Course description
Deeq Waxbarasho – Dumar kaliya
I. Mashruuca Rajo Kaaba
Rajo Kaaba waa mashruuc qaran oo ay maalgeliso Bangiga Adduunka oo ay hirgalineyso Dowladda Federaalka Soomaaliya. Mashruucan wuxuu diiradda saarayaa kor u qaadista xirfadaha akhriska iyo xisaabta ee gabdhaha iyo haweenka da'yar, isagoo sidoo kale dhisaya jiil hoggaamiyeyaal iyo xirfadlayaal dumar ah. Mashruucu wuxuu xoojinayaa dadaalka Dowladda ee awood-siinta haweenka, isagoo siinaya xirfado aasaasi ah, shahaadooyin, iyo aqoon u suurta-gelinaysa inay ka qaybqaataan suuqa shaqada. Dhisidda jiil haween xirfadlayaal ah oo hoggaamiya bulshada waxay Soomaaliya u saamaxaysaa inay qaado waddada koritaanka dhaqaale ee waara iyo horumarka bulshada; sidoo kale waxay yareysaa faqriga jiilalka dhex mara iyada oo la kobcinayo maalgashiga waalidiinta ee waxbarashada carruurta. Mashruucan wuxuu saameyn wanaagsan ku yeelan doonaa nafta dadka ka faa’iideysanaya, qoysaskooda, iyo bulshadooda guud ahaan. Mashruuca waxaa fulinaya Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare (MoECHE) iyo Dowlad Goboleedyada Federaalka (FMS) iyo Wasaaradda Waxbarashada ee Somaliland.
II. Ku Saabsan Deeqda Waxbarasho
Ujeeddada deeqda waxbarasho ee Rajo Kaaba waa in la bixiyo 3,000 oo deeqo waxbarasho ah, oo loogu talagalay gabdhaha dhammeystay dugsiga sare si ay u sii wataan tacliinta sare. Deeqdan waxbarasho ayaa waxaa xooga lagu saari doonaa iney soo saarto macalimiin u tobabaran dhigista dugsiyada hoose, dhexe iyo sare, sidokale waxaa ahmiyad gaar ah leh qeybaha caafimaadka oo kala ah umulisnimada iyo kalkaalisanimada.
III. Shuruudaha Gelitaanka Deeqda Waxbarasho
1. Deeqda waxbarasho waxay u furan tahay haweenka oo kaliya.
2. Codsaduhu waa inuu yahay muwaadin Soomaaliyeed.
3. Codsaduhu waa inuu ugu yaraan haystaa shahaado dugsi sare
4. Codsaduhu waa inuu leeyahay sooyaal wanaagsan oo waxbarasho oo leh dhibco aan ka yarayn 60/100. Sidoo kale waa inuu haystaa sooyaal anshax wanaagsan.
5. Codsaduhu waa in uu la yimaadaa dukumiindi aqoonsi ah.
6. Codsaduhu waa in uu heystaa Warqadda Dambi la’aanta ee CID.
7. Codsaduhu waa inuu qabo baahi dhaqaale.
8. Codsaduhu waa in uusan ka diiwan gashaneyn wax Jaamacad ah isla markaasna uusan ka faa’iidaysanayn deeqo kale ama qorshaynayn inuu ka qaybqaato barnaamijyo kale oo deeq waxbarasho ah.
9. Codsaduhu waa inuu qoraal ku muujiyo xiisaha deeqda waxbarasho diyaarna u yahay in uu dhammeysto waxbarashada oo aanu dhex uga tagin.
10. Bixinta xog been ah waxay horseedi doontaa tallaabo anshaxeed ku habboon
Course contents
.
Attachments
How to apply
IV. Macluumaad dheeri ah
1. Guuleestaha deeqda waxbarasho waxa uu heli doono:
A. In laga bixiyo dhamaan khidmada jaamacadda illaa u ka qalinjabiyo
B. In la siiyo gunno (pocket money) inta waxbarashada socoto
2. Ardeygu waxa uu kala dooranaya kulliyadaha kala ah: Umulisnimada, Kalkaalisanimada iyo kulliyada Waxbarashada (Nursing, Midwifery, and Education).
3. Ardeyga waxa uu dhigan doona jaamacadda Sedex (3) sano, waxa uuna qaadan doona (Diploma).
4. Deeqda waxbarasho waxa laga heli karaa dhammaan maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir, ardeyga uma baahna in uu u safro gobol kale.
5. Codsiga deeqdan waxa uu ku egyahay 14-Dec-2024.
6. Codsigaaga kusoo dir halkan: https://scholarship.moe.gov.so/auth/signup
7. Warqad Ujeeddo ee Deeqda Waxbarasho: Codsaduhu waa inuu sharaxo sababta uu u doortay deeqda waxbarasho iyo takhasuska uu daneynaayo.
8. Warqad Ujeeddo: Ardaydu waa inay muujiso xiisaha deeqda waxbarasho.