11 Xirfadood Oo Kobcinaya Garaadkeena

Barashada sida hawlaha   loo qabto si sax ah iyo ku takhasuskoodu  waa waxa si weyn uga qayb qaata xoojinta naftaada shaqsi ahaan iyo noqoshada mid tartan ku gali karta  meelaha aad xiisaynayso inaad ku fiicnaato. Si kastaba ha ahaatee, marka ay timaado fahamka iyo qabsashada xogtu, badanaa dhib ayaan kala kulannaa fahamka waxa aan isku dayayno inaan barano, waxaan ku mashquulnaa waxyaabo kale, xitaa waxaan si aad ah ugu dhibtoonaa inaan si buuxda u fahanno mawduucyada qaarkood.

Mararka qaar, waxay u muuqataa in waxa aan isku dayayno inaan gaarno aysan inoo ahayn kuwa naloogu talagalay maxaa yeelay aad ayay u adag tahay inaan fahanno. Xaaladdaas marka ay jirto, waxaa jira xirfado garaad oo kala duwan oo aan ka shaqayn karno nolosheenna si ay nooga caawiyaan inaan noqono kuwo wax u baran kara si wanaagsan, oo haddii aan waqti gelinno horumarinta meelahan, waxaan heli karnaa waqti fudud oo aynu ku ururinkarno macluumaadka iyo dabaqiddiisa halka aan uga baahan nahay inaan u adeegsano.

Halkan waxaa ku qoran 11ka xirfadood ee garaadkeena kor uqaadaya ee ugu waxtarka badan si loo dedejiyo waxbarashada kuwaasoo lagugu dhiirrigelinayo inaad mudnaansiiso si aad ugu hesho waayo-aragnimo aqooneed oo  wanaagsan oo ku anfaca toddobaadyada, bilaha, iyo sannadaha soo socda.

1. Dareenkaga sii hawlgaar ah (Selective Attention)

 Dareen siinta hawlgaar ah waa mid kamida xirfadaha kuu ogolaanaya inaad dareenkaag oo dhan ujediso hal shaqo oo muhiim ah ,waqti cayiman adigoo iska indhatiraya waxyaalaha kale ee kaa mashquulinaya hawshaas  

Marka aad joogto meel buuq badan, waxyaabo badan ayaa  soo jiidan kara dareenkaaga. Badankood waxay noqon karaan kuwo xiiso leh oo ku  mashquulin kara, laakiin waxay kaa fogaynayaan sababta aad halkaas u joogto. Hadda, iyadoo loo marayo  habka ah dareenkaaga aad siinayso hal shaqo, waxaad awood u yeelanaysaa inaad diiradda saarto sababta aad halkaas u joogto oo aad ka shaqayso hawsha aad utimid  halkaas.

Tusaale ahaan, adiga iyo saaxiibkaa waxaad joogtaan maqaaxi ku taal bartamaha magaalo buuq badan oo ay ku jiraan gawaarida buuqoogu, buuqa ka socoda  dukaamada ku xiga  hudheelkan, dad balwadaha isticmaala oo murmaya ama dagaallamaya qayladooda, iyo waxyaabo kale. Waxayu badan tahay inay dhagahaaga kusoo dhacaan buqaas oo dhami

Hase yeeshee, sababta ugu weyn ee aad halkaas u joogto waa inaad wada sheekaysataan adiga iyo saaxiibkaa intaad wax cunaysaan, xirfadan ayaa kaa caawineysa inaad u jeediso dareenkaaga hawshaas oo aad sii waddo ilaa aad ka dhammayso.

Waxaa jira laba nooc oo habka loo siiyo hawlahaaga dareenkaaga :

1. Diiradda  saarida muuqaalka ah (Selective Visual Attention): Waxay diiradda saartaa waxyaabaha mudnaanta leh marka ay jiraan waxyaabo badan oo muuqaal ahaan soo jiidasho leh oo harerahaaga ka dhacaya 

2. Diiradda saar cod gaar ah (Selective Auditory Attention): Waxay ku salaysan tahay dareenka maqalka, tusaale ahaan, inaad iska dhaga-tirto buuq hareerahaga ka socda  oo aad diiradda saarto hadalka saaxiibkaaga.

 Si aad horumariso xirfadan waxa fiican inaad samayso  fiiro gaar ah adoo isticmaalaya mediation .Tag meelo buuq leh oo isku day inaad muddo dheer diiradda saarto hal wax oo aad doonayso ama aad ka shaqaynayso

2. Diirad saarida  Joogtada ah (Sustained Attention)

Diiradda joogtada ah, oo sidoo kale loo yaqaan vigillant attention  waa xirfad garaad oo kaa caawinaysa inaad ku sii jirto hal mashruuc oo aad ka  shaqayso illaa aad ka dhammayso. Diirad saarida noocan ah waxay kaa dhigeysaa qof muddada dheer ku adkaysta marka ay timaado shaqadaada ama barashadaada.

Haddii aad go’aansato inaad aqriso buug ku saabsan mowduuc aad xiisaynayso, waa inaad aad akhriso buuggaas maalin kasta illaa aad ka dhammayso, kadibna waxaad u gudbeysaa buug kale.Si loo wanaajiyo diirad saarida joogtada ah: Samee waqti dheer oo aad si buuxda diiradda u saarto waxa aad baranayso.

Marka aad wax akhrinayso, qor noteska  waxa aad baratay muddo kasta oo 30 daqiiqo ilaa saacad ah.

Dhageyso buugaag maqal ah ama daawo muuqaallo dhaadheer oo ku saabsan waxa aad baranayso.

Isku day inaad ku xigsiiso waxyaalo  xiiso leh kadib waqtiyo waxbarasho oo dheeraad ah si aad fiiradaada ama focus kaaga  u xoojiso.

3. Diirad saarida Qaybsan (Divided Attention)

Inkasta oo diiradda hal shay ku saabsan ay wanaagsan tahay, ka soo horjeedkaasna waa faa’iido leh. Diiradda la qaybsan waa inaad diiradda saarto in ka badan hal mashruuc ama hawl isku mar. Tani waxay u muuqan kartaa mid aan wax soo saar lahayn, laakiin dhab ahaantii ma ahan.

Tusaale ahaan, marka aad leedahay waaxyo kala duwan oo aad ku qaadanayso machadka waxbarashada ama cutubyo kala duwan buug ku jira, waxaa laga yaabaa inaad isku aragto inaad dhammayso hal cutub, laakiin isla mar ahaantaana u baahan tahay inaad diyaariso midka ku xiga.

Si loo wanaajiyo diirad saarida qaybsan:

 waxa aad u baahan tahay inaad barato iyo sida aad u baranayso.

Ku celceli  oo isticmaal kaydinta macluumaadka waqti gaaban ee maskaxda  si aad ugu kaydiso xasuusta fog.

Ku shaqee dhowr hawlood oo fudud isku mar si aad u wanaajiso xirfaddan

4. Maangalka iyo Sabababaynta (logic and Reasoning)

Maangalka iyo Sabababaynta waa xirfado garaadka laga shaqaysiinayo  oo  kuu oggolaanaya inaad xalliso dhibaatooyinka oo aad ka  fikirto xalal cusub oo macno leh. Waxbarashada badankeed  si toos ah ayaa loo sharraxaa, laakiin mararka qaar waa inaad si qoto dheer u fikirto oo aad fahamto sida macluumaadka aad heshay u shaqeynayo si aad ugu dabaqdo xaaladaha nolosha dhabta ah.

Tusaale ahaan, inta lagu jiro imtixaanada, 

Si aad u wanaajiso xisaabta iyo sababaha:Macalinku waxa uu kaa filayaa inaad isticmaasho wixii lagu soo baray si aad u xaliso suaalaha , inkasto suaaluhu uyaalan qaab kaduwan sidaad ku ogayd waxaad ubaahan kartaa inaad ka fikirto wax ka baxsan intaad dhigatay , hadaba waa halka mawduucani ka soo galayo inaad adeegsato xirfadan 

Si aad uhesho sababayn iyo maangal fiican Samee xogururin ku saabsan xaalado kala duwan kadibna daawo sida ay u dhacayaan si aad u hubiso inaad saxday xalintoodi adoo eegaya maangalnimadooda 

Ciyaar ciyaaraha maskaxda sida chess si aad u Barato  hababka iyo qaababka hawlaha aad ku dhexjirto u socdaan

5. Xawaaraha Hawlgelinta (Processing Speed)

Xawaaraha hawlgelinta waa xirfad garaad oo tilmaamaysa awooddaada inaad si dhakhso ah u fahanto waxa aad baranayso oo aad si fudud ugu dabaqdo meelo gaar ah si aad u hesho natiijooyinka aad doonayso ama aad rajanayso. Tani waxay kordhisaa wax soo saarkaaga maalinlaha ah waxayna kuu abuurtaa waqti dheeraad ah hawlaha kale ee kuu dhiman

Tusaale ahaan,ka fikir  haddii aad awoodo inaad 30 daqiiqo gudaheed ku akhriso oo si buuxda u fahanto mowduuc cusub, waxaad noqonaysaa qof waxtar badan leh sida mawduuc cusub ood akhrinaysay oo kale 

Qaybta xiisaha lihi waxay tahay inaad fahanto macduucaasi wuxuu kusaabsan yahay si aanad mardambe aanad ugu baahan inaad soo akhrido ama aad ku noqoto 

Inaad lahaato xirfadani waa suurtagal waxanay kaa dhigaysaa qof firfircoon , noloshaadana tayadeeda ayay kor uqaadaysaa

Si aad u wanaajiso xawaarahaga hawlgelinta:

Samee jimicsi aerobic si joogto ah, wax akhri adigoo naftaada ku riixaya inay ufahanto si dhakso ah  Cun cunto caafimaad leh oo nafaqo badan.

6. Habka Fahamka jaantuska ama muuqaalada (Visual Processing)

Habka fahamka muuqaalka waa xirfad garaad oo la xiriirta xawaaraha hawlgelint   

( processing speed ), laakiin waxay diiradda saaraysaa xogta muuqaalka.

Xirfaddan waxay faa’iido leedahay marka aad isku dayayso inaad fahanto xog muuqaal ah sida sawirrada, jaantusyada, iyo shaxda. Waxaynu  ognahay inaynu mar uun nolosheena aynu isticmaali doono xogta muuqaaladan ku jirta sidaa daraaded barashada xirfadani waxay kaa caawinaysaa inaad fahanto jaantuskaas markastood la kulanto          

Markasta oo aad isticmaalayso xogta ku jirta sawiraantan ama jaantuska , waa markasta oo ay kuu fududaanayso inaad si dhibyar aad ku fahamto xogta ku jirta mustaqbalka 

7. Habka Fahamka Dhawaaqa (Auditory Processing)

Habka fahamka dhawaaqa waa xirfad la xiriirta xawaaraha hawlgelinta (processing speed) laakiin diiradda saaraysa xogta codka sida buugaagta maqalka  ah kale .

Waxaa jira waqtiyo badan oo buugaagta maqalka ah ama barnaamijyada codka ah ay kuu badbaadin karaan waqti, gaar ahaan marka aad waxbaranayso. Haddii aad si wanaagsan u fahmi karto oo u isticmaali karto xogta codka, waxaad ku heli doontaa waayo-aragnimo waxbarasho oo fudud.

Si aad u wanaajiso fahamka maqalka.=

Dhageyso buugaagta maqal ah ama muxaadarooyin cilmiga ah si joogto ah.

Ku celceli fahamka xogta codka oo isku day inaad sharaxdo wixii aad dhageysatay.

8. Xasuusta Shaqaynaysa (Working Memory)

Xasuusta shaqaynaysa waa meesha aad ku kaydiso xogta dhowaan lagu bartay ee aad u baahan tahay inaad isla markiiba isticmaasho. Haddii aad awoodo inaad isticmaasho qalab cusub adigoo aan marar badan dib ugu noqonayn  tilmaamaha qalabka eed hore u akhriday , xasuustaada shaqadu way wanaagsan tahay.

Si loo wanaajiyo xasuusta shaqaynaysa:

Ku celceli aragtida ereyo, nambarro, ama sawirro dhowr ilbiriqsi kadibna isku day inaad dib ugu soo celiso maskaxdaada.

Samee xisaabo fudud adigoo isticmaalaya xogta aad si degdeg ah u aragtay.

Dhageyso codadka oo isku day inaad xog cusub la xiriiriso kuwa hore ee aad garanayso.

9. Xasuusta Fog (Long-Term Memory)

Xasuusta fog waa awoodda lagu xafido oo dib loogu soo celiyo xogta la kaydiyay muddo dheer kahor. Haddii aad awoodo inaad si sahlan u xasuusato magacyada dadka, sheekooyinka, ama faahfaahinta waqti dheer ka hor, xasuustaada fog waa mid heer sare ah.

Si aad u wanaajiso xasuusta fog:

Ku celceli macluumaadka si joogto ah (repetition).

Ku Sawiro maskaxdaada oo kaso qaad inaad waxa aad  baranayso.

Si xooggan ugu fiirso oo diiradda u saar marka aad wax cusub baranayso. 

10. Garaadka fudud (Fluid Intelligence)

Garaadka fudud waa awoodda lagu fikiro, wax lagu abuuro, laguna isticmaalo xogta cusub ee dareemadena (senses) si loo xalliyo dhibaatooyinka waqtigaas.

Tani waxay kaa caawinaysaa inaad si dabacsan oo furan uga fikirto arrimaha, gaar ahaan marka aadan heli karin xogtii hore. Inkastoo la aaminsan yahay in garaadka fudud hoos u dhaco marka la gaboobo, hadana waa mid la horumarin karo da’ kasta.

Si aad u wanaajiso garaadka fudud:

Ku shaqee horumarinta xasuustaada shaqaynaysa( working memory ) maadaama ay si dhow isugu xidhan yihiin.

Samee jimicsiyo maskaxeed sida ciyaaridda ciyaaraha caqliga kobciya .

11. Garaadka Adag (Crystallized Intelligence)

Garaadka adag waa ka soo horjeedka garaadka fudud maadaama uu ku tiirsan yahay xogtii hore iyo waayo-aragnimadii aad ururisay. Waxaad ku sii xoogaysataa garaadka adag marka aad da' daadu waynaato sababtoo ah waayo-aragnimo badan iyo xog cusub oo aad kasbato.

Si aad u wanaajiso garaadka adag:

Ka faa’iidayso waayo-aragnimadaada nolosha oo u rog xog dhab ah oo aad ka faa’iidaysato.

Baro xirfado cusub oo ku dhis aqoontaada hore.

Gunaanad: Haddii aad xoogga saarto xirfadahan garaadka kobciya, waxaad si fudud u baran kartaa waxyaabo cusub oo aanad hore u aqoon. Ku bilow hal xirfad, si tartiib ahna uga shaqee xirfadaas horumarinteeda. Markaad waqti ku bixiso horumarinta naftaada iyo maskaxdaada, noloshaada way ka fiicanaan doontaa sidii hore .

Guuleyso!  

Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.     

Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]      

Tixgelin.

--------------------------------------------------    

Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)

Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs    

(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164