Course details
Posted Date
Jun, 13
Expire Date
Jun, 22
Duration
Location
Hargeisa
Qualification
Training
Course description
Ma doonaysa inaad shaqo hesho ama ganacsi abuurto!
SOS Children’s Villages in Somaliland waa Hay’ad caalami ah kana shaqeysa horumarinta arrimaha bulshada – daryeelka caruurta waayey daryeelkii waalidnimo ama khatar ugu jira in ay waayaan.
SOS Children’s Villages in Somaliland waxay Kobcin iyo Tababaro lagu xoojinaaya Awoodooda xagga wax soo saarka u samaysaa qoysaska aan awoodin inay caruurtooda siiyaan daryeelkii ay u baahnaayeen.
SOS Children’s Villages in Somaliland waxay sare u qaadeysaa xuquuqda caruurta iyo dhalinyarta waxa ayna ku howlantahay ilaalinta xuquuqdooda. SOS Childrens’ Villages in Somaliland, sidoo kale waxa ay magaalada Hargeisa ka fulinaysaa barnaamijka logu macaabo “The next Economy programme” oo ah barnaamij shaqo abuur iyo shaqo raadis ah oo lagu tala galay dhalinyarta aan shaqeeynin ee dhameesatay heerarka wax barasho sida, Dugsiga farsamada gacanta, dugsi sare, iyo dhalinyarta dhigata ama dhammeesaty waxbarasho jaamacadda.
Haydaha SOS Children’s Villages ee Somaliland, waxa ay fulinaysaa mashruuca “The next Economy programme” iyaga oo tababaro siinaya dhalinyarta caqabaduhu ka heystaan in ay ku xidhmaan suuqyada shaqada ama u baahan in laga caawiyo si ay shaqo fiican u helaan ama ay u bilaaban lahaayeen ganacsigooda gaarka ah.
Haydaha SOS Children’s Village in Somaliland, waxa ay ku wargelinaysaa dhalinyarada ku nool Magaalada Hargeisa in uu billaabanayo mashruuca “The next Economy programme” oo dhalinyarta ka taageeridoona dhinacyada shaqo abuurka, iyaga oo qaadandoona tababaro kaladuwan muddo lix biilood ah socon doona oo ku saabsan,
1. Sida loo Samaysto/abuurto- Ganacsi aad leedatahay
2. Sida loo raadiyo ee helo shaqo wanaagsan – Shirkadaha ganacisga, dawlada, hayadaha maxaliga, iyo hayadaha caalamiga.
Sannadkan 2022 waxaa la qaadanayaa wajigii 5aad oo kooban 121 ( Gabdho iyo Wiilal).
Shuruudaha laga Rabo Dhalinyarada soo codsanaysa waa sidan hoos ku xusan:
1. Dada: 15 – 35 Sanno
2. HeerkaWaxbarasho:
i. Dugsi farsamada gacanta dhamaystay
ii. Jaamacadda dhamaystay ama dhigta
iii. Diyaar u ah in uu dhamaysto tababarka
3. Waa in uu yahay qof u heellan in uu shaqo helo ama uu abuurto isagu
4. Waa inuu yahay qof ka bad qaba noocyada kaladuwan ee balwadaha
5. Waa in aanu shaqaynin wakhti xaadirkan.
Course Contents
.
How to apply
Haddii aad danaynayso Fursadaan fadlan buuxi link ka hoose ugu dambayn 21 June 2022:
Waxii faahfaahin taasi dheer fadlan Booqo Website: www.next-economy.com