Course details
Posted Date
Jun, 24
Expire Date
Jul, 01
Duration
Location
Hargeisa
Qualification
Training
Course description
BAAHIN DEEQ WAXBARASHO
Xarunta Barashadda Farsamadda Gacanta ee Haldoor Technical and Vocational Training Center (HTVTC) oo fulinaysa Mashruuca ku saabsan Horumarinta Farsamadda Gacanta ee dhalinyarta waxa ay idinku wargelinaysaa in ay bilaabayso fursado wax barasho oo kala ah:
- Barashadda Xinaha iyo Make-upka (Henna and Make-up skills)
- Barashadda Dawaarka iyo Midabaynta dharka Haweenka (Tailoring, Tie and Dye)
Shuruudaha Looga Baahan yahay qofka ka faaideysanaya fursadahan waxbarasho waxa ka mid ah:
- Waa in qofka soo codsanaya deeqdan waxbarasho da’diisu u dhaxayso 18-35jir
- Waa in qofku keenaa Xafiiska Haldoor Waraaq codsi qoraal ah
- Waa in uu gacan banaan yahay muddada waxbarashadda (Muddadu waa 4 Bilood)
- Waa in uu Xirfadda uu soo codsanayo uu fahamsanyahay
- Waa in aanu Waxbarasho ama shaqo kale ku mashquulsanayn
- Waa in ay ka go’antahay inuu dhamaysanayo muddadda waxbarashadda.
Course Contents
.
How to apply
Fiiro Gaar ah:
Muddadad ay diwaan-gelintu furantahay waxa weeye 24-30 June 2023
Hadii aad rabto Warbixin iyo Weydiimo ah fadlan noogu soo dir emailkan hoos ku xusan, ama taleefanaddan soo garaac:
Email: [email protected]
Tell: +252 63 4734753 or 4429655.