Job description
Jamhuuriyadda Somaliland
Dawladda Hoose ee Degmada Berbera
Republic of Somaliland / Municipality of Berbera
Xafiiska Maamulka Shaqaalaha D/hoose ee D/Berbera
REF: XMDH/DB/XSH/426/2026
Taariikh: Sabti, February 7, 2026
Ku: Cidii Danaynaysa
Ujeeddo: Baahin Fursado Shaqo
Dawladda hoose ee degmada Berbera waxay baahinaysaa 13 fursadood oo shaqo oo kala ah:
-
5 Umuliso (Midwife)
-
7 Kalkaaliso (Nursing)
-
1 Nafaqayn (Nutrition)
Shaqooyinkan waxa laga hawlgelin doonaa xarumaha hooyada iyo dhallaanka Dirimara MCH.
Sidaa darteed, cidii danaynaysa oo ka faa’iidaysanaysa fursadahan shaqo kana mid noqon karta saddexdan tobanle boos, waxa lagu wargelinayaa inay kusoo hagaajiyaan CV-yadooda, shahaadooyinkooda iyo dhammaan shuruudaha looga baahan yahay xafiiska shaqaalaha Dawladda Hoose ee Degmada Berbera.
-
Umuliso (Midwife)
-
Xarunta: Dirimara MCH
-
Tirada: 5
-
-
Kalkaaliso (Nursing)
-
Xarunta: Dirimara MCH
-
Tirada: 7
-
-
Nafaqayn (Nutrition)
-
Xarunta: Dirimara MCH
-
Tirada: 1
-
Skills and qualifications
Shuruudaha looga baahan yahay Codsadayaasha
-
Shahaado waxbarasho oo Umulisanimo (University Degree of Midwife)
-
Shahaado waxbarasho oo Kalkaalisanimo (University Degree of Nursing)
-
Shahaado waxbarasho oo Nafaqayn (University Degree of Nutrition)
-
Waayo-aragnimo shaqo ugu yaraan 3 sano
-
Inuu qofku yahay muwaadin Somaliland ah haystana kaadhka dhalashada Somaliland
-
Inuu soo gudbiyo warqadda caafimaadka oo caddeynaysa inuu maskax ahaan iyo jidh ahaanba caafimaad qabo
Attachments
How to apply
Qabashada araajidu waxay socon doontaa muddo dhan 7 maalmood, oo ka bilaabmaysa February 7, 2026 kuna dhammaanaysa February 14, 2026.
Guuleed Maxamed Daahir
Madaxa Shaqaalaha
Dawladda Hoose ee Degmada Berbera
Tel: 0638080919