Job description
Baahinta Boosaska Shaqo ee Dugsiyada (HACO).
Hordhac:
Hay’adda Samafalka Geeska Afrika, waa Hay’ad 26 sano dhallinta barbaarinaysay, waxna baraysay, soona saartay haldoor aad u tiro iyo tayaba badan. Hiigsiga Hay’adduna waa carbinta jiil hormuud ah, diin ahaan, akhlaaq ahaan iyo aqoon ahaanba.
Hay’addu waxa ay kaalin laxaad leh ka qaadatay horumarinta waxbarashada ee Geeska Afrika, gaar ahaanna Soomaalilaand, iyada oo hirgelisay 38 dugsi, 151 masjid, iyo 745 ceel.
Dugsiyada Ogaal International Schools – مدارس أوجال العالمية , waa dugsiyo cusub oo ku yaalla Hargeysa, gaar ahaanna xaafadda Masallaha.
Warbixinta Dugsiga:
Dugsiyada Ogaal International Schools – مدارس أوجال العالمية , waxa loo aasaasay KELIYA in laga soo saaro arday hormuud ah, diin ahaan, akhlaaq ahaan iyo aqoon ahaanba.
Ardayga waxa loo diyaariyay deegaan heersare ah, kuna habboon waxbarashada, iyada oo ay u dhan yihiin dhammaan agabkii iyo manaahijtii waxbarasho. Ardaygu waxa uu qaadan doonaa Manhajka Qaranka JSL, UK Pearson Edexcel International IGCSE, iyo manaahij kale oo kab ah, waxana u dhigi doonaa barayaal isugu waddaniyiin iyo ajaanib.
Dugsiyada Ogaal International Schools, waxa ay ku tilmaaman yihiin, oo ay dhigood ka ga soocan yihiin, kulminta aqoonta diineed ee ardayga iyo ta maaddiga ah labadaba, gaar ahaanna xifdiga Qur’aanka oo dhammaystiran, shareecada Islaamka, afafka Soomaaliga, Carabiga, Ingiriisiga, oo si’ xeel dheer loo baraayo, iyo waliba isku turjumaaddooda.
Ardaygan hormuudka ah, waxa loogu talagalay in uu noqdo hogaanka dadka iyo dalkaba, ee horseedaya horumarka umadda dhinac walba.
Warbixinta Booska:
- Maamule (Principal -مدير )
Maamuluhu waa in uu yahay haldoor, soo saari kara arday hormuud ah.
Waa in uu hoggaamin karaa dhammaan howlaha waxbarasho, si’ loo soo saaro hormuudka dadka iyo dalkaba. Waa in u awood u leeyahay hagitaanka siyaasadaha maaraynta shaqaalaha, agabka, qiimaynta manhajka, jawiga waxbarida iyo waxbarashada oo udub dhexaad u ah guusha ardayga.
- Masuuliyadaha Maamulaha
- Fulinta qorshaha istraatiijiyadeed ee waxbarashada dugsiyada.
- Hagitaanka shaqooyinka joogtada ah ee ka socda dugsiyada.
- Jihaynta siyaasadaha xidhiidh ee ardayga, waalidka, barayaasha, hay’adda, laamaha dawladda, iyo bulshada guud ahaan.
- Qorshaynta, Qiimaynta iyo horumarinta baahiyaha tababbar ee bahda dugsiga, si’ loo sugo tayada tacliinta ee ardayga.
Skills and qualifications
- Shuruudaha Shaqada:
- Heysto ugu yaraan shahaaddada darajada labaad ee heer jaamacadeed oo takhasus waxbarasho ah (M. Ed), ama fiilalka la xidhiidha, oo ah heer caalami, ama ay wasaaradda waxbarashadu aqoonsan tahay.
- Leeyahay khibrad waxdhigid oo ugu yaraan shan sano ah.
- Leeyahay khibrad maamul oo la xiriirta nidaamyada waxbarashada ugu yaraan 4 sano, waliba haddii ay dalka dibaddiisa tahayna, waxa uu heli doonaa mudnaan gaar ah.
- Leeyahay xirfadaha hoggaaminta, maareeynta mushkiladaha iyo go’aan qaadashada.
- Lahayn balwad caafimaadkiisa, shaqadiisa, go’aan qaadashadiisa ama sumcadiisa bulshada dhexdeeda wax u dhimmi karta.
- Leeyahay diin, akhlaaq fiican iyo dulqaad, kana fayow yahay cudurada la is qaadsiiyo, aanu lahayna iin wax u dhimmi karta gudashada xilkiisa.
- Horay u galin fal dambiyeed maxkamad xukuntay.
- Leeyahay xirfado dad la dhaqan wanaagsan iyo wadashaqeyn.
- Leeyahay xirfadaha asaasiga ah ee isticmaalka kombiyuutarka.
- Leeyahay xirfadaha qoraalka iyo soo bandhiggidda.
- Aqoon fiican u leeyahay luqadaha Soomaaliga, Carabiga iyo Ingriisiga.
- Lifaaqyada Muhiimka ah:
- Nuqul shahaaddada iyo trancriptiga darajada 1aad ee jaamacadda
- Nuqul shahaaddada iyo trancriptiga darajada 2aad ee jaamacadda
- Nuqul taariikh nololeedka (CV).
- Saddex nuqul oo ah (Recommendation Letter – تزكية).
- Hal sawir oo la qaaday labadii bil ee ugu dambeysay.
Attachments
How to apply
- Nooca Heshiiska Shaqada: Heshiish Xaddidan (1 Sano).
- Wakhtiga Shaqada: 10 Saac.
- Qaabka Dirista Codsiga: [email protected]
- Xilliga kama dambaysta ah ee aqbalaadda codsiga: 24 June, 2023 (12:00PM).