SHAQO: KU-XIGEENKA HANTIDHAWRKA GUUD EE DAWLADDA PUNTLAND

Puntland State Of Somalia
Puntland State Of Somalia

Puntland, officially the Puntland State of Somalia, is a Federal Member State in northeastern Somalia. Centred in the town of Garoowe in the Nugal province, its leaders declared the territory an autonomous state within Somalia in 1998.

Job description

XAFIISKA GUDDOOMIYAHA HANTIDHAWRKA GUUD

OFFICE OF THE AUDITOR GENERAL

SHAQO: KU-XIGEENKA HANTIDHAWRKA GUUD EE DAWLADDA PUNTLAND

1. Xilka:                                                                             Ku-Xigeenka Hantidhawraha Guud

2. Hay’adda Dawladda:                                           Xafiiska Hantidhawrka Guud

3. Xarunta Shaqada                                                  Garoowe, Puntland

5. Madaxa booskan:                                                 Hantidhawraha Guud

6. Mas’uul ka yahay:                                                 Ku-Xigeenka Hantidhawraha Guud wuxuu

mas’uul ka yahay kormeerka shaqooyinka dhammaan waaxyaha xafiiska Hantidhawrka Guud .

7. Hordhac

Xafiiska hantidhawrka Guud ee Puntland wuxuu ka mid yahay xafiisyada dawladeed ee mad-bannaan sida ku xusan qodobada dastuurka Dawladda Puntland ee 109 iyo 110. Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Puntland waxaa la aasaasay 1998 wuxuuna ku shaqeeya sharci lambar 15 ee soo baxay sannadkii 2000.

Xafiiska Hantidhawrka Guud wuxuu u taagan yahay xoojinta maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuq-maasuqa, ilaaliya ku dhaqanka shuruucda dalka oo uu ugu horreeyo; sharciga qoondada miisaaniyadda, sharciga maamulka iyo maaliyadda, xeer nidaamiyihiisa, siyaasadaha iyo habraacyada kale, heshiisyada hay’adaha dawladdu la gasho hay’adaha caalamiga iyo kuwa maxalliga ah ee wada shaqayntu ka dhexeyso, mashaariicda baanka adduunku ka wado Puntland, hay’adaha faa’iido doonka ah oo ay dawladdu qayb ka tahay iyo shuruucda kale ee dalka u yaal.

8. Ujeedada Booska Ku-Xigeenka Hantidhawraha Guud

Ku-Xigeenka Hantidhawrka Guud wuxuu ka hoos shaqeeyaa Hantidhawraha Guud, wakiil uga yahay Hantidhawraha Guud shaqooyinka qaarkood, buuxiyaana booska Hantidhawraha Guud markuu shaqada ka maqan yahay. Xilku wuxuu la mid yahay heerarka sare ee shaqaalaha rayidka ah oo lagu soo xulanayo tartan furan, waxaana awoodda ugu danbaysa iska leh Madaxweynaha Dawladda Puntland.

9. Waxqabadka Ku-Xigeenka Hantidhawraha Guud

Guddoomiye Ku-Xigeenka Hantidhawrka wuxuu ka hoos shaqeeyaa Hantidhawraha Guud, kana masuul yahay kor-joogtaynta dhammaan saraakiisha waaxyaha Xafiiska Hantidhawrka Guud. Ku-Xigeenka Hantidhawraha Guud wuxuu qabtaa shaqooyinka uu u xilsaaro Hantidhawraha Guud oo ay ku jiraan:

      Isku xirka iyo fulinta qorshaha istaraatiijiyadda 5-ta sano ee Hantidhawrka Guud

       Diyaarinta iyo hirgelinta habraacyada baarisaha si waafaqsan heerarka ku habboon

      Hubinta iyo ka warbixinta hufnaanta iyo kalsoonida xisaabaadka iyo xogta shaqo oo ay ku jiraan warbixinada xisaabaadka iyo kuwa kale ee shaqo.

 

      Hubinta iyo ka warbixinta nidaamka u degsan ilaalinta hantida iyo xaqiijinta jiritaankoodaba.

 

      Hubinta iyo ka warbixinta barnaamijyada shaqo si loo xaqiijiyo in natiijadu ay waafaqsan tahay ujeedooyinkii iyo yoolashii.

 

      Hoggaamin sare ee dhammaam waaxyaha xafiiska iyo shaqaalaha si loo helo shaqo huffan oo gaarsiisa yoolasha la hiigsanayo.

 

      Dabagalka iyo la socodka shaqooyinka socda si loo helo warbixinada wakhtigii loogu talogalay.

 

      Hubinta iyo ka warbixinta falcelinta maamulka ee ku aadan warbixinada hantidhawrayaasha gudaha, kana caawiyo maamulka hay’adaha dawladda hirgelinta talo-bixinnada ku qoran warbixinnada, dabagalna ku sameeyo wax ka qabashada talo-bixinnada uu sameeyey xafiiska Hantidhawrka Guud.

 

      Hubinta iyo ka warbixinta ku kalsoonaanta kaantaroolada ku dhex dhisan aaladaha shaqo ee uu isticmaalo xafiiska Hantidhawrka Guud

 

      Qabashada iyo hoggaaminta baarisaha lagu qiimaynayo waxtarka mashaariicda hrumarinta.

 

      Diyaarinta iyo la wadaagista shacabka iyo warbaahinta shaqooyinka Xafiiska Hantidhawrka Guud

 

      Ururinta, diyaarinta iyo shaacinta shaqooyinka Xafiiska Hantidhawrka Guud

 

      Hubinta daahfurnaanta shaqooyinka Xafiiska Hantidhawrka Guud

 

       Hubinta iyo ka warqbadka mareegta iyo meelaha kale ee Xafiisku ku baahiyo xogta.

 

      Diyaarinta buugaagta ka warbixinaya waxqabadka shaqooyinka Xafiiska ee loogu talogalay in shacabku kala socdaan.

 

      Ka qabgalka shirarka heerka sare ee Hantidhawrka Guud ee ka dhaca gudaha iyo dibedda dalka si uu u helo xog sax ah oo loo gudbiyo shacabka.

 

      Si joogta ah ula socda, hubiyana warbixinnada baarisaha in ay waafaqsan yihin shuruucda iyo heerarka kale.

Shaqooyinka laga rabo Ku-Xigeenka Hantidhawraha Guud

Ku-Xigeenka Hantidhawraha Guud waxaa mas’uuliyad ka saran tahay shaqooyinka hoos ku qoran;

 

      Soo saarista, la socoshada fulintiisa, istaraatiijiyada 5-ta sano ee Hantidhawrka Guud oo ay u dhan yihiin waxqabad iyo miisaaniyad.

 

      Qorshaha baarisaha sannad walba iyo warbixinnadooda

 

      Cilmi baariso la sameeyo iyo warbixinnadooda

 

      Siyaasadaha iyo habraacyada baarisaha kala duwan

 

      Hubinta Tayada baarisaha, siyaasadaha iyo habraacyada u yaal Hantidhawrka Guud.

 

      Qiimaynta heerka shaqo ee shaqaalaha iyo warbixinnada baarisaha.

 

       Warbixinnada baarisaha Hantidhawrka gudaha iyo baarisaha uu fuliyo Hantidhawrka Guud

 

       Barnaamijka shaqo ee dhammaan waaxyaha Xafiiska Hantidhawrka Guud

Skills and qualifications

11. Heerka Waxbarasho ee Guddoomiye Ku-Xigeenka Hantidhawrka Guud

      Shahaado Jaamacadeed (Heerka Koowaad) ee Xisaabaadka iyo Hantidhawrka waa la iska rabaa

 

       Inuu haysto kana mid yahay si buuxda ururada Xisaabaadka iyo Hantidhawrada Soomaaliya iyo caalamkaba ee SICPA, ACCA, CIPFA, CPA, waa muhiim

 

       Shahaado Jaamaceed ee Heerka labaad ee Maamulka tixgelin dheeri ah ayay leedahay

12. Heerka Waayo aragnimo ee looga baahan yahay booskan:

       Ugu yaraan 6 sano oo waayo aragnimo hantidhawrnimo, lana soo shaqeeyey hay’ado hantidhawr oo la yaqaan.

 

       Waayo aragnimo xafiis dawladeed gaar ahaan hantidhawr qadarin dheeri ah ayay leedahay

13. Xirfadaha kale ee muhiimka u ah heerkan shaqo

       In uu leeyahay xeelad sare oo falanqayn, u kuurgar iyo ka dhex shaqayn wanaagsan xafiis la mid ah ama u dhigma.

 

       Diyaarinta qorshayaasha fog iyo qiimayntooda

 

       Maaraynta mashaariicda

 

       Qiimaynta natiijooyinka shaqo

 

       Dhisidda kooxaha shaqo iyo maamulkooda

 

       Kormeerid iyo qiimaynta shaqooyinka

 

       Maaraynta isbedellada shaqo

 

       Hoggaaminta iyo Horumarinta

 

       Farmadada xallinta caqabadaha

 

       Isticmaalka tiknoolojiyada oo sarraysa

 

       Qorista warbixinnada

 

       Qorista iyo ku hadalka luuqadaha Ingiriiska iyo Soomaaliga oo aad u sarraysa

Attachments

How to apply

Waxaa codsiyada kusoo dirtaan emailadan hoose ugu danbay 11 Juun 2024, 2.30pm.

Waxaad soo dirtaan CV aan ka badnayn 3 bog, 1 bog oo lagu sheegayo sababta codsiga iyo ku haboonaanta shaqadan, koobi shahaadooyinka ka mid ahaanshaha ururada xisaabaadka oo dhamaystiran keliya.

Xafiiska Hantidhawrka Guud:

[email protected]

Hay’adda Shaqaalaha Rayidka

[email protected]

Similar Jobs

Puntland, officially the Puntland State of Somalia, is a Federal Member State in northeastern Somalia. Centred in the town of Garoowe in the Nugal province, its leaders declared the territory an autonomous state within Somalia in 1998.

See company details