Dugsiyada Ogaal ee Caalamiga ah – مدارس أوجال العالمية , waxa loo aasaasay in laga soo saaro arday hormuud ah oo aad udhisan diin ahaan, akhlaaq ahaan iyo aqoon ahaanba.
Ardayga waxa loo diyaariyay deegaan habboon waxbarashada, iyada oo ay u dhan yihiin dhammaan agabkii iyo manaahijtii waxbarasho
Ardaygu waxa uu qaadan doonaa Manhajka Qaranka JSL, UK Pearson Edexcel International IGCSE, iyo manaahij kale oo dheeraad ah, waxana u dhigi doonaa barayaal isugu jira waddaniyiin iyo ajaanib.
Dugsiyada Ogaal International Schools, waxa ay ku tilmaaman yihiin, oo ay dhigood ka ga soocan yihiin, kulminta aqoonta diineed iyo ta maaddiga ah labadaba, gaar ahaanna xifdiga Qur’aanka oo dhammaystiran, shareecada Islaamka, afafka English ka , Carabiga, Soomaaliga, oo si’ xeel dheer loo barayo, iyo waliba isku turjumaaddooda
Ardayga waxa la korinayaa; kalsoonidiisa, hankiisa, iyo himiladiisa, waxaana loogu talagalay in uu noqdo hogaanka dadka iyo dalkaba, ee horseedaya horumarka umadda dhinac walba.