yihiin maskaxdaada iyo jidhkaaga. Waxa ay yareyn karaan werwerka, waxayna sare u qaadi karaan tamartaada. Ku dadaal inaad ugu yaraan 30 daqiiqo jimicsi sameyso maalinkasta. Jimicsigu kaliya ma qaabeynayo muuqaalkaaga duleed balse wuxuu horumarinayaa caafimaadqabka maskaxdaada. Jidh caafimaad qaba ayey ku jirtaa maskax caafimaad qabtaa markaad maqasho waxay ka turjumaysaa muhiimadda jimicsiga joogtada ahi leeyahay.

6. Naftaada u samee waxyaabo aad ku raaxaysato

Ka fogaaw inaad noloshaada oo dhan ku bixiso shaqo. Waqti u samee waxyaabaha aad jeceshahay, sida akhriska, daawashada dukumentariyada, ama xiisaha kale ee kuu gaar ah. Marar badan dadku waxay farxad ka raadiyaan meel aan ku habboonayn, Balse ilaha farxaddu way kaa agdhow yihiine u dooro si quman. Digriga iyo xuska Ilaahay waxa laga helaa deganaansho iyo raaxo. Sida Ilaahay SWT inoo tibaaxay: Quluubtu waxay ku degtaa xuska Ilaahay. Maskaxda ku hay, hadal haynta dadku waa xanuun, hadal haynta Ilaahayna waa caafimaad. Daqiiqad kasta oo kusoo marta badhna shaqayso badhna Ilaahay SWT xus oo carabkaagu yaanu marnaba ka qalalin xuska Ilaahay.  Laba bilood haddii aad tasbiixda elektoroonigga ah ama tusbax aad joogteyso, Carabkaagu wuxuu la qabsan doonaa digriga. Waxaad is arki adiga oo meelahaa socda oo haddana digriyaya, waana deeq Ilaahay bixiyo oo aanay inbadani helin. Ilaahayow carabadayada ku sug xuskaaga. Aamiin.

7. Baro sida loo yidhaahdo maya

Ha isku dayin inaad qabato shaqo ka badan inta aad awooddo. Baro inaad si asluub leh uga diido hawlaha dheeraadka ah marka ay culayskaaga kordhinayaan. Tusaale ahaan, waxaad dhihi kartaa: "Waan ka xumahay, laakiin hadda ma awoodo inaan qabto shaqadan.

8. La hadal maamulkaaga haddii culayskaagu sii bato

Haddii aad dareento inaad culays badan la tacaalayso, la hadal maamulkaaga si aad uga wada hadashaan xalal lagu yareyn karo culayska shaqada. Cilmi-baadhis laga sameeyay mareykanka ayaa tilmaamtay in 70% shaqaalaha la tashaday maamulka markii ay dareemeen culays shaqo, taas oo keentay isbeddel wax ku ool ah lagu sameeyey habkii shaqadooda. 

9. Naftaada ku abaal mari guulahaaga

Marka aad hawl muhiim ah aad qabato, naftaada ku abaal mari waxyaabo fudud sida inaad cunno wanaagsan qaadato ama aad fasax yar qaadato. Tani waxay kaa caawin kartaa inaad dareento dhiirigelin iyo farxad. Sida murti Soomaaliyeed u dhigan tahay: "Guul yar waa u gogol guul weyn." 

Inaad ka hortagto daalka shaqada waa arrin muhiim ah oo kuu ogolaaneysa inaad sii ahaato mid firfircoon oo caafimaad qaba. Ku dedaal inaad fuliso talooyinkan si aad u wanaajiso noloshaada shaqo iyo tan gaarka ahba. Cilmibaadhiso badan ayaa muujinaya in qofka maareeya culayska shaqo uu ku guuleysto shaqadiisa iyo noloshiisaba.

Guuleyso!    

Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.     

Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]      

Tixgelin.

--------------------------------------------------    

Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)

Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs    

(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164