Course description
Ma doonaysaa Fursad aad Ganacsi ku abuurto!
SOS Children’s Villages in Somalia waa Hay’ad caalami ah kana shaqeysa horumarinta arrimaha bulshada – daryeelka caruurta waayey daryeelkii waalidnimo ama khatar ugu jira in ay waayaan.
SOS Children’s Villages in Somalia waxay Kobcin iyo Tababaro lagu xoojinaaya Awoodooda xagga wax soo saarka u samaysaa qoysaska aan awoodin inay caruurtooda siiyaan daryeelkii ay u baahnaayeen.
SOS Children’s Villages in Somalia waxay sare u qaadeysaa xuquuqda caruurta iyo dhalinyarta waxa ayna ku howlantahay ilaalinta xuquuqdooda. SOS Childrens’ Villages Somalia, sidoo kale waxa ay magaalada Mogadishu ka fulineysa barnaamijka dhisida hal-abuurka dhalinyarada oo lagu magacaabo “The next Economy programme” looguna tala galay dhalinyarta aan shaqeeynin ee dhameesatay heerarka wax barasho sida, Dugsiga farsamada gacanta, dugsi sare, iyo dhalinyarta dhigata ama dhammeesaty waxbarasho jaamacadda.
Haydaha SOS Children’s Villages ee Somalia, waxa ay fulinaysaa mashruuca “The next Economy programme” iyaga oo tababaro siinaya dhalinyarta caqabaduhu ka heystaan in ay bilaaban ganacsi ay gaar u leeyihiin, isla markaana ay shaqo abuur u sameeyaan dhalinyarada kale ee dalka joogta.
Hay’ada SOS Children’s Village ee Somalia, waxa ay ku wargelinaysaa dhalinyarada ku nool Magaalada Mogadishu in uu billaabanayo toobabar “The next Economy programme” oo dhalinyarta ka taageeridoona dhinacyada hal-abuurka ganacsiga iyaga oo qaadandoona tababaro kaladuwan oo muddo sedex biilood ah socon doona oo ku saabsan,
1. Sida loo diyaariyo qorshayaasha ganacsi
2. Sida loogu raadiyo ganacsiga maalgalin
3. Sida loo maareeyo khataraha ganacisiga ka horyimaada
4. Sida loo suuq-geeyo alaabta/adeega
5. Sida loo Samaysto/abuurto- Ganacsi aad leedatahay
6. Sida loo kobciyo ma loo balaadhiyo ganacsigaaga
Sannadkan 2024 waxaa la qaadanayaa wajigii 6aad oo ka kooban 30 ( gabdho iyo Wiilal).
Shuruudaha laga Rabo Dhalinyarada soo codsanaysa waa sidan hoos ku xusan:
- Dada: 20– 35 Sanno
- HeerkaWaxbarasho:
i. Dugsi farsamada gacanta dhamaystay
ii. Jaamacadda dhamaystay ama dhigta
iii. Diyaar u ah in uu dhamaysto tababarka
3. Waa in uu yahay qof u heellan in uu abuurto ganacsi u gaar ah
- Waa inuu yahay qof ka bad qaba noocyada kaladuwan ee balwadaha
- Waa in uu wakhti u helayo kana go antahay dhamaysashada mudada tobabarka
- Waa inuu la yimaado hal-abuur ganacsi oo waafaqsan sharciyada dalka
Course contents
.
Attachments
How to apply
Haddii aad danaynayso fursadaan, fadlan soo buuxi formka hoose
https://forms.gle/R8B2i25pbhyaAPUj7
Ama kusoo dir codsiyada (CV iyo warqad codsi ah) Adigoo kusoo hagaajinaya E-mail ka hoos ku xusan ka hor 23/ january/ 2024.Ama waxad keeni kartaa xarunta SOS children’s village KM4. Fadlan subject’ga emailka kadhig ENTREPRENEURSHIP TRAINING
E-mail: [email protected]
Waxii faahfaahin taasi dheer fadlan Booqo Website: www.next-economy.com
FG. Fadlan qofkii horey usoo codsaday dufcadihii hore yuusan dib usoo codsan.