Job description
Jamhuuriyadda Somaliland
Dawladda Hoose ee Degmada Berbera
Republic of Somaliland/Municipality of Berbera
Xafiiska Maamulka Shaqaalaha D/hoose ee D/Berbera
REF: XMDH/DB/XSH/1415/2025
Saturday, May 3, 2025
Ku: Cidii Danaynaysa
Ujeedo: Baahin Fursad Shaqo
Booska: Farsamayaqaan Dabka Gaadiidka
Dawladda hoose ee degmada Berbera waxay baahinaysaa fursad shaqo oo ah farsama yaqaan dabka gaadiidka kana banaan qaybta gaadiidka gaar ahaan faraca farsamada.
Sidaa daraadeed cidii danaynaysa in ay ka fa’iidaystaan fursadaas shaqo, waxa lagu wargelinayaa inay ku soo hagaajiyaan arajidooda iyo dhammaan shuruudaha looga baahan yahay xafiiska maamulka shaqaalaha ee dawlada hoose ee degmada Berbera.
Skills and qualifications
Shuruudaha looga baahan yahay Codsadaha
- Inuu xalin karo ciladaha dabka ee gaadiidka waaweyn iyo gaadiidka yaryar
- Inuu yahay muwaadin Somalilander ah haystana kaadhka dhalashada Somaliland.
- Inuu soo gudbiyo warqada caafimaadka oo cadaynaysa inuu maskax ahaan iyo jidh ahaanba u caafimaad qabo iyo sidoo kale in uu ka caafimaad qabo dhammaan cudurada faafa.
Attachments
How to apply
Qabashada araajida waxay socon doonta muddo dhan 6 Maalmood oo ka bilaabmaysa May 3, 2025 ilaa May 8, 2025.
Guuleed Maxamed Daahir
Madaxa Shaqaalaha
Dawladda Hoose ee D/hoose ee Berbera
Dawladda Hoose ee Degmada Berbera, Xafiiska Maamulka Shaqaalaha
Tel: 063-8080919