chat account_circle
  • chat
  • Somalijobs Inc
    Somalijobs Inc

    Shaqooyinka: Beeraha (agriculture)

    Shaqooyinka: Beeraha (Agriculture) 

    Dhameysashada shahaaddada beeruhu waxay ku siinaysaa aqoon iyo xirfaddo lagu maamulo beeraha waxsoosaarka iyo beeraha ganacsiga labadaba.  Waxaanay kuu diyaarinaysaa ka shaqaynta iibka, waxsoosaarka cuntada iyo suuqgeynta midhaha kasoo go'a beerahaa.

    Shaqooyinka ku xidhan shahaado jaamacadeed ee dhinaca beeraha:

    1. Latalinta beerelayda (Agricultural Consultant)

    2. Maamulka hantida (Estates manager)

    3. Maamulka beeraha

    4. Maamulka beeraha kalluunka

    5. Maamulka Seerayaasha

    7. Takhasuska Daaweynta biyaha

    8. Sahamiye dhaqanka miyiga (Rural Practive Surveyor)

    9. Saynisyahanka carrada (Soil Scientist)

    10. Saynisyahanka deegaanka (Environmental Scientist)

    11. Ingineerka kheyraadka biyaha

    12.  Maamulka hawlaha (Operations Manager)

    13.  Deegaan-jire (Ecologist)

    14. Farsamo-yaqaanka qalabka beeraha

    15. Maamulaha beeraha ganacsiga (Agribusiness Manager)

    16.  Aqoonyahan beereed (Agronomist) 

    Shaqooyinka ay shahaaddadaadu muhiimka u tahay:

    1. Latalinta beeraha khudaarka 

    2. Daaweynta beeraha khudaarka

    3. Maamulka beeraha ganacsiga khudaarta IWM.

    Khibraddaha Shaqo

    Lahaanshaha khibrad shaqo oo la xidhiidha shaqooyinkaa sare waxay ku sugayaan helitaanka shaqo marka aad qalinjebiso. Haddii aanad lahayn khibraddo la xidhiidha raadi carbis shaqo iyo shaqooyin kalkaalin ah oo ka banaan beeraha. 

    Goobaha aad ka heli karto carbis shaqo, tababarro iyo xogaha suuqa shaqada beeraha waxa kamid ah:

    1. Xafiisyada dawladda ee beeraha, deegaanka iwm.

    2. Hay'addaha ka shaqeeya:

    - World Food Programme (WFP)

    -  FAO - Food and Agriculture Organization 

    - Agency for Development and Environmental Care (ADEC)

    - AGRO PASTORAL CHARITY ORGANIZATION (APCO)

    - CANDLELIGHT FOR ENVIRONMENT, EDUCATION AND HEALTH

    (CANDLELIGHT)

    - CEFA (European Committee for Training and Agriculture) (CEFA)

    - ADO

    - Social-life and Agricultural Development Organization (SADO)

    - Rural Education and Agriculture Development Organization (READO)

    3.  Abuurista beero ganacsi (Iibsasho ama kireysi dhulka baaxadda lehee waxsoosaarka leh.)

    Fursaddaha Beeraha.

    1.  Suuq dihin amma ku tiirsan waxsoosaar shisheeye

    Warbixintii bangiga adduunka ee dhulka waxsoosaarka lihi wuxu ahaa 70.34% sannadkii 2018 taas oo ka dhigan in Soomaalidu haysato dhul baaxadleh oo ku habboon beerasho balse ay ka gaajoonayaan ama shisheeye waxsoosaarkooda sugayaan. Taas waxa caddayn u ah warbixinta trading Economics ee dhinaanshaha (Deficit) dheelitiranka ganacsiga ee dhoofinta iyo soodejinta, Warbixintu waxay tibaaxaysaa in soodejinta ku baxdo dakhli dhan 2,926 oo Milyan warbixinta sannadkii 2020. 

    2. Maalgashi

    Abuurista fursaddo maalgashi ku dhisan iskaashi kooxeedyo beeralay ah. Si ay u maalgashadaa waxbeerashada casriga ah taasi oo ay ka abuuri karaan fursaddo ganacsi.

    Tixraacyo:

    1. Worldbank

    2. Tradingeconomics

    3. Prospects AC UK

    4. Careeraddict

    ---------------------------------------------------

    Si aad si maalinle ah ula socoto dhamaan shaqooyinka, qandaraasyada iyo tababarada aanu baahino halkan kala deg APP-KA Somalijobs

    https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs

    ---------------------------------------------------------

    Guuleyso

    Xuquuqda Qoraalku waxa ay u dhowrsantahay @Somalijobs INC.
    Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato.

    Tixgelin

    -----------------------------------------------------