Hay’ada Al-Huda waxaa la asaasay sannadku markuu ahaa 1994, waxaana loo asaasay inay qeyb ka noqoto buuxinta baahiyaha bulshada sida Caafimaadka , dhisida goobaha cibaadada , dugsiyada waxbarashada, daryeelka iyo xannaanaynta agoomaha, qodida ceelasha biyaha, kaalmaynta danyarta iyo afurinta dadka baahan bisha Ramadaan.