Job description
OGAYSIIS
FURSAD SHAQO BANAAN
JAGADA: MAAMULE DUGSI SARE
GOOBTA SHAQADA: DUGSIGA SARE EE CANDLELIGHT BURCO
NOOCA SHAQADA: SHAQO WAKHTI-BUUXA AH (FULL-TIME JOB)
1. HORDHAC
Dugsiga Sare ee Candlelight Burco waxaa la aasaasay horraantii sanadkii 1998 kii. Dugsigu waxa uu ka mid yahay Dugsiyo dhawr ah oo Haayada Candlelight maamusho kana furan Gobolada Togdheer, Sanaag iyo Maroodijeex. Qorshaha Istaraatijiyadeed ee Candlelight dhanka waxbarashadu waxa uu beegsanayaa sidii kor loogu qaadi lahaa tayada adeegga waxbarashada Dugsiyada sare iyo Hoose/Dhexe ee dalka. Dugsiga Sare ee Candlelight Burco waxa uu kaalin mug leh kaga jiraa dardar-galinta iyo fidinta adeegga waxbarasho ee gobolka iyo guud ahaan Somaliland.
Sidaa darteed, CANDLELIGHT waxa ay qaadanaysaa Maamule hogaamiya Dugsiga Sare ee Burco.
1. Waajibaadka iyo Mas’uuliyadda
Maamulaha Dugsiga Sare waxa uu masuul ka yahay hoggaaminta iyo kormeerka guud ee hawlaha waxbarasho, maamul iyo horumarineed ee dugsiga. Shaqadiisu qeybaha ay ka koobantahay:
· Hogaaminta iyo kormeerka hawlaha waxbarashada ee dugsiga.
· Dejinta aragtida iyo qorshayaasha istiraatiijiga ah ee dugsiga.
· Kormeerka macallimiinta iyo shaqaalaha; qiimeynta waxqabadkooda iyo dhiirrigelinta horumarinta xirfadaha.
· Hubinta in manhajka waxbarasho loo fuliyo si waafaqsan heerarka iyo siyaasadaha waxbarasho ee qaranka.
· Kobcinta jawi waxbarasho oo ammaan ah, sinnaan leh, iyo dhiirrigeliya waxbarashada iyo anshaxa.
· Ilaalinta iyo maareynta maamulka dugsiga: dhaqaalaha, agabka, jadwalada iyo shuruucda gudaha.
· Xiriirinta iyo wada shaqaynta waalidiinta, bulshada iyo hay’adaha kale ee waxbarasho.
· Sugida baahiyaha ardayda iyo macallimiinta si loo xaqiijiyo qorsheyaasha horumarineed ee waxbarashada.
· Xallinta khilaafaadka iyo ilaalinta nidaamka iyo anshaxa dugsiga.
· Soo saarista warbixinno joogto ah oo ku saabsan horumarka waxbarashada iyo maamulka dugsiga.
· Fulinta go’aamada kasoo baxa Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.
· Ilaalinta hantida guurtada iyo ma-guurtada ah ee dugsiga.
· Habaynta iyo xafididda dhukumentiyada dugsiga.
· Kor u qaadida nadaafadda iyo bilicaynta dugsiga.
· Dabagalka iyo qiimaynta tayada waxbaridda dugsiga.
· Hawlaha kale ee uu u igmado korjoogaha/supervisor-ka dugsiga.
Skills and qualifications
2. Shuruudaha iyo Aqoonta Loo Baahan Yahay
Qofka doonaya jagada waa in uu buuxiyaa shurudahan hoos ku xusan:
1. Muwaadin Somalilander ah.
2. Heerka waxbarasho shahaada koowaad ee jamacada oo waxbarasho ah iyo heerka labaad oo ah waxbarshada ama maamulka iyo maaraynta.
3. Khibrad macalinnimo 4 sanadood iyo Kibrad maamule dugsisare 4sanadood
4. Waa inuu leeyahay ama leedahay aqoon durugsan oo ku saabsan dhisidda akhlaaqda ubadka gaar ahaan heerka dugsiga sare.
5. Waa inuu leeyahay ama leedahahy xirfadda qorista iyo diyaarinta warbixinnada kala duwan islamarkaana warbixinta ku qorikaro luuqadaha Afsomali, iyo English
6. Waa inuu leeyahay ama leedahay xirfadda isticmaalka kombiyuutarka (MS Office iyo software kale oo maamulka waxbarashada).
7. Waa inuu leeyahay ama leedahay xirfado isgaadhsiineed iyo wada shaqeyn bulsho oo heer sare ah.
Hadaba cid kasta oo danaynaysa fursaddan shaqo waa in soo xaraysataan codsiyadooda oo ku lifaaqantahay nuquladan hoos ku xusan:
1. National ID card (Copy) or passport
2. Shahaado Cadaynaysa Heerka Waxbarasho,
3. CV wata ugu yaraan 3 tixraac (references) iyo
4. Codsi soo koobaya waayo-aragnimadaada iyo geediga heerarkii waxbarasho iyo shaqooyinkii aad soo qabatay gaar ahaan kuwo la mid ah booskan.
Attachments
How to apply
Araajida waxaa lagu soo xaraynayaa cinwaanka [email protected] ugu danbayn maalinta Isniin ee 15th September 2025 at 11:59 pm