Shaqada Iyo Ramadan Kaddib!
Apr 13, 2024 by

Shaqada Iyo Ramadan kaddib!
Layliga dhabta ahi wuxuu bilaabmaa markay Ramadaan dhammaanto, Daryeel iimaankaaga!
Dabcan, shaydaanka kiisa madaxa adag oo silsiladaysnaa, albaabada naarta oo xidhnaa, dadka khayrka kugu kaalmeynaya oo badnaa, duco, soodhaweyn iyo mudnaanta ay leedahay bishaa xurmada lihibaa innagu dhiirigelisay ka faa'ideysiga maalmahaas mudan.
Martidii inasoo booqatay way carawday maalmo horteed, wixii sahay iyo casharo ah ee aynu ka korodhsannaybaynu kow iyo toban bilood ku tamarin doonnaa. Dabcan layliga dhabta ahi hadda ayuu bilaamayaa. Faa'idadii aad kala hadhay halumin.
1. Ilaalinta Cibaadada
(Waajibka, sunnaha, witriga iyo duxada) Sirtu waa joogtaynta tababarkaa aad sooqaadatay. Salaaddu waa tiirka labadaa diinteena, kaalintay ku jirtobaa ina tusinaysa qiimeheeda. Waa camalka ugu horeeya ee la innaga xisaabin doono ee Ilaahay SWT Markay arrimuhu innagu adkaadaan ina yidhi kaashada SALAAD IYO SABIR.
2. Qur'aan Akhriska:
Haddii aad Ramadan inbadan akhridey, haddana sii wad oo yeelo wardi maalin le ah. Hubaan shaykasta oo QUR'AANKA Xidhiidh layeeshaa qiime weyn ayuu yeeshaa. Tusaale: Bishii qur'aanka lasoo dejiyey, habeenkii qur'aanka lasoo dejiyey, umaddii qur'aanka lagu soo dejiyey iyo Nebigii qur'aanka lagusoo dejiyeyba waxay noqdeen kuwa UGU KHAYRKA BADAN. Khayrkaa haka qadin, maalinta aanay cidina cidkale u shafeeco qaadi karinbuu kuu doodayaaye.
3. Caawinta Dadka:
Islaamku waa naxariis, dhibirsanaan, wanaajin, samo ka talin, dhexdhexaadin, Xalin khilaaf, xuma reebis, waanin, Caawin iyo dhiirigelin. Ugu naxariisto noolaha sida Ilaahay SWT kuugu naxariistay, Ugu dhibirsano sidaanu Ilaahay khaladkaaga kuugu qaban ee uu inbadan kaa dhaafo, Samaha katali Ilaahaybaa arrimahaaga kala toosine. Dadka isku soo dhawee, ka leexsan haku daawane ka qabo, ka wanaaga wada dhiirigelin. Noqo mid dadka ANFACA, Dadka waxa ugu khayr badan kuwa ugu WAXTARKA BADAN.
4. Diinta intaad taqaano ku dhaqan:
Diintu waa hab dhaqan iyo hab nololeed. Ku camal fal diinta intaad taqaano. Haddii aad taqaan Xanta, xaaraanta, xumaha, isku dirka, nacaybka, dad kala dilka, dad isku dirka, dulmiga, cadaalad darrada, xasadka iyo kutidhi ku taalaha intaasiba waa XAARAANE ka fogow. Aakhiro camalkaad horumarsatay oo dhanbay leefayaan, Masay danbiga dulmanaha dhakadaada soo saarayaan. Ogow aakhiradaadi maalintaad dhimatobay ka bilaabmaysaaye! Ma maantaa? Ma beribaa? Ma bishanaa? Ma sannadkanaa? Ma ogin! Ilaahay SWT innaga oo sugan oo xaqa ku taagan ha ina oofsado idamka Alle. Dedaalbayse u baahantahay.
5. Ilaahay yaanu kula yaraan!
Ciddaad iska eegayso Ilaahay SWT yaanu kuula qiimo liidan.
يَسْتَخْفُونَ مِنَ ٱلنَّاسِ وَلَا يَسْتَخْفُونَ مِنَ ٱللَّهِ وَهُوَ مَعَهُمْ إِذْ يُبَيِّتُونَ مَا لَا يَرْضَىٰ مِنَ ٱلْقَوْلِ ۚ وَكَانَ ٱللَّهُ بِمَا يَعْمَلُونَ مُحِيطًا ١٠٨
Waxay iska qar qarinayaan oo ay ka xishoonayaan DADKA, Ilaahayse iskama qarinayaan oo Ilaahay waxba iskama tirinayaan. Wakhtibaanay Ilaahay iska qarinaynoo ay isleeyihiin cidi idinma oga. Wakhti ay ku dhafrayaan shay aanu Ilaahay SWT Raali ka aheyn (Hadallo ay ku hadlayaan) Ilaahay SWT wuxuu ahaaday waxkasta oo ay ka shaqaynayaan Ilaahay wuu koobay. Suratul An-Nisaa 108
Abu Xaamud Al-Qaasaali,'' Suurtegal ma aha qofku intuu Ilaahay SWT Yaqaano, aqoon dhab ah haddana inuu Ilaahay Caasiyo oo uu Ilaahay Jeclaan waayo. Haddii ay saasi dhacdo AQOONTII ilaahay SWT ayey waxa ugu dhimantahay oo si sax aanu u baran.''
Ibnu Qayyim, “Ruuxa Ilaahay garta ee sifiican u yaqaana. Ilaahay wuu ka cabsanayaa SWT, Ilaahay wuu ka rajeynayaa oo Waa uu talo saaranayaa. Laakiin intuu (Ilaahay) yaqaano inleeg uunbuu ka cabsanayaa, intuu (Ilaahay) yaqaano inleeg uunbuu rajeynayaa, intuu (Ilaahay) yaqaano inleeg uunbuu caabudayaa, intuu (Ilaahay) yaqaano inleeg uunbuu baryayaa, intuu (Ilaahay) yaqaano inleeg uunbuu talo saaranayaa. intuu (Ilaahay) yaqaano inleeg uunbuu Wayneynayaa.”
Sirta layliga Ramadaantu waa caado wax akhris, cibaado, sadaqo iyo caawin aynu ku tababaranno. Haddii 21 cisho layidhaa sifiicanbaa loola qabsan karaa caado cusub. in kabadan oo 30 maalmood ahbaad tababaratay. Sirtuna waa joogteynta.
- - ---------------------------------------------------------
Guuleyso!
Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.
Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]
Tixgelin.
--------------------------------------------------
Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)
Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs
(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164