Course details
Posted Date
Jan, 02
Expire Date
Jan, 11
Duration
Location
Hargeisa
Qualification
Training
Course description
Ma doonaysa inaad shaqo hesho!
SOS Children’s Villages in Somaliland waa Hay’ad caalami ah kana shaqeysa horumarinta arrimaha bulshada – daryeelka caruurta waayey daryeelkii waalidnimo ama khatar ugu jira in ay waayaan.
SOS Children’s Villages in Somaliland waxay Kobcin iyo Tababaro lagu xoojinaaya Awoodooda xagga wax soo saarka u samaysaa qoysaska aan awoodin inay caruurtooda siiyaan daryeelkii ay u baahnaayeen.
SOS Children’s Villages in Somaliland waxay sare u qaadeysaa xuquuqda caruurta iyo dhalinyarta waxa ayna ku howlantahay ilaalinta xuquuqdooda. SOS Childrens’ Villages in Somaliland, sidoo kale waxa ay magaalada Hargeisa ka fulinaysaa barnaamijka logu macaabo “The next Economy programme” oo ah barnaamij shaqo abuur iyo shaqo raadis ah oo lagu tala galay dhalinyarta aan shaqeeynin ee dhameesatay heerarka wax barasho sida, Dugsiga farsamada gacanta, dugsi sare, iyo dhalinyarta dhigata ama dhammeesatay waxbarasho jaamacadda.
Haayada SOS Children’s Villages in Somaliland, waxa ay fulinaysaa mashruuca “The next Economy programme” iyaga oo tababaro siinaya dhalinyarta caqabaduhu ka heystaan in ay ku xidhmaan suuqyada shaqada.
Haydaha SOS Children’s Village in Somaliland, waxa ay ku wargelinaysaa dhalinyarada ku nool Magaalada Hargeisa in uu billaabanayo mashruuca “The next Economy programme Phase-2 ” oo dhalinyarta ka taageeri doona dhinacyada shaqo abuurka, iyaga oo qaadandoona tababaro kaladuwan muddo seddex biilood ah socon doona oo ku saabsan,
- Barashada xirfadaha aasasiga u ah shaqo tagaha
- Sida loo raadiyo ee loo helo shaqo wanaagsan
- Helista fursado shaqo carbineed
Sannadkan 2023 waxaa la qaadanayaa Wajigii 5aad oo ka kooban 100 ( gabdho iyo Wiilal).
Shuruudaha laga Rabo Dhalinyarada soo codsanaysa waa sidan hoos ku xusan:
- Dada: 20 – 35 Sanno
- HeerkaWaxbarasho:
- Dugsi farsamada gacanta dhamaystay
- Jaamacadda dhamaystay ama dhigta
- Waa in uu yahay qof u heellan in uu shaqo helo
- Waa inuu yahay qof ka bad qaba noocyada kala duwan ee balwadaha
- Waa in aanu shaqaynin wakhti xaadirkan.
Course Contents
.
How to apply
Haddii aad danaynayso Fursadan fadlan keen warqad codsi ah iyo CV-gaaga xarunta SOS Children’s Village in Somaliland oo ku taala Xero-Awr, Kaalinta Horseed dhabarkeda ama Agagaarka Jabane Super Market ugu dambayn,10 January 2023
Waxii faahfaahin taasi dheer fadlan Booqo Website: www.next-economy.com