Mas’uuliyadda!

Masuuliyaddu waa amaano, culays, dedaal, naf-hurid iyo horumarin. Qof kasta waxaa wax laga waydiin doonaa naftiisa, qaadista  masuuliyadda ka dhalata ficillada uu qaadayo iyo naftiijooyinka kasoo baxaya si taban ama hab togan labadaba. Islaamka, mas’uuliyaddu waxay ku saleysan tahay caddaalad, anshax, iyo ilaalinta xaqa kuwa kale. Xadiiska caanka ah ee aynu wadagaraneyno, Nebigu SCW wuxuu yidhi: “Dhammaantiin waxaad tihiin mas'uuliyiin, dhammaantiin waxaa la’idin weydiin doonaa mas’uuliyadda laydin saaray.” (Bukhaari iyo Muslim)

Masuuliyaddu waxay leedahay 3 qaybood: Fahan, Karti waxqabad iyo ficil. Qof kasta oo Muslim ah waxaa laga rabaa inuu ilaaliyo diinta, caafimaadkiisa, maskaxdiisa, sharafkiisa, iyo maalkiisa. Wuxuu sidoo kale leeyahay mas’uuliyadda ilaalinta deegaanka, xaqa dadka kale, iyo sameynta ficil wanaagsan. Qoysku waa midkamida tiirarka qoyska. Ragga waxaa saaran mas'uuliyadda hogaaminta qoyska iyo bixinta baahiyaha aasaasiga ah sida raashinka, hoyga, iyo waxbarashada. Haweenkuna waxay leeyihiin mas'uuliyad weyn oo ku saabsan tarbiyada carruurta iyo ilaalinta xasilloonida guriga. Labada dhinacba waxaa looga baahan yahay in ay iska kaashadaan xaqiijinta in qoyska uu noqdo mid barwaaqo iyo jacayl ku dhisan.


Muslimku wuxuu leeyahay mas’uuliyad ka sarraysa tii qoyska taasoo ku wajahan bulshada iyo qarankiisa. Waa inuu ku dedaalaa hagaajinta bulshada, ilaalinta nabadda, iyo sameynta caddaalad. Madaxdu waxay qaataan mas’uuliyad dheeraad ah, waxayna ku qasban yihiin inay si xaq iyo cadaalad leh u maamulaan dadka. Muslimku wuxuu leeyahay mas’uuliyad diimeed oo ah ilaalinta diintiisa, barashada iyo barista diinta, iyo ku dhaqanka diinta saxda ah ee Islaamka. Waxaa laga rabaa in uu ku dedaalo sameynta camal wanaagsan, isla markaana dadka ugu yeedho khayrka iyo xaqa iyadoo aan dhib la gaadhsiin. Diintaada cid marti ha uga noqone baro. Maalintii 30 daqiiqo kaliya haddii aad siiso sifiicanbaad dhinac walba wax uga baran karta idamka Alle.

Muhiimadda Mas'uuliyad Kasoo Bixista
Mas’uuliyad kasoo bixistu waa mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee qofka noloshiisa iyo aakhiradiisa hagaajisa.

  • Farxad, deganaan iyo niyad samaanbaad ka helaysaa
  • Helitaanka kalsoonida dadka kale ee aad masuulka u tahay.
  • Kasbashada ajar iyo abaalmarin wanaagsan adduun iyo aakhiro.
  • Ilaalinta xaqa iyo amniga bulshada.
  • Sugidda in qoyska iyo bulshada aan loo horseedin dhib ama xumaan.

Islaamku wuxuu ku baraarujinayaa qofka inuu qaado mas'uuliyaddiisa maadaama qof walba la xisaabin doono maalinta Qiyaamaha, isagoo la weydiinayo wixii uu mas'uuliyad hayey. Nebi Muxammed (SCW) wuxuu ahaa hogaamiye ka soo baxay mas’uuliyadiisa inuu ilaaliyo dadka Muslimiinta iyo fidinta diinta Islaamka. Intii uu Madiina joogay, wuxuu xaqiijiyey heshiisyo badan oo nabadeed iyo cadaalad ku dhisan si loo ilaaliyo bulshada muslimiinta iyo yuhuudda wada deganayd. Mas'uuliyaddu waxay saldhig u tahay nolosha qofka Muslimka ah, waxaana laga rabaa inuu si dhab ah uga soo baxo dhammaan mas'uuliyadaha laga filayo, si loo ilaaliyo sharafta, nabadda, iyo horumarka bulshada.

Tusaale1, Saameynta masuuliyadda aad qaada midhaha ay keeni karto:

Maalin ayuu wiil yari ka soo noqday dugsigii, waxaanu u dhiibay hooyadii waraaq yar oo looga soo dhiibay dugsiga. Waxa uu waydiiyay hooyadii waxa ku qoran waraaqda.

Waxaa indhaheedii iska soo buuxiyay ilmo, waxayna ku tidhi, waxaa ku qoran "ilmahaagu wuu maskax badanyahay, dugsigana uma qalmo qof sidan u maskax badan inuu dhigto. Anagu malihin dugsiyo daboolikara waxbarashadiisa, sidaa darteed waxaanu kaa rajaynaynaa inaad guriga wax ugu dhigtid".

Hooyadii waxay bilowday inay guriga wax ugu dhigto. Isaguna waxa uu Ku iibin jiray jaraa'iddada goobaha tareenka laga raaco, si uu hooyadii u caawiyo.

Sannado kadib waxaa dhimatay hooyadii. Wixii intaa ka danbeeyay, kaligii ayaa is waday, wuxuu noqday mid aduunka wax cusub ku soo kordhiyay.

Maalin yaa wuxuu furay qasnadii hooyadii ee qadiimiga ahayd, waxaanu ka helay warqaddii, barigii dugsiga looga soo dhiibay, ee hooyadii u akhriday. Waxaa ku qornaa sidan " wiil kaagu wuu fahan xunyahay,! Sidaa darteed uma ogolaanayno inuu sii dhigto dugsigan". Aad ayay u saamaysay warqadani. Waxa uu ku qoray buugiisii xasuus qorka sidan" waxa aan ahaa qof fahankiisu hooseeyo, laakiin hooyaday ayaa iga dhigtay qofkii ugu maskaxda badnaa qarniga".

Wiilkan yari wuxuu ahaa Thomas Edison .waa ninkii dunida ifiyey ee sameeyay laydhka.

Tusaale2,

Maamulka iyo talada haddii sifiican loo maamulo (3 Qiso oo ku jira Suuratu AN-Naml)

1. Wadciga iyo xaaladda aad ku nooshahay inaad wax ka ogtahay

Qudhahanjadii madaxda aheyd ee markii Nebiyullahi Sulayman uu kusoo aaday guryeheedii. Wuxuu la hadlay qudhaanjooyinkii uu madaxda u ahaa amarna ku siiyey inay guryohooda ku noqdaan awood idinka xoog badan ayaa soo socota oo nebiyullahi Suleyman layidhaahdo. Isma oga marka uu idin burburinayo oo ukas kama aha'e ku noqda guryihiina.  

2. Boqoradii Balqiisa markii uu Nebiyullahi Suleyman ku yidhi soogal diinta. Xikmaddii ay isticmaashay iyo sidey u badbaadisay umaddeeda ayuu ilaahay innooga waramayaa. 

3. Nebiyullahi Suleyman oo boqor ahaa sidii uu uga faa'ideeyey boqortinnimadiisii ee uu diinta ugu yeedhi jirey boqorada kale isagoo adeegsanaya awooddiisa iyo masuuliyadda uu Ilaahay SWT gacantiisa geliyey.

 

 

Guuleyso!    

Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.     

Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]      

Tixgelin.

--------------------------------------------------    

Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)    

Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs    

(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164