Ka Adkow Naftaada!

''Ha u bedelin naftaada, dabeecadaada iyo dhaqankaaga dad kale dartood.'' 

Codsiyo tiro beel ah, fariimo, wicitaan iyo codsi kulameedyo badan ayaa kaaga imanaya dadyowga ku xeeran noloshaada ee, ehel, asxaab, shaqo wadaag iyo baraha bulshadu kuwada xidhiidhaba le. Si aad naftaada u horumariso waxaad u baahantahay in aad sameysato xuduuddo badqaba oo kaa ilaaliya in aad isweydo.Hiigsigaasi wuxuu noqon karaa hadaf weyn iyo hadaf yar. Hadafka weyni waa in aad Janno gasho ilaahay idamkii, Tacliinta meelsare ka gaadho, wax soo kordhiso iwm. Hadafka yarina waa talaabooyinka maalin laha ah ee aad qaadeyso si aad hadafkaa weyn u xaqiijiso 

Tusaale, 

Hadafka weyn ee ah in aad janno gasho, wadadii toobiyaha kugu ridaysay waa laguu jeexay. Kaliya waxaad u baahantahay in aad naftaada ku tababarto habkii aad ku xaqiijin laheyd. 

  

- Cibaadada ku dedaal  

Tusaale: Salaadda 

Nebi Maxammed CSW wuxuu 24 kii saacba tukan jirey 42 Ragcadood oo Salaad ah. Waajibka: 17 Ragcadood, Sunneyaasha 12 Ragcadood, Taajud 11 Ragcadood iyo 2 Ragcadood oo duxa ah (17+12+11+2=42 Ragcadood). Innagu halkaynu taagannahay 

Qur'aan Akhriska 

Dhammaan haldoorka culimada islaamku haddii aad akhrido taariikhdooda waxay lahaayeen wardi qur'aan ah oo maalin leh. Ibnu Taymiyah Ilahay ha u raxmado'e maalintii 3 juz oo wardi qur'aan ah ayuu lahaa, qaarkood 2 juz, qaarkoodka 1 juz. Innagu halkaynu taagannahay? 

Aqoon Korodhsi: 

Diinta barashadeeda maalintii in aad wakhti siiso 1 saac ah. Bishi 30 saac, Sanadkii 360 Saac. Intee oo kutub ayaad dhameyn kartaa? 

Shahaado cusub bilow Degree/Master/PhD. Maalin kasta 1 saac haddii aad geliso 360 kaas saacadood noloshaada isbeddel weyn ayey ku keenaysaa. 

Xirfad Cusub: 

In aad naftaada ku qalabaysnaato xirfaddaha ugu danbeeyey ee suuqa shaqada looga baahanyahay waxay sare u qaadeysaa derejadaada suuqa shaqada. Khabiir ku noqo xirfaddaha loogu raadinta badanyahay, si suuqa shaqadu adiga kuu daba socdo halkii aad adigu suuqa shaqada ka naawili lahayd fursaddaha kasoo banaanaada 

1 saac oo maal-gelin nafeed ahi sannad kaddib waxay kaa dhigtaa khabiir loo daba fadhiisto xirfadahaa aad wakhtiga gelisay. 

2. Qorshee maalintaada 

Haddii aad ku guuleysato maalintaada waxa aad ku guuleysatay todobaadkaaga, Kaddib  sannadkaaga iyo noloshaadaba adigaa hage u ah oo horjooge u ah. Si aad maalintaada u qorshaysato qaabkan raac: 

- Ogow mashaariicda aad rabto in aad ka shaqeyso 

~Horumarinta Akhriskayga 

~Horumarta Luqaddayda Ingiriisiga 

~Horumarta Xirfaddayda shaqo 

~Jimicsi iyo jidh-dhis 

~Diinta barashadeeda 

  

- Wakhtigaaga ku fadhiisi hawlahaa aad rabto in aad qabato  

4:40am - 5:40am Salaad: Taajud, Sunne, Subax iyo Qur'aan akhris 

6:00am - 6:30am Quraac Iyo diyaar garow 

6:30am - 7:00am Tagista goobtii shaqo  

7:00am - 10:00am Shaqo 

10:00am -10:30 Nusasaace 

10:30am - 12:00pm Shaqo 

12:00pm - 12:40pm Salaad: Digri, Sunne iyo duhur...... 

Habkaas oo kale wakhtigaaga ugu fadhiisi hawlqabadkaaga. 

Buug soo qaado oo qaabkaas oo kale wakhtigaaga u qaabee ama adeegso software kaa caawinaya sidii aad si fudud ugu diyaarsan lahayd jedwelkaaga sida: Calendely, Acuity scheduling, Doodle, IKK. 

  

3. Wargelin 

''Noloshaada qof kasta oo aad tirsanayso, Naftaadu waa in ay qofka koowaad noqotaa.'' 

Haddii aad markii hore aheyd qof aan wakhtigiisu u qorshaynayn oo aad hadda qorshaysatay, Dadyowga kugu xeerani ma aha inay kuugu soo hagaagaan sidii aad hore u ahayd qof albaabkiisu furanyahay marwalbaQorsheynta wakhtigaaga iyo maalintaada ogaysii dadka muhiimka kuu ah ee kugu xeeran, ku celcel ilaa inta ay kula qabsanayaan. 

  

Tusaale, 

Muuse, Oo waayadii hore nala caweyn jirey ilaa 11:30pm ayaa wakhtigiisii dib-u-habeyn ku sameeyey oo waxa uu go'aansaday inuu 10:00pm seexdo si uu u kallaho. Hadda Muuse waxa aanu is haleelnaa todobaadkii 2 maalin oo uu hore nooga hoydo 9:00pm. Sida khasab ah ayaanu ula qabsannay go'aankiisii uu noosheegay, kuna adkaystay ilaa aanu la qabsannay annaguna. Hadda 9:00pm marka anay daqiiqad dhaafin baanu Muuse wada eegnaa annaga oo macasalaamaynayna...... Adiguna waad ka dhaadhicin kartaa qorshahaaga dadka kugu xeeran 

  

4. Falcelin  

Dadyowga kugu xeeran in aad ka hesho falcelin ku saabsan isbeddelkaaga nololeed iyo qorshaha aad ku socotaa waa mid xayaabo tireysay hadafka yar ee ku gaadhsiinaya hadafka weyn Ilaahay idamkii. Wareyso oo hordhig arrimaha aad qiimeynta uga baahantahay.   

  

Maskaxda ku hay cidda aad falcelinta ka raadineysaa waa inay noqotaa: 

- Qof aad wax badan wadaagtaan 

- Aqoon aad u leedahay 

- Daacad ah 

- Ku dhiirigelin kara  

- Si xikmadaysan kuu toosin kara. IWM 

  

5.  Go'aan qaado 

Ducooyinkii subbaneheena NNKH Waxa kamid ahaan jirtay,''Ilaahayow waxaan ku waydiisan go’aanka aan wanaagaa ku sameyn lahaa iyo in aan ku sugnaado oo aanan ka leexleexan.'' 

Nolosha go'aan walba oo aad qaadato  waa in aad ku faro-adaygi kartaa ilaa aad ka midho dhalinayso. Waa habka kaliya ee aad dayaxa ku gaadhi karto 

  

Tusaale 

Sheekh Maxamed Ratib, wuxuu 55 jir ku gaadhay ummi (qof aan wax akhriyin waxna qorin). Waxbarasho ayuu bilaabay, qur'aanka xifdiyey, marinka diin barashada halkaa kasoo galay ilaa uu noqday Sheekhul Azhar. Ta kudayashada mudan ayaa ah: go'aan iyo casiimo uu qaatay darteed wuxuu gaadhay inuu muddadaa yar ku noqdo sheekhul Azhar. Wuxuuna dhintay isagoo 96 jir ah. 

  

6. Ducada 

وَقَالَ رَبُّكُمُ ٱدْعُونِىٓ أَسْتَجِبْ لَكُمْ ۚ إِنَّ ٱلَّذِينَ يَسْتَكْبِرُونَ عَنْ عِبَادَتِى سَيَدْخُلُونَ جَهَنَّمَ دَاخِرِينَ ٦٠ 

“I barya waan idinka aqbaliye. Duulka ka kibra baryada ilaahay  waxay geli doonaan jahannama iyagoo duleysan.”  

Ducadu waa cibaado u baahan wakhti si lamid ah Xuska Ilaahay, salaadda iyo qur'aanka. Talaabo kasta oo aad qaadeyso Ilaahay kaalmeyso. Hubaashii qofka Ilaahay talo saartaa ma habaabayo 

  

Imamu Qasali, ''Waxa la is faray laba xaal ficilka kahor iyo ficilka kaddib. Wixii lagu amray inta aanad sameyn laba waxbaa lagaa rabaa: 1. Go'aansi 2. Ilaahayna kaalmo waydiiso inuu ku waafajiyo. Marka aad dhameyso ee ficilka kaddib ah in aad istikhfaarta boobtid.'' 

  

7. Digriga Badi 

Waxay culimadu yidhaahdaan, '' Waxa loo istikhfaarsadaa dhaawacaaga inaad ku dhayatid (Dunuubta iyo macaasidu waa dhaawac), Nolosha wixii khalkhal kaa galay ee isku kaa qaban waayey inaad ku toosatid, kufkaaga iyo jabkaag inaad ku kacsatid, qaloocaaga iyo qabyadaada ku dhamaystiratid isla markaana qalbigaaga ku iftiinsatid.'' 

Ogow Adduunyada kuwa wanaaga ehelkiisa noqdaa, Aakhiro wanaaga ehelkooda ayey noqon doonaan. Kuwa adduunyada sharka ehelkooda noqdaanna, aakhiro sharka ehelkooda ayay ahaan doonaan. Waa dhankaad u badato uun.

--------------------------------------------------------      

Guuleyso      

Xuquuqda Qoraalku waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.      

Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]       

Tixgelin.    

--------------------------------------------------    

Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)    

Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs    

(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164